KidsOut World Stories

Carmen, Beeralaydii Antonio Barroso    
Previous page
Next page

Carmen, Beeralaydii

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

 

Carmen, Beeralaydii

 

 

 

 

 

 

 

 

 

*

Carmen waxay ahayd gabar toban jir ah oo ku noolayd xaafad yar oo ku taalay waqooyiga Spain.

Waalidkeed waxay lahaayeen beer lo’ u joogto taasoo u soo saari jirtay caano fiican. Mararka qaar waxay lo’du soo saari jirtay caano uusan qoysku dhammayn karin.

Kaddibna waxay siin jireen dariskooda, khaasatan dadka aadka ugu baahan.

Maalin maalmaha kamid ah, Carmen wuxuu aabaheed u sheegay inay caano u gayso Marwo Julia. Marwo Julia waxay ahayd islaan weyn oo wanaagsan oo kaligeed xaafadda dhinac uga nool.

Intii ay sii socotay, Carmen waxay bilowday inay ka fakarto inay caanaha iibsato si ay ugu hesho lacag ay ukumo ku gadato.

Ukumahaas, waxay ka helaysaa digaag dhalo ah oo u kora ukumo kalena ay ka hesho.

Kaddibna waxay iibinaysaa ukumaha ilaa ay ka hesho lacag ku filan oo ay ku gadato lo’ iyo ari yaryar.

Dhowr sanno gudahood, Carmen waxay yeelan kartaa beer iyada u gaar ah.

Kaddibna waxay heli doontaa lacag ku filan oo ay guri uga iibsato Madrid iyo dhar fara badan oo cajiib ah.

Carmen aad ayay u fakaraysay mana aysan arkayn dhagax weyn oo horteeda yaalay. Waa ay ku kuftay. Caanahii waxay dhammaantood ku daateen ciidii boorka ahayd.

Ilbiriqsi gudihiis, dhammaanba riyooyinkii Carmen ee ku saabsanaa inay beeralay noqoto waa ay baaba’een. Ma aysan haysan caano ay iibiso. Ma ay heli doonto lacag ay ukumo ku iibsato kuwaas oo digaag dhalo ah u noqon doona. Qorsheyaasheedii waa ay burbureen.

Carmen waa ay niyad jabtay. Oohin ayay bilowday.

Markii ay guriga kusoo laabatay, Carmen waxay ku fakaraysay inay u fiicnaan lahayd sidii ay iskaga ilaalinlahayd dhagxaanta dhulka taala. Oo laga rabay inaysan ku mashquulin qorsheyaasheeda.

Carmen waxay baratay in shayga ugu muhiimsan ee aan samayn karno si aan yoolkeena u gaarno uu yahay inaan ka gudubno waxyaabaha na hortaagan.

Enjoyed this story?
Find out more here