KidsOut World Stories

Boqorka Daanyeerka iyo Jinniga Pooja Sharma    
Previous page
Next page

Boqorka Daanyeerka iyo Jinniga

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

 

 

Boqorka Daanyeerka

iyo Jinniga 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kayn adag waxaa ku noolaa mooryaan daanyeer. Boqorka daanyeerka ayaa xikmad badnaa. Maalin waxuu iskugu yeeray mooryaankiisii.

‘Daanyeertaydii aan jeclaayow waxaan ku nasiib qabnaa in aan ku nool nahay duurkan quruxsan laakiin is ilaaliya! Geedaha iyo dhirta ayaa laga yaabaa in ay cagaaran yihiin oo ay quruxsan yihiin, laakiin waxaa ku jira miro badan oo sun ah. Balliyada ayaa laga yaabaa in ay leeyihiin biyo saafi ah, oo dhalaalaya laakiin jinni ayaa midkood ku nool. Markaa, wax ha cunina oo ha cabbina ka hor inta aanad aniga i weydiinin!’ 

Maalintii ku xigtay daanyeertii midkood ayuu harraad qabtay. Waxuu xasuustay wixii uu boqorkii yiri wuuna u tagay si uu ula hadlo. 

‘Ha walwalin adeer!’ ayuu boqorkii ku dhawaaqay. ‘Aniga ayaa soo baari doona balliga si aan u hubiyo in uu nabad yahay.’

Markii uu balliga u dhawaaday waxuu arkay raadka cago ballaaran oo gelaya laakiin aanan ka soo baxayn. Boqorkii ayaa go'aamiyey in ay meeshani tahay halka uu jinnigu isku qarinayo. Daanyeertii oo dhan ayaa ooyey, waxayna ka walwal qabeen sida ay biyaha u cabbi doonaan. Boqorkii ayaa iyaga niyadda u dejiyey oo meesha tagay si uu jinnigii uga hortago. 

Jinnigii ayaa ku qoslay, ‘Arrin weyn ayaa ku haysata, boqorkii daanyeertow! Haddii daanyeertaadu ay balliga soo galaan aniga ayaa cunaya. Haddii ay soo gali waayaan harraad ayay u dhiman doonaan!’

Boqorkii ayaa is yiri, ‘Waa in aan xal helo.’ 

Daanyeertiisii ayuu weydiiyey in ay soo guraan qoriyaha bambooga. Intuu isku xirxiray qoriyihii bambooga ee gudaha marnaa, waxuu sameeyey tuubo dheer oo biyaha ka soo nuugta balliga. Daanyeertii ayaa cabbi karayey ilaa ay ka dhargaan. 

‘Boqorka daanyeertu ha noolaado!’ ayay daanyeertii ku heeseen. 

Jinnigii oo uu boqorkii daanyeertu ka caqli badiyey ayaa wajiga buuray oo dib ugu noqday balligii isagoo caraysnaa! 

Marna ha ka quusanin waxyaabaha u muuqda in ay adag yihiin, samir iyo caqli yeelo sida boqorka daanyeerta! 

Enjoyed this story?
Find out more here