KidsOut World Stories

Sobabta uu Anansi u leeyahay Sideed lugood oo caato Farida Salifu    
Previous page
Next page

Sobabta uu Anansi u leeyahay Sideed lugood oo caato

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Sobabta uu Anansi u leeyahay Sideed lugood oo caato

ah Sheeko Akan ah

 

 

 

 

 

 

*

Beri baa waxaa jiray caaro la oran jiray Anansi. In kasta oo xaaska Anansi ay ahayd cunto kariye aad u wanaagsan, haddana caarocaarada hunguriga weynaa wax ay ka jeclayd ma jirin inay dhadhamiso cuntada dadka kale.
 
Maalin maalmaha ka mid ah, Anansi ayaa isagoo meel maraya istaagay si uu u soo booqdo saaxiibkiis, bakayle.
 
‘Hmm!’ ayuu ku dhawaaqay caara-caaradii hunguriga badnaa markii uu jikada soo galay. ‘Waxan aad karineyso runtii waa cagaar qurxoon, Bakayle.'
 
‘Maad casho nala joogtid?’ ayuu ku jawaabay bakaylihii soo dhaweynta lahaa. 'Cagaarka weli lama karin, laakiin dhawaan ayey kari doonaan.'

Anansi waxaa uu ogaa in haddii uu joogo iyada oo ay weli cuntadu kareyso, markaas ay hubaal ahayd in bakayle uu u dhiibi doono hawlo uu qabto, caaradii hunguriga badnaa saaxiibkii uma aanu soo booqanin in uu hawl u qabto.
 
Markaa Anansi wuxuu ku yidhi bakaylihii, ‘Fadlan i cafi oo i fasax, saaxiib qaali, hawl ayaa ii taalla oo ay tahay inaan isla markaanba sameeyo. Ka waran haddii an qayb xuubkayga kamid ah ku xiro lugtayda  qayb kalena aan ku xidho dheriga aad karineyso? Sidaa darteed waxaad jiidi kartaa xuubka marka cagaarka uu karo, aniguna waan u soo laaban doonaa cashada.
 
Bakayle wuxuu ogolaaday in tani ay tahay fikrad aad u wanaagsan, sidaas darteedna wuxuu ku xidhay Anansi xuubkiisa dherigiisa waxuuna u gacan haadiyay saaxiibkii.

Daqiiqado ka dib, Caaradii hunguriga badnaa waxa uu is arkay isaga oo ag maraya gurigii saaxiibkiisa wanaagsanaa ee daanyeer. Waxaana dhacday in Daanyeerku isna ku dhex jiray diyaarinta cashadiisa.

‘Hmm!’ ayuu ku dhawaaqay caara-caaradii hunguriga weyneyd markii uu jikada soo gashay. 'Taasi waa cunto qurxoon oo digir iyo malab oo aad karinayso, daayeer.'

‘Maad sugtid ilaa inta laga karinaayo oo aad casho u joogtid?’ ayuu ku jawaabay daanyeerkii soo dhaweynta lahaa.

Mar kale, Anansi waxa uu ogaa in haddii uu sii joogo inta cuntadu ay weli kareyso, markaas daanyeerku ay hubaal tahay in uu u dhiibi doono hawlo uu qabto, caarada hunguriga badanna ma jeclayn in uu hawl qabto. Markaa Anansi waxa uu ku yidhi daanyeerki, ‘Aad baan uga xumahay, saaxiib qaali ah, laakiin waxa ii yaalla hawllo ay tahay in an hadda qabto. Ka waran haddii qayb xuubkayga kamid ah an lugtayda ku xiro qaybta kalena an ku xiro dherigaada? 

Qaabkaasi waad dhaqaajin kartaa xuubka marka ay digirta iyo malabku bislaadaan aniguna casho ayaan usoo cararayaa.’

Daanyeer ayaa ogolaaday in tani ay tahay fikrad aad u wanaagsan, sidaas darteedna wuxuu ku xidhay xuubkii Anansi dherigiisa waa uuna u gacan haadiyay saaxiibkiisa. 

*

Markii uu ku sii socday gurigiisa, Anansi waxa uu sii booqday lix saaxiib oo kale, kuwaas oo dhammaantood ku mashquulsanaa diyaarinta cuntadoodii cashada.

Waxa uu soo booqday diinka, bakaylaha, dabagaallaha, jiirka, dawacada, ugu dambayntiina waxa uu booqday saaxiibkii wacnaa ee doofaarka.

Booqasho kastana, Anansi waxa uu u sheegay isla sheekadii hore. saaxiib weliba wuxuu u tuuray xuubkiisa qayb si ay ugu xiraan dherigooda.

Sidaas daraaddeedna waxay ahayd in dhammaan siddeedii lugood ee Anansi ay ku xidhnaayeen dheryaha wax lagu kariyo ee kala duwan waxaana ku xidhay xuubkiisa. 

Caaradii hunguriga badnayd ayaa iska ilaalin waayey inuu khiyaano mid kasta oo saaxibadiisa ah si uu dheri kasta cunto uga cuno isaga oo iska ilaalinaayo hawsha la xiriirta.

Anansi aad buu u sugayay dhammaan cuntada, gaar ahaan cuntada baradhada macaan iyo malabka  ee doofaarka oo had iyo jeer loo kariyo si qumman.

'Runtii wax an abid sameyn oo fiican ayaan sameeyey iminka,' ayuu ku fakaraycaaradii hunguriga badnaa. 'Cunto aad u qurux badan oo an cuno oo xitaa waan iska ilaaliyey inaan sameeyo wax shaqo ah beddelkeeda! Waxaan la yaabanahay dheriga cunto ee u hor kari doona?

*

Isla markaa, Anansi wuxuu dareemay mid ka mid ah xuubka caarada oo lugtiisa jiidaya. 'Taasi waa bakaylaha oo ii haya cagaarkii macaanaa,' ayuu isdhahay caaradii hunguriga badnaa.

Laakiin markiiba xuub kale ayaa lugtiisa jiiday‘Alla gacaliye!’ ayuu kor ugu dhawaaqay. ‘Kaasi waa daanyeerki oo iihaya dherigiisii digirta iyo malabka ahaa.

Dabadeed lug kale ayaa la jiiday! Iyo mid kale! Iyo mid kale! Ilaa dhammaan siddeedii lugood ee Anansi hal mar loo wada jiiday jihooyin kala duwan!

Anansi waxaa uu isu jiiday dhanka wabiga waxaa uuna ku booday biyihii si uu isaga mayro dhammaan xuubka lugaha uga xiran. Xuubki mid mid ayuu uga fuqay lugahiisa ilaa uu caaradii hunguriga weynaa uu ugu dambeyntii awood u yeesho inuu dib ugu soo laabto jiinka webiga.

Markii uu Anansi soo kabtay oo uu ku guulaystay in uu iska qallajiyo biyihi, waxa uu dareemay wax aad u yaab badan.
 
Siddeeddii lugoodba way kala fidnayeen.
 
Halka ay markii hore gaabnaayeen oo ballaadhnaayeen, hadda waa ay dhuubteen oo dheeraadeen!
 
‘Ah, maxaan sidaa ugu hunguri xumaa?’ ayuu yidhi Anansi. ‘Hadda bal eeg waxa igu dhacay. Kaliya ma aha inaan leeyahay siddeed lugood oo caato ah, laakiin hadda waa inaan xitaa karsadaa cashadayda!

Waana sababta uu Anansi u leeyahay siddeed lugood oo caato ah.

Enjoyed this story?
Find out more here