KidsOut World Stories

Keli Ma Aha    
Previous page
Next page

Keli Ma Aha

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Keli Ma Aha

Sheeko Filibiin

luggage bag

 

 

 

 

 

*

Markii Dalisay ay siddeed jir uun ahayd hooyadeed ayaa iyada u sheegtay in ay gurigooda ka tagayaan oo ay u guurayaan England. 

‘Aabbahaa waa in uu shaqo helo si aan u soo diri karno lacag aan ku taageerno ayeeyda iyo awoowgaa iyo eddadaa,’ ayay sharraxday Dalisay hooyadeed.

Gabarta yar ma rabin in ay ka tagto gurigeeda ku yaallay Manila, oo ah magaalo aad u weyn oo ku taalla waddanka Filibiin, oo aad ayay uga xumaatay markii ay hooyadeed warkan u sheegtay.

‘Laakiin maxaa ku dhici doona saaxiibbaday oo dhan?’ ayay Dalisay weydiisay. ‘Cid kama garanayo England oo keliday ayaan ahaan doonaa.’ 

Hooyadeed ayaa Dalisay ugu ballan qaadday in ay taasi tacabur xiise leh u noqon doonto saddexdooda iyo in ay Dalisay baran doonto saaxiibbo badan oo cusub marka ay dugsiga ka bilowdo England. Dalisay waxaa ka dhaadhici waayey ereyada naxariista lahaa ee hooyadeed. Waxay jeclayd gurigeeda waxayna jeclayd in ay dugsiga tagto halkaasoo ay ku garanaysay macallimiinta dhammaantood oo ay hore ugu lahayd saaxiibbo badan.

‘Anigu ma garanayo sababta aan ugu baahan nahay in aan u guurno ilaa iyo England,’ ayay Dalisay is tiri habeenkii ka horreeyey waqtigii ay qoysku baxayeen. ‘Wax kama garanayo England. Xataa kuma hadlo af Ingiriisi fiican oo keliday ayaan ahaan doonaa!’ 

Tan ugu dambaysay ee ay fahantay ayaa gabarta yar qiiro dheeraad ah sii gelisay waxayna qalbigeeda oo dhan ku rabtay in ay Manila joogi karto oo ay la joogi karto eddadeed ama ayeeydeed iyo awoowgeed. 

Safarka ayaa aad u dheeraa oo Dalisay waxaa ka culays badiyey diyaaradda weynayd iyo dadka dhakhso ugu warwareegayey madaarka. 

Markii uu qoysku aakhirkii gaaray England, ma jirin wax caadi ugu eekaa waxayna hubtay in qof walba uu iyada eegayey. Dhismooyinka magaalada Birmingham ayaa weynaa oo cawlanaa oo Dalisay kuma raaxo qabin haba yaraatee.

Bishii ugu horraysay ayaa dhakhso ku dhaaftay waxuuna qoysku helay aqal ay ku noolaadaan oo Dalisay aabbaheed ayaa baxay oo shaqo soo raadsaday si uu lacag ugu diri karo dadkii qoyska kaga haray Filibiin. 

Gabarta yar aad ayay keli u ahayd, oo inkastoo ay hooyadeed iyada ciyaaro la ciyaaraysay oo ay dibadda u saaraysay si ay wax u soo eeg eegaan, haddana Dalisay waxay in badan u xiistay oo ay u bogtay saaxiibbadeed oo waxay iska reebi kari weydey dareenka in ay keli ku tahay maagalada cusub. Habeenkii waxay ku ooyaysay sariirteeda waxayna badi ku riyoonaysay in aabbaheed uu iiyada maalinta ku xigta hurdada ka kiciyo oo uu u sheego in ay gurigoodii ku noqonayaan. Laakiin subax kaste Dalisay way kacaysay waxayna fahmaysay in laga yaabo in aanay weligeed mar kale dib ugu noqonin gurigeedii. 

Hal subax, markii ay cunaysay quraacdeeda aanan caadi ahayn ee ka koobnayd siiriyaal caano lagu daray – taasoo aanan u eekayn quraacdeedii caadiga ahayd ee sinangag ee ahayd bariis lagu daray ukun macaan, waxay Dalisay maqashay in ay dugsiga tagi doonto. 

‘Aad ayay u fiicnaan doontaa in aad aqalka ka baxdo oo aad barato saaxiibbo cusub,’ ayay hooyadeed ku tiri.

Laakiin Dalisay kuma faraxsanayn warkan ay maqashay. Waxay u xiistay saaxiibbadeedii ay waddankii kaga timid, oo inkastoo ay rabtay in ay aqalka siyaado uga baxdo, haddana waxay ka cabsi qabtay in ay dugsiga tagto maxaa yeelay cid kama garanayn. Dalisay waxay aragtay carruur badan intii ay iyada iyo hooyadeed eeg eegayeen magaalada Birmingham, laakiin midna iyada lama hadlin oo iyadu af Ingiriisiga kuma fiicnayn taasoo ay ogayd in ay dhibaato ku noqon doonto dugsiga. 

Markii subaxdii la gaaray, waxay Dalisay isku dayday in ay iska yeel yeesho in ay xummad qabto oo ay aad u bugto oo aanay dugsiga tagi karin, laakiin hooyadeed ayaa marwalba garanaysay marka ay Dalisay wax iska yeel yeelayso oo markaa waxaa iyada lagu khasbay in ay dharka xirato oo ay quraacdeeda cunto.

Dalisay iyo hooyadeed oo gacanta is haysta ayaa u lugeeyey ilaa albaabbada dugsiga halkaasoo ay kula kulmeen macallimad la yiraahdo Mrs Murry. Macallimadda ayaa saaxiibtinimo badnayd waxayna Dalisay ku soo dhawaysay dugsiga waxayna hooyadeed u sheegtay in ay gabarteeda u soo noqon karto si ay u qaaddo marka ay saddexda tahay. 

Subaxdii ayaa ku dhaaftay iyadoo aanan arag intii Dalisay la barayey macallimiin kale iyo carruur aad iyo aad u badan oo dhammaantood iyada u ilka caddeeyey oo salaamay. Dalisay wixii loo sheegay wax badan kama fahmin laakiin waxaa loo sharxay in galabtii ay tagi doonto fasal gaar ah oo ay kula jiri doonto carruur kaloo England uga soo guuray dunida oo dhan.

Markii ay Dalisay qolka fasalka gaartay goortii dambe galabtaas, waxay garaacday albaabka waxayna gashay gudaha. Walwal badan ayaa iyada ku jiray oo waxay weliba in badan ku daashay maalinta sidaas u dheer ee ay baratay dad qariib ah. Laakiin markii ay halkaas gashay waxaa iyada ilka caddayn ballaaran ku salaantay Mrs Mahmood oo ka timid Baakistaan. 

‘Soo dhaaf, Dalisay,’ ayay macallimaddii saaxiibtinimada lahayd iyada ku tiri. ‘Maanta waxaan akhrinaynaa buug la yiraahdo Bisadda xiran Buudh goorta dambena waxaan ciyaari doonnaa ciyaaro oo wax ayaan rinjiyayn doonnaa.’ 

Gabartii yarayd ayaa aragtay in dhammaan carruurta ku jiray qolka fasalku ay midba midka kale aad uga duwanaayeen. Waxaa joogay wiil ka yimid Zimbabwe iyo labo gabdhood oo ka yimid Booland. Waxaa joogtay gabar ka weyneyd oo ka timid Albania iyo wiil xataa ka yaraa Dalisay oo sheegay in uu ka yimid Iiraan. Oo iyadoo aad ula yaabtay, waxaa qolka fasalka dhankiisa dambe fadhiday oo gacmaheeda ku haysay nuqulka buugga Bisadda xiran Buudh, gabar yar oo la yiraahdo Calia oo iyaduna ka timid Filibiin! 

‘Halkan kaalay oo aniga i ag fariiso!’ ayay ku dhawaaqday Calia, oo iyaduna sida Dalisay u yaabbanayd. 

Labada gabdhood ayaa markiiba saaxiibbo noqday oo Calia ayaa u sharraxday dhammaan sheekada Bisadda xiran Buudh iyo sida ay Mrs Mahmood uga barteen in ay wanaajiyaan af Ingiriisigooda iyadoo ahayd macallimadda ugu fiican dunida oo dhan. 

Galabtaas, Dalisay waxay la hadashay mid kastoo ka mid ahaa dhammaan carruurtii ku jiray fasalka, oo inkastoo ay mararka qaar ku adkayd in ay fahanto waxa ay sheegayaan, haddana hal wax ayay hubtay: carruurta oo dhan ayaa England yimid si ay nolol cusub uga bilowdaan, oo inkastoo ay cabsi badnayd in aad joogto meel cusub oo aadan luqaddeeda ku hadli karin, haddana waxaad marwalba heli doontaa qof ku caawiya. Oo meel kastoo aad dunida ka tagto, waxaad marwalba heli doontaa saaxiib. Dalisay waxay markaa fahantay in aanay weligeed keli ahaan doonin. Waddankeeda cusub ayaa England ahaa oo sida ugu fiican ayay ugu noolaan doontaa wax kastoo dhaca. 

Enjoyed this story?
Find out more here