KidsOut World Stories

Alfredo Adam Fitzgerald    
Previous page
Next page

Alfredo

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

 

Alfredo

 

 

 

 

 

 

 

 

  *

Quraanjadu ma leh dhego ama san, oo inkastoo ay af leeyihin, haddana ma hadli karaan. Taas halkeeda, waxay madaxa ku leeyihiin labo shay oo dheer oo ay wax ku dareemaan oo la yiraahdo anteenooyin. Anteenooyinkani waa qalab yar oo aad u fiican oo aad muhiim ugu ah nolol maalmeedka quraanjada. Quraanjadu waxay kuwaas u isticmaalaan si ay ugu helaan urta, ugu dareemaan gariirka ka soo baxa dhulka iyo si ay ula wada xiriiraan kuwa kale.

Quraanjadu inta ugu badan ma seexdaan. Taas halkeeda, waxay qaataan ‘hurdo gaaban oo lagu nasto’ oo markiiba ku qaadata xoogaa daqiiqo oo keliya.

Nasashooyinkan yar yar ayaa qaybta maalintii ugu fiican u ahaa Alfredo. Waqtiyada hurdada gaaban ayuu si dhab ah u degganaa, isagoo aanan ka walwalin shaqada. 

Alfredo waxuu ahaa siddeed jir. Waxuu jiray siddeed sano, afar bilood iyo 13 maalmood, marka sax loo tilmaamo. Inkastoo da'da siddeed sano, afar bilood, iyo 13 maalmood ay aniga iyo adiga nala tahay da' yar, haddana Alfredo waxuu ahaa quraanjo da' dhexeaysa. Ahaanshaha ‘da'da dhexe’ waxay ka dhigan tahay in Alfredo uu markaaba nus ka gaaray noloshiisa. 

Alfredo waxuu ahaa quraanjo daba raacda. Ku dhawaad qof walba oo ku jiray kooxdiisa ayaa ahaa quraanjo daba raacda, markaana waxuu dareensanaa in aanu ahayn wax gaar ah oo cajiib ah. 

Waxaa jira wax muhiim ah oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato quraanjada: buul kaste, waxaa ku jirta quraanjo boqorad ah, waxaa ku jira quraanjo soo raadisa, waxaana ku jira quraanjo daba raacda. 

Quraanjada soo raadisa waxay soo helaan cuntooyin kaladuwan, waxayna dhisi karaan raadyo leh ur aad u badan tahay oo xoog badan. Quraanjada daba raacda ayaa markaa isticmaala anteenooyinkooda si ay u raacaan raadka urta leh si ay u soo guraan cuntada. Cunto kastoo ay soo helaan waa la soo guraa waxaana dib loogu celiyaa buulka. 

Waa la yaab maxaa yeelay quraanjada soo raadisa weligeed ma oga waxa ay heli doonto marka ay cuntada soo gurayso. Qiyaasta, culayska iyo goobta cuntada ayaa gebi ahaan nasiib ah oo lama kala sooco. Waxay tani ka dhigan tahay in Alfredo uu u baahnaa in uu in badan socdo; caadi ahaan qiyaastii 5,000 oo mitir maalintii. Waxay taasi u dhigantaa qof aadami ah oo orda saddex maaratoon – maalin walboo keliya! 

Buulka Alfredo, waxaa caan ku ahaa quraanjada soo raadisa. Magaacooda sharafta lahaa ayaa ka dhignayd in ay daba raaceyaashu rabeen in ay la mid noqdaan uun. Soo raadiyeyaashu waxay helayeen faa'iido gaar ah; waxaa iyaga loo oggolaa in ay helaan waqti dheeraad ah oo ay isku dejiyaan waxaana la siinayey cunto ka fiican si ay u cunaan. Cuntadan dheeraadka ah oo dhan ayaa keentay in soo raadiyeyaashu ay aad uga weynaayeen oo ay aad uga xoog badnaayeen daba raaceyaasha. Mararka qaar tani way xumayd maxaa yeelay waxay keenaysay in soo raadiyeyaashu ay aad iyo aad u amar bataan. Badi, waxay isku haysteen in ay ka fiican yihiin dadka kaloo dhan oo ay samayn karaan wax kastoo ay rabaan. 

Hase ahaatee, Alfredo waxuu rabay in uu noqdo quraanjada hesha cuntada ugu weyn oo ugu dheecaan badan. Waxuu ku riyoonayey in uu helo tufaax cas oo daray ah oo buuxa, oo aanay cid kale ama wax kale taabanin. Waxuu ku riyoonayey in uu miciyihiisa tufaaxaas ku quuso oo uu iska joojiyo oo keliya marka ay calooshiisu qarax ku dhowdahay. 

Tufaaxa ayaa ahaa cuntada uu Alfredo ugu jecel yahay. Waxuu jeclaa in ay dheecaan badan yihiin, qajajac leeyihiin, dhadhan badan yihiin oo ay ka buuxdo sonkor macaan. Cunidda tufaaxa ayaa isaga marwalba tamarta u kordhinaysay.

Alfredo in badan ayuu soo jeed ku riyoon jiray. Waxuu soo jeed ugu riyoon jiray in uu yahay soo raadiyaha ugu guul badan ee ugu caansan kooxda. Waxuu ku riyoon jiray in uu leeyahay miciyo 20 jeer ka weyn si uu u hal cantuugo oo weyn ugu liqi karo shan ama lix tufaax oo afka biyo geliya. Fikradda keligeed ayuu ugu ilka caddeeyey dheg ilaa dhegta kale. Aad ayuu u jeclaa afkaartan iyo fikradahan waxuuna xataa soo jeed ugu riyoon jiray waqtiyada degganaanta ee uu soo jeed ugu riyoon karo! 

Maalin, mar uu ku jiray hurdo gaaban oo uu ku nasto, Alfredo waxaa soo gashay riyo soo jeed oo noloshiisa oo dhan beddeli doonta. Waxay taasi ahayd fikrad dhab ahaan cajiib ah, haddana naxdin badan. 

Alfredo, kooxdu waxay u ahayd dunidiisa. Waxay ahayd nolosha keliya ee uu garanayey dhammaan waqtigii siddeed sano, afar bilood, iyo 13 maalmood ee uu noolaa. Laakiin markaaba, waxaa Alfredo ku soo dhacay fahan daruuri ah. 

‘Waxaan aad diiradda u saaray waxa ka dhaca dunidayda yar,’ ayuu is yiri. ‘Waxaan wada illaaway dunida inteeda kale ee halkan ka baxsan.’ 

Noloshiisa oo dhan, ujeeddada Alfredo waxay ahayd in uu quraanjada kale ka farxiyo. Boqoradda iyo soo raadiyeyaasha ayaa calooshooda ka buuxinayey cuntada ay daba raaceyaashu dib ugu soo qaadaan buulka, waxayna hambada oo keliya u reebayeen Alfredo. 

‘Ayaa dhigay in ay sidan noqoto?’ ayuu Alfredo ku fikiray. ‘Haddii aan rabo in aan helo tufaaxa ugu weyn, ugu qajajac badan, ugu dheecaan badan, maxaa ii diiddan in aan … iska sameeyo uun?’

Waxay taasi ahayd markii ugu horraysay noloshiisa ee uu fahmay in farxaddiisa uu marka hore ka shaqeeyo. Waxuu nus ka gaaray noloshiisa, oo haddii uu iminka wax qaban waayo, waxuu waqtigiisa ku khasaarin doonaa oo keliya murugo iyo caajis. Alfredo ayaa go'aansaday in uu buulka ka tago oo uu raaco riyadiisa. 

Markaa, madaxiisa oo xiise ku guuxaya oo walwal caloosha kaga jiro, ayuu Alfredo u dhaqaaqay tacaburkiisa Waxuu ka baxay iridda buulka sidii uu shaqada tagayo. Halkii uu raad ka raaci lahaa, sida uu shaqada ugu sameeyo, Alfredo jid kale ayuu maray. Ma ahayn sida quraanjada soo raadisa, oo raad ma reebin. 

‘Waxaan u maleeyaa in aan waalan ahay!’ ayuu Alfredo is yiri. Isagoo aanan dib u jeedsanin, waxuu hore ugu dhaqaaqay geedo isku urursan oo ku yaallay meel shishe. Alfredo ayaa fahmay in raadinta farxaddu ay tahay oo keliya waxa nolosha loogu noolaado.

 

Enjoyed this story?
Find out more here