KidsOut World Stories

Cali Suul    
Previous page
Next page

Cali Suul

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Cali Suul

Sheeko Turki 

 

button

 

*

 

 

 

 

Bari hore, labo lammaane ayaa dhalay wiil ay ugu yeereen Cali. 

Ilmuhu waxuu ka yaabiyey waalidkiisa, maxaa yeelay markii uu dhashay suulka kama weyneyn! 

Hooyada iyo aabbaha ayaa labadooduba bilowgii aad uga xumaaday, laakiin ka dib waxay is yiraahdeen, 

'Kan Ilaahay ayaa na siiyey, oo maalin wiilkeenu wuu kori doonaa oo waxuu noqon doonaa wiil weyn, oo xoog leh.' 

Laakiin sanado ayaa dhaafay oo Cali waxba ma korin. Weli wuu yaraa oo waxuu leekaa suulka.

Habeen walba waqtiga cashada, hooyada ayaa wiilkeeda meel uga diyaarin jirtay miiska.

Waxay isaga hor dhigi jirtay saxan aad u yar waxayna uga buuxin jirtay maraq qiyaastiisu tahay qaaddo yar. 

Cali waxuu weliba lahaa koob aad u yar oo ay hooyadiis uga buuxin jirtay hal dhibic ee biyo. 

Wax walba ayaa hagaagsanaa marka uu qoysku joogo guriga, laakiin hooyada iyo aabbaha ayaa ceeb ka qabay wiilkooda, iyagoo ku fikirayey haddii uu qof isaga arko in la dacaayadayn doono wiilka yar. Markaa waxay isaga ku hayeen gudaha, waxayna marwalba ka qarinayeen indhaha dadka. 

Sanado kaloo badan ayaa dhaafay oo aakhirkii waxaa Cali loo xusay maalintiisii dhalashada ee labaatanaad. 

Weli wuu yaraa waxuuna leekaa suulka, laakiin codkiisii ayaa guux weyn iyo dhawaaq dheer yeeshay.

Runtii, haddii qof uu marba maqlo wiilkooda oo hadlaya, waxaa loo malaynayey codka nin aad u weyn. 

Cali waxuu ahaa nin da' yar oo aad u qiiraysan maxaa yeelay saaxiibbo ma lahayn waxaana khasab ku ahayd in waqtigiisa oo dhan uu isku qariyo gudaha aqalka waalidkiisa. 

Maalin, Cali aabbihiis ayaa isku diyaarinayey in uu tago suuqa magaalada ku xigta. Odayga ayaa qorshaystay in uu habeenka joogo huteel maxaa yeelay suurogal uma ahayn in uu socdaalka sii socod iyo soo noqod dhammeeyo ka hor inta aanay habeen noqonin. 

Cali ayaa aabbihiis ka baryey in uu isaga u qaado socdaalka, laakiin aabbihiis ayaa u muuqday in uu aad uga walwal qabo fikradda. 

'Ilaa maanta annagu adiga meel kuuma saarin oo anigu ma hubo haddii aan taas iminka samayn karo,' ayuu yiri. 'Sidee ayaan dadka kale kaaga badbaadin karaa oo aan kaaga qarin karaa?' 

'Way fududaan doontaa,' ayuu Cali ku jawaabay, isagoo ku hadlay codkiisii guuxa lahaa, ee codka dheeraa. 'Waxaad igu hayn kartaa jeebkaaga oo qofna marna ma ogaan doono in aan joogo. Dalool yar ayaad ku samayn kartaa marada si aan u neefsan karo iyo si aan u arki karo waxa dhacaya oo aan ugu raaxaysan karo dhammaan waxyaabaha cusub ee aan ka arko dunida.' 

Cali aabbihiis ayaa fahmay sida uu Cali ugu faraxsanaa fikradda ah in uu aqalka ka baxo, oo tan awgeed waxaa suurogal u noqon weydey in uu maya ku yiraahdo wiilkiisa keliya. 

Odayga ayaa dalool aad u yar ka sameeyey jeebka shaarkiisa oo Cali ka caawiyey in uu fuulo oo uu dhex galo. 

Hooyada ayaa u dhiibtay boorsooyinkii socdaalka oo labadooda ayay dhunkatay waxayna u rajaysay nasiib wanaagsan. Markaana Cali iyo aabbihiis ayaa u dhaqaaqay suuqa magaalada ay deriska yihiin. 

Ka dib markii ay safarka ku jireen maalintoo dhan, Cali iyo aabbihiis ayaa gaaray huteel waddada gees kaga yaallay. 

'Halkan ayaan qol ka qaadan doonnaa caawa,' ayuu aabbuhu yiri, 'berrina waxaan suuqa tagi doonnaa subaxda hore ka hor inta aanan dib ugu noqonin guriga.' 

'Ma rumaysan karo in aan huteel joogayo!' ayuu Cali ku dhawaaqay. 

Ninka da' yar ayaa aad u faraxsanaa maxaa yeelay waxyaabo aad u badan ayuu horeba ugu soo arkay socdaalkiisa oo weligiis ma seexanin meel aanan gurigiisa ahayn. 

Cali aabbihiis ayaa qol lacag ka bixiyey oo boorsooyinkiisa geeyey dusha si uu cashada iskugu soo diyaariyo. 

Ka dib markii uu odaygii alaabta furfurtay ee uu dhaqday, Cali oo weli ku dhuumanayey jeebkiisa, waxuu hoos u tagay qolka cuntada isagoo rajaynayey in uu weliba cunto yar u soo qarin karo wiilkiisa yar. 

Markaana wax lama filaan ah ayaa dhacay. Markii ay macaamiishu dhammaantood u fariisteen uun cashada, koox tuugiin ah ayaa huteelka soo galay. 

Raggaas oo u muuqday kuwo naxariis daran, saddex ahaa dhammaantood, ayaa qoriyo dadka ku fiiqay oo amarro ku bixiyey in qof walba rag iyo dumar ay dhiibaan lacagtooda iyo waxyaabaha qiime leh ee ay haystaan. 

Macaamiisha dhammaantood ayay cabsi badani gashay, xataa Cali aabbihiis, laakiin waxay sameeyeen wixii loo sheegay waxayna bilaabeen in ay gacanta la gaaraan boorsooyinkooda jeebka iyo dahabkooda, oo ay kuwaas dul dhigaan miisaska si ay tuugiintu u gurtaan. 

Markaaba, cod dhawaaq dheer oo guux weyn ayaa ka soo baxay meel aanan la garanayn. 

'Qoriyaha dhiga!' ayuu codku ku amray. 'Halkaas ayaan soo galayaa waanan idin qaban doonaa waxaanan idiin dhiibi doonaa booliiska.' 

Qofna ma garanayn halka uu codku ka imanayo. Tuugiinta ayaa meel walba ka eegay qolka cuntada laakiin ruux kama helin. 

Ka dib codkii ayaa mar kale dhawaaqay, oo xataa markan sii dhawaaq dheeraa. 'Waxaan idinka jari doonaa akhlaaqdiina xun. Waxaan hubin doonaa in aad sanado badan xabsi ku jirtaan.' 

Maadaama aanay tuugiintu ogayn halka uu codku ka imanayey, waxay iska dhaadhiciyeen in uu ahaa mid jinni. 

Oo haddii uu jiro wax ay tuugiintu uga baqaan si ka badan booliiska, waa jinniyada. 

Isla markaaba, tuugiinta ayaa qoriyahoodii riday oo ka orday huteelka oo ku libdhay habeenka. 

Inkastoo ay macaamiishu ku faraxsanaayeen in boobeyaashii ay carareen, haddana waxay iyaguna ka baqayeen jinniyada waxayna rabeen in ay u cararaan qolalkooda oo ay isku qariyaan. 

'Ha walwalina,' ayuu yiri Cali aabbihiis. 'Waxa hadlayaa ma aha jinni. Waa wiilkayga.' 

Markaasna, odaygii ayaa gacanta geliyey jeebkiisa si uu Cali gacantiisa u fuulo. Ka dib Cali ayuu si deggan u dul dhigay miiska si ay macaamiishu dhammaantood u salaami karaan. 

'Waxaan hubaa in boobeyaashu aanay soo noqonayn,' ayuu Cali ku yiri codkiisii guuxa lahaa, ee dhawaaqa dheeraa, isagoo ilkacaddayn ballaaran ka muujiyey wajigiisa sababtoo ahayd dhammaan tacaburrada uu ku jiray. 

Macaamiisha ayaa aad ula yaabay oo aad ula cajiibay in ay la kulmaan wiil aanan suulka ka weynayn. 

Laakiin marka wax kasteba la iska dhaafo, waxay dhammaantood aad ugu maqsuudeen in Cali uu iyaga ka badbaadiyey tuugiinta, oo way u mahadceliyeen waxayna ka salaameen gacanta waxayna aabbihiis u sheegeen in ay u maleeyaan in uu isagu sharaf badan ku qabo wiilkiisa sidaas geesi u ah. 

Subaxdii xigtay, markii ay ka tagayeen huteelka ee ay suuqa tagayeen, Cali aabbihiis ayaa wiilkiisa yar ka soo saaray jeebkiisa oo dul saaray garabkiisa. 

Subaxdaas oo dhan markii ay suuqa joogeen, iyo ka dib markii ay u socdeen guriga, odayga ayaa u baahday in uu marar badan joogsado si uu Cali u baro dadka dariiqa maraya. Oo isagu sharaf badan ayuu taas ku qabay waxuuna dhammaantood u sheegay sidii uu wiilkiisu dadkii oo dhan uga badbaadiyey saddexdii tuug. 

Markii aabbihii iyo wiilkii ay gurigii gaareen habeenkaas, Cali hooyadiis ayaa aad uga walwal qabtay in Cali uu dul fadhiyey garabka ninkeeda.

'Haddii uu qof isaga arkana?' ayay ninkeedii weydiisay.

Laakiin odaygii ayaa ilka caddeeyey oo xaaskiisa u sharxay tacaburrada labadooda ku soo maray huteelka, iyo sidii uu Cali xaaladda u badbaadiyey ee uu uga cabsiiyey tuugiintii. 

'Waxay ahayd qalad aad u weyn in aan ceeb ku qabno wiilkeena. Ma fiicnayn in aan isaga aqalka ku qarinno sanadahaas oo dhan. Waa in aan sharaf ku qabno Cali iyo dhammaan waxyaabaha uu samayn karo.' 

Cali hooyadiis ayaa dhab ahaan sharaf badan ku qabtay markii ay maqashay sheekadii geesinimada wiilkeeda, waxayna ku ballan qaadday in aanay weligeed isaga dib u qarin doonin ama ceeb ku qabi doonin. 

Maalintaas ka dib, Cali Suul ayaa marwalba lagu qaaday garbaha waalidkiisa meel kastoo ay tagaan, oo waxuu isagu arkay oo uu sameeyey waxyaabo badan waxuuna galay tacaburro badan. 

Enjoyed this story?
Find out more here