KidsOut World Stories

Saddexda Doofaar ee Yar yar Niz Smith and Avril Lethbridge    
Previous page
Next page

Saddexda Doofaar ee Yar yar

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

Saddexda Doofaar ee Yar yar

 

 

 

 

 

 

  

 

 

Marwo Doofaar aad ayay u daallanayd: 'Allah,' ayay ku tiri saddexdeedii doofaar ee yar yaraa, 'Shaqadan iminka ma samayn karo, waan ka xumahay laakiin waa in aad guriga ka tagtaan oo aad meel ka heshaan dunida.' Markaa saddexda doofaar ee yar yar ayaa dhaqaaqay. 

Doofaarka yar ee koowaad ayaa la kulmay nin siday caws isku duuban. 

'Iga raalli noqo,' ayuu ku yiri doofaarka yar ee koowaad si edeb leh. 'Fadlan ma iga iibin kartaa cawskaaga qayb si aan aqal u dhiso?' 

Ninkii ayaa dhakhso u oggolaaday oo doofaarka yar ee koowaad ayaa tagay oo soo raadiyey meel fiican oo uu aqalkiisa ka dhiso. 

Doofaarta yar yar ee kale ayaa dariiqa ku sii socday oo, dhawaan, waxay la kulmeen nin siday qoriyo isku duuban. 

'Iga raalli noqo,' ayuu ku yiri doofaarka yar si edeb leh. 'Fadlan ma iga iibin kartaa qoriyaha qaar si aan aqal u dhiso?'

Ninkii ayaa dhakhso u oggolaaday oo doofaarka yar ayaa salaama ku yiri walaalkiis. 

Doofaarka yar ee saddexaad ra'yi fiican kama qabin fikradahooda: 

'Waxaan dhisan doonaa aqal aad uga weyn, aad uga fiican, oo aad uga adag,' ayuu is yiri, oo waxuu ku dhaqaaqay dariiqa ilaa uu la kulmay nin wada kaariyoone uu jaajuur ka buuxo.

'Iga raalli noqo,' ayuu doofaarka yar ee saddexaad yiri, sida edebta leh ee ay hooyadiis bartay. 'Fadlan ma iga iibin kartaa jaajuurka qaar si aan aqal u dhiso?' 

'Haa, dhab ahaan,' ayuu ninkii ku yiri. 'Halkee ayaad rabtaa in aan kuu dhigo?'

Doofaarka yar ee saddexaad ayaa hareeraha eegay oo arkay meel yar oo dhulka ku taallay geed hoostiis. 

'Halkaas,' ayuu ku farta ku fiiqay. 

Waxay dhammaantood bilaabeen shaqadii oo markii ay habeen noqotay aqalkii cawska iyo aqalkii qoriyaha ayaa la dhisay laakiin aqalkii jaajuurka ayaa goortaas uun ka soo kacayey dhulka. Doofaarta yar yar ee koowaad iyo labaad ayaa qoslay, waxay u  maleeyeen in walaalkood uu runtii nacas ahaa markii uu sidaas adag u shaqaynayey ee ay iyagu dhammeeyeen. 

 

 

 

Hase yeeshee, xoogaa maalmood ka dib aqalkii jaajuurka ahaa ayaa la dhammeeyey oo wuu quruxsanaa waxuuna lahaa daaqado dhalaalaya, bir yar oo nadiif ah oo qiiqa saarta iyo garaace dhalaalaya oo albaabka ku yaallay. 

Habeen xiddiguhu muuqdeen, waqti yar ka dib markii ay degeen, waraabe ayaa soo baxay oo cunto raadinayey. Iftiinkii dayaxa ayuu ku eegay aqalkii cawska ee doofaarka yar ee koowaad oo waxuu socod deggan ku tagay albaabka waxuuna ugu yeeray: 

'Doofaar yarow, doofaar yarow, guriga ii soo daa.' 

'Maya, maya, waxaan ku dhaartay timaha garkayga garkayga dheer!' ayuu ku jawaabay doofaarka yar.

'Haddaba neefta ayaan qaadan doonaa waanan afuufi doonaa waxaanan neef ku burburin doonaa aqalkaaga!' ayuu yiri waraabihii oo ahaa waraabe aad u weyn, xun, oo hunguri weyn. 

 

 

Oo neefta ayuu qaatay, oo wuu afuufay waxuuna neef ku burburiyey aqalkii. Laakiin doofaarka yar ayaa dhakhso u cararay intii ay mijiyihiisu u qaadi karayeen waxuuna tagay aqalkii doofaarka yar ee labaad si uu iskugu qariyo.

Habeenkii ku xigay waraabihii ayaa kaba sii gaajaysnaa waxuuna arkay aqalkii qoriyaha. Aayar ayuu ugu dhawaaday albaabka waxuuna ugu yeeray: 

'Doofaar yarow, doofaar yarow, guriga ii soo daa.' 

'Allah maya, ma dhici karto haddii aan ku dhaarto timaha garkayga garkayga dheer!' ayuu yiri doofaarka yar ee labaad, intii uu doofaarka yar ee koowaad oo gariiraya isku qarinayey jaranjarada hoosteed. 

'Haddaba neefta ayaan qaadan doonaa waanan afuufi doonaa waxaanan neef ku burburin doonaa aqalkaaga!' ayuu yiri waraabihii. 

 

 

Oo neefta ayuu qaatay, oo wuu afuufay waxuuna neef ku burburiyey aqalkii. Laakiin doofaarta yar yar ayaa dhakhso u cararay intii ay mijiyahoodu u qaadi karayeen waxayna tageen aqalkii doofaarka yar ee saddexaad si ay iskugu qariyaan. 

'Maxaan idin iri?' ayuu yiri doofaarka yar ee saddexaad. 'Waa muhiim in aqallada si hagaagsan loo dhiso.' Laakiin iyaga wuu soo dhaweeyey oo waxay dhammaantood degeen habeenkaas intii ka hartay.

Habeenkii ku xigay waraabihii ayaa kaba sii gaajaysnaa oo waxuu u eekaa in uu abid ka weynaa oo uu ka xumaa. 

Isagoo warwareegaya oo wax raadinaya, waxuu gaaray aqalkii doofaarka yar ee saddexaad. Aayar ayuu ugu dhawaaday albaabka waxuuna ugu yeeray:

'Doofaar yarow, doofaar yarow, guriga ii soo daa.'

'Allah maya, ma dhici karto haddii aan ku dhaarto timaha garkayga garkayga dheer!' ayuu yiri doofaarka yar ee saddexaad, intii ay doofaarka yar ee koowaad iyo labaad oo gariiraya isku qarinayeen jaranjarada hoosteed. 

'Haddaba neefta ayaan qaadan doonaa waanan afuufi doonaa waxaanan neef ku burburin doonaa aqalkaaga!' ayuu yiri waraabihii. 

 

 

 

Oo neefta ayuu qaatay, oo wuu afuufay oo wuu afuufay laakiin wax ma dhicin. Markaa neefta ayuu mar kale qaatay oo wuu afuufay oo wuu afuufay, si kaba adag, laakiin weli wax ma dhicin. Aqalkii jaajuurka ayaa si adag u taagnaa. 

Waraabihii ayaa aad u caraysnaa oo daqiiqo kaste wuu siiba weynaanayey oo wuu siiba xumaanayey. 

'Waan idin wada cuni doonaa,' ayuu ku guuxay, 'suga oo waad arki doontaan.' 

Waxuu ku warwareegay aqalka waxuuna isku dayey in uu helo meel uu ka galo. Doofaarta yar yar ayaa gariiray markii ay arkeen indhihiisa waaweyn oo ka soo eegaya daaqadda. Ka dib waxay maqleen shanqarta meel la fuulayo. 

Wolf climbing down chimney

 

 

'Dhakhso, dhakhso!' ayuu yiri doofaarka yar ee saddexaad. 'Waxuu fuulayaa geedka. Waxaan u maleeyaa in uu ka soo degi doono birta qiiqa saarta.' 

Saddexda doofaar ee yar yar ayaa soo qaaday distidii ugu weynayd ee ay haysteen, oo biyo ayay ka buuxiyeen waxayna dul dhigeen dabka si ay u kariyaan. Waqtigaas oo dhan waxay maqlayeen shanqarta waraabaha geedka fuulayey oo ka dib ku socday saqafka. 

Saddexda doofaar ee yar yar ayaa neefta isku qabtay. Waraabihii ayaa ka soo degayey birta qiiqa saarta. Kolba in ayuu soo dhawaaday ilaa, isagoo kala sayriyey, ku dhex dhacay distidii biyaha.

'Ayaaaay!' ayuu ku qayliyey, waxuuna dib ugu booday birta qiiqa saarta isagoo u maleeyey in dabadiisu ay gubanayso. 

 

 

Ugu dambayntii saddexda doofaar ee yar yar waxay arkeen waraabihii weynaa ee xumaa oo duulitaan ku maraya korka geedaha oo xajisanaya dabo damqasho badan. 

Markaa, saddexda doofaar ee yar yar waxay si farxad leh oo wadajir ah intii dambe oo dhan ugu noolaayeen aqalladoodii jaajuurka ee aad u quruxsanaa. 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Enjoyed this story?
Find out more here