KidsOut World Stories

Cashir ah Ninba Waxuu Geystay ayaa loo Gudaa    
Previous page
Next page

Cashir ah Ninba Waxuu Geystay ayaa loo Gudaa

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Cashir ah Ninba Waxuu
Geystay ayaa loo Gudaa

A Somali Story

 

  

 

 

*


Riti iyo dawaco ayaa waxay ahaayeen saaxiibo aad ah waxayna ahaayeen tuuk waaweyn. Maalin, ayaa labada saaxiibo waxay go’aansadeen inay wabiga ka gudbaan sidaa darteed waxay u socdaaleen beer u dhaw inay ka soo xadaan wax la cuno. Dawacada yari ma dabaalan karto sidaa darteed ritigu waxuu ku yidhi saaxiibadii, ‘Dhabarkayga ku soo bood waxaanan kaa gudbin wabiga.’

Sidaa darteedna dawacadu waxay ku booday dhabarka ritiga waxuuna ritiga awooda badani dabaal ooga gudbay wabiga gadiga kale.

Markii ay gudbeen wabiga, ritigii iyo dawacadii waxay wajaheen beerta. Oogu danbeyntii markii ay gaadheen beerta, dawacadii waxay qabsatay diyaag ritigii oo daaqayay qudrad aad u macaan.

Dawacada hunguriga badan waxay si dhakhsa ah u boobtay diyaagteedii ka dibna waxay ku tidhi saaxiibkeeda ritiga ah, marka aan cunnada ka bogo waxaa caado ii ah inaan heeso.’

‘Waa wali ha heesin,’ ayuu yidhi ritigii asagoo raaminaya cunnadiisa qudradda ah. ‘Wali ma aanan bogan cunitaanka haddii aad heystidna ka dib qofka beerta leh wuu ku maqli doonaa. Bal marka hore aan dhameeyo cunnadayda ka dibna waad heesi kartaa marka aan gurigu u sii socono.’

Laakiin dawacadu ooma dhag laalaadin saaxiibkeed waxayna bilawday inay ku heesto codkeeda sare. Qofkii beerta lahaa waxuu markiiba maqlay heestan waxuuna ka soo orday gurigiisa asagoo wata ul aad u wayn. ‘Cashir ayaan idiin dhigi doonaa sida aad ii xadeen’ ayuu ku dhawaaqay ninka beerta oo xanaaqsan.

Maadaama oo dawacadu yartahay ooy fudutahay waxay awooday inay ka baxsato ninka beerta. Laakiin ritiga miskiinka ah wuu tab gaabnaa, walina waxuu ku guda jiraa cunista cunnadiisa, sidaa darteedna ma uuna arag ninka beerta ilaa uu u soo dhawaado.

Ninka beerta oo xanaaqsan waxuu la dhacay ritiga ushiisa weyn ritiga maskiinka ahna waxaa ka gaadhay garaacid badan lugaha iyo dhabarka ka hor inta uuna oogu danbeystii baxsan.

Markii uu ritigu gaadhay wabiga lafihiisa oo xanuunaya waxuuna aad ooga careysnaa saaxiibaddii dawacada ah. ‘Maxaad u heestay adoo ogaa in ninka beertu ku maqli oodna arkaysay in aan wali cunayo cunnadayda?’ ayuu way diiyay ritigu.

‘Sababtoo ah waa caadadeyda,’ ayay ku jawaabtay dawacadu. Hadda bal aan fuulo dhabarkaaga sidaa darteed waxaan ku noqon karnaa gurigeena wabiga goyntiisa.

Ritigu wuu yeelay dawacaduna way ku booday dhaberkiisa. Ka dibna ritigu waxuu si tartiib ah u lugeeyay daanta wabiga waxuuna bilaabay inuu dabaal ku geeyo gadiga kale dawacada oo saaran dhaberkiisa.

Marka uu ritigu uu ka gudbay kala badh wabiga, meesha ay biyuhu oogu moolsan yihiin oo ay aad u socdaan, waxuu joojiyay dabaashii waxuuna u sheegay dawacada, ‘Marka aan bogto cunidda waxaa caado ii ah inaan qabaysto.’

‘Ha qabaysan!’ ayay ku baryootantay dawacadu. ‘ma dabaalan karo haddii aad qabaysatidna waxaan raaci doonaa biyaha!’

‘waan ka xumahay,’ ayuu yidhi ritigii, ‘laakiin sida caadada ah waan qabaystaa ka dib marka aan wax cuno. Waa caadadeyda.’

Sidaa darteedna ritigu dhaberkiisa ayuu hoos oogu dhigay moolka ilaa ay dawacadu ka fakato dhaberkiisa waxayna bilawday inay raacdo daadka caawin la’aan. ‘I caawiya,’ ayay ku oyday dawacada dhibaataysan, ‘Waan hafanayaa, waan hafanayaa!’

Ritugu waxuu waydiiyay dawacada, ‘Ma ka xumeed in aad ahayd danayste oo aad adigu sababtay in ninka beertu i garaaco?’

‘Haa, haa, run ahaantii waan ka xumahay!’ ayay ku ooyday dawacadu inta uuna madaxeedu markale makhuuran biyaha.

Ritigu calool adeeg ma lahan uu ku eegto saaxiibadii oo ku hafanaysa wabiga sidaa darteedna wuu ka soo jiiday dawacada yar biyaha waxuuna dhigay dusha dhaberkiisa. Ka dibna ritigu waxuu ka gudbay wabiga wuxuuna fantay gabiga waxuuna gaadhay caws diiran.

Dawacadu waxay garawsatay in ay tahay daneyste xun waxayna ku tidhi saaxiibkeed, ‘waan ka xumahay wixii aan sameeyay waxaanan balan qaadayaa in aad i aamini kartid waligaa saas bayna ku dhantahay.’

‘Waxaanan ka xumahay in aan kuu dhigay cashir manta, laakiin marar badan noolasha badaanaa waa arrin ah ninba waxuu geysto ayaa loo gudaa.’

Hadaba labada saaxiib waxay bilaabeen inay qosqoslaan ooy ku galgashaan cawska diiran ayadoo ilayska cadceedu qalajisay dhogortooda qoyan. Dawacadu waxay baratay cashir lama ilaawaan ah maalintaas; waxay baratay in ayna wanaagsaneyn in la khayaamo saaxiib, iyo in haddii aad ku sameysid qof khalad uu ka dib qofkaasu kugu sameyn karo khalad. Xaqiiqdii waa cashir ah ninba waxuu geysto ayaa loo gudaa.

Enjoyed this story?
Find out more here