KidsOut World Stories

Goor dambe! Maria Baker    
Previous page
Next page

Goor dambe!

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

 

Goor dambe!

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maalin walba Oscar waxuu wax walba u samayn jiray sida uu rabo. Oscar waxuu cuni jiray waxa uu rabo, waxuu ciyaari jiray ciyaaraha uu rabo mar kastoo uu rabo oo waxuu seexan jiray waqtiga uu rabo. Haddii ay hooyadiis isaga weydiiso in uu nadiifiyo wixii uu isticmaalo ama u soo dego cashada, waxuu ku qaylin jiray ‘goor dambe!’ waxuuna sii wadi jiray waxa uu samaynayey. 

Maalin, Oscar ayaa goor dambe ka soo hooyday dugsiga ka dib markii uu dibadda saaxiibbadiisa ugu fiican kula soo ciyaariyey beerta weyn. 

‘Waan imid!’ Waxuu hamaansi ku galay marinka dhexe ee guriga. Aad ayuu u daallanaa ka dib markii uu galabtii oo dhan soo ciyaaray. 

‘Haye, hooyo!’ Oscar hooyadiis ayaa dhawaaq ugu jawaabtay. 

Oscar ayaa tagay si uu u sameeyo wixii ugu xigay liiskiisa maalin walba. Kabadhka jikada ayuu ka soo qabsaday cuwaafo dhudhumaha u buuxiya waxuuna ka dib ciyaaray ciyaaraha fiidiyowga ilaa ay cadceeddii dhacday. Qolka uu ku jiray waxaa ku bilaabmay gudcur aad iyo aad u badan. Iftiinka keliya ee jiray waxuu ka imanayey telefishinka, oo ay shanqar badani ka socotay. 

‘Allah, ma dhici karto!’ Oscar ayaa kontoroolihii hoos ugu dharbaaxay kursiga dheer ee fadhiga. Waxuu soo qabsaday oo uu gacanta ka buuxsday baradhada jibska. Nuskood ayaa qaybo u burburay ka hor intii aanay afkiisaba gaarin. 

‘Fursad iga siiya meesha!’ Ayuu ugu dhawaaqay saaxiibbadiisa ciyaarta kula jiray. Waxay ugu jawaabeen gunuunuc dhawaaq dheer.

‘Oscar!’ ayay hooyadiis ka soo qaylisay jikada. 

Uma jawaabin. 

‘Waryaada halkan kaalaya!’ ayuu ku qayliyey shaashadda. 

‘Oscar!’ ayay hooyadiis ku celisay. 

Markan way ka qaylo dheerayd, waxayna u dhawaaqaysay sidii qof yara daallan. 

‘Hee?!’ Oscar ayaa samaacaddii madaxa ka jaray. 

‘Cashadii waa diyaar!’ 

Oscar ayaa indhaha kor u rogay markii uu dib u xirtay samaacaddiisii waxuuna dib ugu degay kursigii dheeraa. 

‘Goor dambe!’ ayuu dib ugu dhawaaqay. 

Goortii dambe ayaa timid, oo Oscar hooyadiis ayaa qolkiisii gashay. Waxay sidday saxan cunto si uu ugu casheeyo. Waxay markiiba joogsatay albaabka gudihiisa uun. 

‘Oscar, qaskan ma nadiifin kartaa?’ 

Sidii uu Oscar wax u sii cunayey, ayuu jajabkii cuntadu ku sii kala daatay hareerihiisa. Waxaa isaga ku hareersanaa bacihii cuntada ku duubnaa iyo baakadyo faaruqsan oo iskugu ururay kursiga dheer. 

Oscar ayaa wajiga u huruufay hooyadiis. 

‘Goor dambe!’ ayuu ku qayliyey, isagoo dhaafiyey shanqartii ciyaarta fiidiyowga. 

Hooyadiis ayaa neef sii daysay markii ay bilowday in ay qaska iyo wasakhda nadiifiso. 

Maalintii ku xigtay, Oscar ayaa guriga yimid isagoo caraysan oo caalwaa qaba maxaa yeelay waxaa ku adkaaday imtixaan lagaga qaaday dugsiga. Waxuu go'aansaday in uu isku abaal mariyo qayb keeg. 

Markii uu Oscar ku dhawaa uun in uu qaybtii ugu horraysay goosto, ayay hooyadiis uga yeertay qolka kale. Neef ayuu sii daayey, waxuu riday keeggii oo isagoo caraysan ayuu dhaqaaqay si uu hooyadiis ula hadlo. 

Wajigeeda ayaa adkaa. Gacmaheeda ayaa isku laabnaa. Bokhshaddii uu Oscar markaas uun guriga keenay ayaa dillaac lagu furay, oo warqad ayay gacanta ku haysay. 

‘Oscar, waa in aan ka wada hadalno wax dugsiga ka dhacay.’ 

Waxay isaga u tilmaantay in uu agtiisa fariisto. 

Oscar ayaa calyadiisa liqay oo fariistay. Waxuu u maleeyey in uu garanayo waxa soo socda. 

‘Oscar, waxaan akhriyey warqaddan ka timid macallimaddaada. Waxay sheegtay in aad khishaysay oo aad khiyaanaysay imtixaannadaadiii oo aad eegatay shaqadii saaxiibkaa.’ 

Oscar ayaa markiiba caro bilaabay. Sababta uu uga eegtay waxay ahayd oo keliya in uu wax ka fahmi waayey.

‘Haddaba, isaga ayaa ii oggolaada in aan ka eegto!’ Waxuu sii daayey neef xooggan waxuuna isku laabay gacmihiisii. 

Hooyadiis ayaa iyaduna neef sii daysay laakiin ka dib in yar ayay u ilka caddaysay. 

‘Dhib ma leh, Oscar. Eeg, haddii ay kugu adag tahay, aniga ayaa ku caawin kara. Caawa aan bilowno, ma rabtaa?’

Oscar ayaa daallanaa oo xaaladda ka daallanaa. Horta, macallimaddiisii ayaa hooyadiis wax uga sheegtay ka dibna hooyadiis ayaa dhinaca macallimaddiisa raacday! Maxay u soo dhex gashay? 

Cagihiisa ayuu ku booday. Gacmihiisii oo dhinacyadiisa iskugu duubnaa. 

‘Goor dambe!’ ayuu ku dhawaaqay. Waxuu u cararay qolkiisii hurdada. 

Goor dambe habeenkaas, Oscar ayaa gunuunucayey markii uu sariirtiisa ku jiifay ee uu kolba dhinac isku rogayey. Wuu seexan kari waayey. 

Maxay dadkoo dhani u baahan yihiin in uu isagu wax walba sameeyo waqti walba? Maxay ugu diiddan yihiin in uu sameeyo waxa uu rabo? Waxuu damacsanaa in dadkoo dhani ay isaga ka haraan. Waxuu ku ballan qaatay in uu wax walba naftiisa u qaban doono mustaqbalka, xataa haddii ay taasi ka dhigan tahay in uu khisheeyo. 

Habeenkaas, Oscar waxuu ku riyooday in uu cunayey cuwaafaha uu ugu jecel yahay iyo in uu beerta weyn kula ciyaarayey saaxiibbadiisa ugu fiican maalintoo dhan. 

Subaxdii ku xigtay, Oscar waxuu shoog kaga kacay hurdo culus. Roob dabayl iyo onkod wata ayaa ka qaylinayey daaqadda dibaddeeda. Roobka ayaa xoog u garaacayey quraaradda. 

‘Hooyo?’ Oscar ayaa ugu dhawaaqay aqalka aamusnaa. 

Aamusnaan ayuu jawaab ku helay. 

Hoos ayuu u cararay, laakiin cidi ma joogin. Oscar ayaa garbaha ruxay uun, mararka qaar hooyadiis ayaa marka ugu dambaysa looga yeeraa shaqada. Waxay caadi ahaan isaga uga tagtaa farriin si ay ugu sheegto in ay u samaysay quraacda uu ugu jecel yahay oo ay ugu duubtay miiska sare korkiisa. Meel walba ayuu eegay, laakiin farriin ama quraac ma helin. 

‘Wax ma aha,’ ayuu Oscar naftiisa sare ugu sheegay. Waxuu soo qabsaday cuwaafaha uu ugu jecel yahay si uu quraac uga dhigto. 

Oscar isagoo aanan ku faraxsanayn ayuu u dhaqaaqay dugsiga, isagoo xasuusnaa in uu maalintaas sugayey imtixaan kale. Markii uu fasalka tagay, waxuu fahmay in saaxiibkii uu caadi ahaan wax ka eeganayey uusan meelba joogin. Isagu Oscar uma sheegin in uu maqnaan doono. Waxay u muuqatay in uusan macallimiinta xataa u sheegin; taas wax kama ogaynba markii uu Oscar iyaga weydiiyey. 

Oscar weliba aad uguma faraxsanayn in uu maalintaas guriga yimaaddo dugsiga ka dib. Waxuu ka caraysnaa imtixaanka. Oscar waxuu necbaa roobka, laakiin kaasi uma muuqanin in uu joogsanayo. Roobka ayaa u diiday in uu dibadda joogo oo uu ciyaaro, laakiin saaxiibkii uu rabay in uu la joogo ayaa isagana la waayey. Markaa ma haysanin cid uu la ciyaaraba. 

‘Wax ma aha, haddii aan iminka gurigii soo gaaray,’ ayuu is yiri. 

‘Waan soo noqday!’ ayuu ugu dhawaaqay aqal faaruqsan. 

Hooyadiis weli meel ma joogin. 

Ilkacaddayntii Oscar ayaa wajigiisii ka baaba'day. Taasi caadi ma ahayn. Caadi ahaan, hooyadiis waxay keeni jirtay qof isaga daryeela haddii ay waqti dheer maqan tahay. 

Garbaha ayuu taas ka ruxay. 

‘Goor dambe ayaan taas ka walwali doonaa,’ ayuu isku dhahay. 

Waxuu bilaabay in uu ciyaaro ciyaarta fiidiyowga ee uu ugu jecel yahay. Waxuu cunay cuwaafo badan, waxuu dhaafay cashadii waxuuna hurdo tagay waqti dambe habeenkaas. 

Subax ayay noqotay. Dabayl iyo roob ayaa garaacayey oo xoog ugu dhacayey daaqadda Oscar. 

‘Waa Sabti!’ Oscar ayaa ku toosay ilkacaddayn xiise leh. Waxuu xasuustay in isaga iyo hooyadiis ay toddobaadyo iminka qorshaynayeen maalin dibad bax. 

Oscar ayaa hoos u cararay laakiin wuu is taagay maxaa yeelay cidi ma joogin. Waxaa aakhirkii ku bilaabmay walwal. Maalintaas, Oscar waxuu soo eegay meel walboo ay hooyadiis tagi kartay. Waxuu wacay qof walboo uu garanayey, laakiin cidi uma jawaabin. Waxuu weydiiyey dadkii magaalada, laakiin waxaa tiro yaraa dadka joogay roobka awgiis. Dadkii uu Oscar garanayey ee uu helay, kuma jirin qof hooyadiis arkay. 

Oscar ayaa guriga ku noqday, isagoo rajo dhigay. Waxuu fahmay in uu ooyayey isagoo wax uu cuno ka raadinayey jikada dhexdeeda qaska oo dhan hoostiis. Aqalku wuu isku dhex daadsanaa. Oscar xataa shayada lagu ciyaaro ee ugu jecel yahay ayuu ka heli waayey qashinkaas oo dhan hoostiis. 

Oscar ayaa aad u caraysnaa oo wuu seexan kari waayey habeenkaas. Waxuu daaqadda ka eegay cirka. 

‘Waan ka xumahay. Aad ayaan uga xumahay,’ ayuu sare u yiri. ‘Ma rabin in dhammaan dadkii i jeclaa ay iga tagaan. Waxaan rabay in aan nafiso, laakiin sidan ma rabin! Waxaan rabaa in waxoo dhani caadi ku soo noqdo. Fadlan, fadlan, ma rabin in ay tani dhacdo.’ 

Subaxdii ku xigtay, cadceeddii ayaa aad u iftiimisay wajigii hurday ee Oscar. Waxuu soo toosay isagoo dareensan in uu dib u cusub yahay. Wax walba ayuu waqti yar illaaway. Markiiba, dib ayuu u xasuustay. 

Oscar ayaa hoos u cararay, labo jaranjar markiiba, isagoo isku dayayey in uusan kufin waxuuna u yeerayey hooyadiis. 

Waxuu is taagay hoosta jaranjarada maxaa yeelay iyadii ayuu arkay. Way ilka caddaysay markii uu iyada u cararay si uu hab u siiyo.

‘Waad soo noqotay! Waad soo noqotay!’ ayuu ku ooyay. 

Way qososhay oo xoog ayay u xajisay. ‘Ma riyo xun ayaad ku riyootay, hooyo?’ 

Madaxii ayuu dhinac dhinac u ruxay oo si ka adag ayuu iyada hab u siiyey waxayna u qososhay si ka dhawaaq dheer.

Oscar ayaa aad ugu xiisay qosolkaas. 

‘Soo soco iminka. Waa Jimce, isku diyaari dugsiga haddii kale mar kale ayaad ka raagi doontaa.’ 

Oscar ayaa iyada ka dhunkaday dhabanka. 

‘Goor dambe!’ ayuu carrabka ku hayey. Waxay taasi ahayd caado aad u gabowday. Hase yeeshee, neef dheer ayuu qaatay waxuuna yiri, ‘Waa yahay! Iminka ayaan is diyaarin doonaa.’ 

Enjoyed this story?
Find out more here