KidsOut World Stories

Daanyeerka iyo Yaxaaska    
Previous page
Next page

Daanyeerka iyo Yaxaaska

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

 

Daanyeerka iyo Yaxaaska

 

 

 

 

 

 

 

 

 

*

 

Waxaa jiri jiray, daanyeer ku noolaa geed ku ag yaallay wabi. Daanyeerku keli ayuu ahaa maxaa yeelay ma lahayn saaxiibbo ama qoys laakiin wuu faraxsanaa oo wuu qanacsanaa. Geedka ayuu ka heli jiray miraha jamuun ee macaan oo badan oo uu cuni jiray. Waxuu weliba ka heli jiray hadh uu iskaga qariyo cadceedda oo uu kaga gabbado roobka.

Maalin, yaxaas ayaa wabiga sare ugu dabbaalanayey. Waxuu fuulay qarka wabiga si uu ugu nasto geedka daanyeerka hoostiis.

'Ahlan,' ayuu ku yiri daanyeerkii, oo ahaa xayawaan saaxiibtinimo leh. 

'Ahlan,' ayuu ugu jawaabay yaxaaskii, oo ka yaabay. 'Ma garanaysaa halka aan cunto ka heli karo?' ayuu weydiiyey. 'Maantoo dhan wax ma cunin oo waan gaajoonayaa.'

Haddaba waxaad u malayn kartaa in yaxaasku uu rabo in uu daanyeerka cuno, laakiin waxuu kani ahaa yaxaas naxariis badan oo deggan oo taas marna kuma fikirin. 

'Miro badan ayaan ku haystaa geedkayga. Ma rabtaa in aad qaar isku daydo?' ayuu yiri daanyeerkii, oo isaguna naxariis badnaa.

Miraha jamuun qaarkood ayuu hoos ugu tuuray yaxaaska. Yaxaasku aad ayuu u gaajaysnaa waxuuna wada cunay dhammaan mirihii jamuun inkastoo yaxaastu aanay caadi ahaan cunin miraha. Waxuu aad uga helay miraha macaan dhanaan oo qaybta dhexe ee basaliga ah ayaa carrabkiisa casuus ka dhigtay. 

'Soo noqo mar kastoo aad rabto miro kale,' ayuu yiri daanyeerkii, markii yaxaasku uu cunay dhammaan intii uu rabay.

Dhawaan yaxaasku waxuu daanyeerka u iman jiray maalin walba. Labada xayawaan ayaa saaxiibbo fiican noqday. Way wada sheekaysanayeen, waxay isku sheegayeen sheekooyin waxayna wada cunayeen miraha jamuun ee macaan oo badan.

Maalin, yaxaaska ayaa daanyeerka uga sheekeeyey xaaskiisa iyo qoyskiisa. 

'Fadlan miro weliba u gee xaaskaaga marka aad maanta dib ugu noqoto,' ayuu yiri daanyeerkii. 

Xaaska yaxaaska ayaa aad uga heshay miraha jamuun. Weligeed hore uma cunin wax sidaas u macaan laakiin naxariis ma lahayn oo ma degganayn sida ninkeeda.

'Ka fikir sida uu u macaan yahay daanyeerka maalin walba cuna mirahan jamuun,' ayay ku tiri ninkeeda. 

Yaxaaska naxariista lahaa ayaa isku dayey in uu xaaskiisa u macneeyo in uusan cuni karin daanyeerka.

'Waa saaxiibkayga ugu fiican,' ayuu yiri. 

Xaaska yaxaaska ee hunguriga weyneyd ayaa maqli weydey. Si uu ninkeedu u sameeyo waxa ay rabtay, waxay iska dhigtay in ay bugto.

'Waan dhimanayaa waxaana i daawayn kara oo keliya wadnaha daanyeer macaan!' ayay ugu ooyday ninkeeda. 'Haddii aad i jeceshahay, waxaad soo qaban doontaa saaxiibkaa daanyeerka waxaanad ii dayn doontaa in aan cuno wadnihiisa.'

Yaxaaskii miskiinka ahaa waxuu garan waayey waxa uu samayn doono. Ma rabin in uu saaxiibkiis cuno laakiin ma rabin in xaaskiisu ay dhimato. 

Ugu dambayntii, waxuu go'aansaday waxa uu samaynayo oo markii xigtay ee uu u tagay daanyeerka waxuu weydiiyey in uu yimaaddo oo uu barto xaaskiisa maxaa yeelay waxay rabtay in ay hortiisa uga mahadceliso miraha jamuun ee wacnaa.

Daanyeerka ayaa taas ku farxay laakiin waxuu sheegay in uusan tagi karin maxaa yeelay ma aqoonin dabbaasha.

'Taas ha ka walwalin,' ayuu yiri yaxaaskii. 'Dhabarkayga ayaan kugu qaadayaa.' 

Daanyeerka ayaa taas oggolaaday oo ku dul booday dhabarka yaxaaska. 

Markaas ayay labada saaxiibbo u baxeen wabiga ballaaran ee hoos u dheer. 

Markii ay ka fogaadeen qarka wabiga iyo geedka jamuun, yaxaaska ayaa yiri, 'Aad ayaan uga xumahay laakiin xaaskayga ayaa aad u bugta waxayna sheegtay in waxa keliya ee daawaynaya uu yahay wadnaha daanyeer. Waan ka xumahay laakiin waa in aan ku dilo, inkastoo aan u xiisi doono sheekooyinkeena.' 

Daanyeerka ayaa dhakhso u fikiray oo yiri, 'Saaxiibkayga qaaliga ahow, aad ayaan uga xumahay in xaaskaagu ay xanuunsanayso. Waxaan ku faraxsan ahay in aan iyada caawin karo laakiin waxaan wadnahaygii kaga yimid geedkii jamuun. Ma oggoshahay in aan dib u noqonno si aan u soo qaadan karo?' 

Yaxaaska ayaa rumaystay daanyeerka. Dib ayuu u laabtay waxuuna dhakhso ugu dabbaashay geedkii jamuun. Daanyeerka ayaa ka booday dhabarkiisa oo fuulay geedkiisii si uu uga badbaado. 

'Waxaan kuu haystay saaxiibkay,' ayuu ugu dhawaaqay. 'Miyaanad ogayn in aan wadnaha gudaha ku sidanno? Dib kuuma aamini doono oo kuma siin doono miraha geedkayga. Soco oo ha soo noqonin.' 

Yaxaaska ayaa dareemay in uu nacas yahay. Waxaa ka lumay saaxiibkiis iyo mirihii fiicnaa ee macaanaa ee uu helayey. Daanyeerka ayaa is badbaadiyey markii uu dhakhso u fikiray. Maalintaas ka dib, marna dib uma aaminin yaxaasta. 

Enjoyed this story?
Find out more here