KidsOut World Stories

Iska ilaali Daraaganka Alice Atkins    
Previous page
Next page

Iska ilaali Daraaganka

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

 

Iska ilaali Daraaganka

 

 

 

 

 

 

 

 

*

Habeenkii ayaa u dhacay dhulka. Mudane Adi, Marwo Sofia iyo Mudane Thomas ayaa ku dhibaataysnaa calool maran iyo cago damqanaya. Saddexdu waxay ahaayeen geesiyiin dhiirranaa oo, maadaama ay safar ku jireen maalintoo dhan, u baahnaa meel ay habeenka joogaan. 

Nasiib wanaag, waxay heleen tuulo ku qarsanayd harka buur dheer, oo madow. 

Markii ay socod ku galeen tuulada, waxay arkeen in buurta madowi ay wax walba haraynaysay. Inkastoo ay iftiinnada dariiqu dhalaalayeen, haddana cid lama arkayn. Dhisme kaste waxaa u qufulnaa albaabbada iyo daaqadaha, waxaana si adag u xirnaa daahyada. 

‘Waa tuulo cajiib ah. Kollay qof ayaa jooga,’ ayuu Mudane Adi yiri. 

‘Waa dhab, kollay, haddii kale maxaa iftiinnada loo daaray? Waa in aan helno meel aan joogno, xaaladdan in ka badan ma qaadi karo,’ ayay Marwo Sofia ku gunuunucday, iyadoo joogsatay si ay u duugato cagaheeda xanuunayey. 

Mudane Thomas, oo socodka kaga horreeyey, ayaa arkay dhisme ballaaran oo ay ku taallay calaamad meesha ku sheegaysay HUTEEL oo ku qornayd xuruuf ballaaran oo cas. 

‘Halkaas,’ ayuu dib ugu dhawaaqay saaxiibbadiis, isagoo farta ku fiiqaya huteelka.

Saddexdaas ayaa lug ku gaaray albaabka hore oo dhagahooda ku qabtay. Waxay maqlayeen dad si gaaban u sheekaysanayey iyo bakeeriyo isku dhacayey. Marwo Sofia ayaa albaabka garaacday. Albaabka ayaa guuxay markii la furay, waxaana ka soo muuqatay haweeney da' weyn. 

‘Miyaanad garanayn in aad u baahan tihiin in aad ka soo gashaan dhanka dambe?’ Haweeneyda ayaa naxday. Waxay saddexda geesi ku eegtay waji yaabban, ‘Maxaad dhammaantiin halka ka qabanaysaan?’ 

‘Waxaan raadinaynaa meel aan wax ka cunno oo aan ku nasanno. Fadlan halkan ma joogi karnaa?’ Ayuu Mudane Thomas weydiiyey. 

Haweeneydii ayaa saddexdii gudaha u tilmaantay oo albaabka ka daba qufushay. Waxay isku arkeen makhaayad yar oo ay tuulo joogyadu dhex fadhiyeen iyagoo wada hadlayey oo wax wada cabbayey. Haweeneydii ayaa iyaga geysay miis yar oo ag yaallay dabka waxayna u keentay wax ay cabbaan. 

Tuulo joogyada midkood ayaa codkiisa sare u qaaday. ‘Haa, daraagankii ayaa kollay xalay halkan yimid. Taas keliya ayaa macnayn karta sababta uu u gubtay aqalkii Ted.’ Hadalkiisii ayaa ka baxay garkiisii wasakhda ahaa oo gaaray meel walboo qolka ka mid ahayd. 

Saddexdii geesi ayaa ninkii eegay. 

‘Daraagan?’ Ayuu Mudane Adi weydiiyey. 

‘Wax fool xun oo weyn,’ ayuu tuulo jooggii ku afuufay. ‘Waxuu halkan u soo degaa habeen walba waxuuna isku dayaa in uu cunto helo.’ 

‘Miyaad aragtay bahalkan daraaganka ah?’ 

‘Maya, laakiin adeerkay ayaa arkay. Odayga ayaa yiri waa bahal weyn, oo aqal ka weyn, oo qoloftiisu baraf u eeg tahay, oo leh indho ballaaran oo cas iyo ciddiyo waaweyn.’ 

‘Allah aamus, adeerkaa waa beenaale. Qof walba ayaa garanaya in indhihiisu ay huruud yihiin!’ ayuu ku tufay ninkii isaga ag fadhiyey. 

‘Miyuu qof qaatay?’ Ayuu Mudane Thomas weydiiyey.

‘Maya weli. Haddii qof uusan illaawin in uu caawa wax walba qufulo,’ ayuu ku guuxay ninkii garka lahaa. ‘Laakiin intee ayaad u malaynaysaa in ay ku qaadan doonto si uu dhammaantood noo soo doonto? Qof walba ayaa og in bahallada daraaganka ah ay dab tufaan. Daaqadaha iyo albaabbada qufulan isaga abid ma celin karaan.’ 

Tuulo joogyadii ayaa aamusay. 

Geesiyiintii ayaa is wada eegay. 

‘Ma jiraa wax aan dadkan u qaban karno?’ Ayuu Mudane Adi hoos u yiri. 

‘Ma u malaysaa in aan ...’ Mudane Thomas ayaa is hakiyey, ‘... in aan la dagaallami karno daraagan?’ 

‘Waa in aan dadkan caawinno,’ ayay Marwo Sofia ku dhawaaqday. Sare ayay isku taagtay waxayna la hadashay dadkii qolka joogay. ‘Haddii daraagankani uu idin dhibayo, annaga ayaa soo xallin doonna.’ 

Tuulo joogyadii ayaa iyada eegay. 

Ninkii garka lahaa ayaa qoslay. ‘Dhab miyaa? Oo ka hortagi doona daraagan? Maad waalan tahay?’ ayuu yiri. 

‘Waxaan ahay geesiyad. Daraagan kama baqo.’ Marwo Sofia ayaa indhaha ku taagtay. Qosolkiisii ayaa libdhay. 

Mudane Adi iyo Mudane Thomas ayaa is eegay. 

‘Cashada ka dib, dhab ahaan,’ ayuu Mudane Adi taas ku daray. 

Dhawaan huteellihii ayaa iyaga cashadii u soo dhigay. Intii ay cuntaynayeen, waxay arkeen in qolka intiisa kale hoos loogu hadlayey, oo iyaga kolba indhaha lagu soo tuurayey. Markii ay dhammeeyeen uun, tuulo joog buuran ayaa miiskooda u soo dhawaaday. 

‘Haddii ay dhab idinka tahay, daraaganku waxuu ku nool yahay god kor kaga yaalla buurta. Nin ay aabbahay saaxiibbo ahaayeen ayaa halkaas mar hore fuulay. Waxuu sheegay in godka ay lafo ka buuxaan.’ 

‘Waa naga dhab, oo dhibaato lama kulmi doonno. Waad ku mahadsan tahay talada,’ ayay Marwo Sofia tiri. Geesiyintii ayaa sara joogsaday, lacagtii cuntadooda bixiyey oo ka baxay huteelkii. Waxay u dhaqaaqeen dhankii buurtii madoobayd. Waxay shiteen tooshyo waxayna lug ku mareen dariiq jajaban oo loo maro fiinta buurta. 

Guumaysyo ayaa habeenka ka qaylinayey. Caws madoobaaday iyo geedo dhintay ayaa qarka kaga yaallay jidka. Xataa hawada ayaa la moodayey in ay gubatay marka ay jirkooda taabato. Kor ayay fuuleen saacado badan. Aakhirkii, waxay gaareen fiintii buurta halkaasoo uu cawskii dhintay iskugu beddelay dhagax madow. 

Iridda godka ayaa iyadoo cas ka dhalaalaysay korka buurta. 

‘Qorshe ma haynaa?’ Ayuu Mudane Adi weydiiyey Marwo Safia. 

‘Waxaan u baahan doonnaa in aan horta eeg eegno godka dhexdiisa,’ ayay Marwo Sofia tiri. 

Gudaha ayay galeen waxayna arkeen in godku uu hoos u degayey oo uu wareegayey. Iftiinkii tooshyada, waxay ku arki karayeen dambas madow oo ku yaallay derbiyada iyo calaamadaha ciddiyaha oo lagu xoqay dhulka. 

Hawada waxaa ka buuxay qiiq. Hoos iyo hoos ayay saddexdii u sii socdeen ilaa ay gaareen daah shay cad ka samaysan, oo xarig lagu guntay. 

‘Lafo?’ Ayuu Mudane Thomas weydiiyey. 

Mudane Adi ayaa u dhawaaday si uu u eego. Daaha in badan ayaa wax laga dhex arkayey oo lagama samaynin lafo. 

‘Dhagax nooca?’ ayuu hoos u yiri. 

Cod weyn ayaa hawada ka soo dhex baxay. Waxuu kala firdhiyey daahii dhagaxa cad waxuuna waqti dib u tuuray geesiyiintii. 

Markii ay kor isku taageen, wadajir ayay daahii u riixeen waxayna arkeen in ay ku jiraan god weyn oo sare u dheer. 

Dhadhaab kun midab u kala baxa ayaa ku xarriiqnaa derbiyada, waxuuna ku dhalaalayey iftiinka dabka. Dhagaax qaali ah oo qaab iyo qiyaas walba iskugu jira ayaa ka dul taagnaa dhagaax caadi ah oo dhulka yaallay.  Qolka dhexdiisa waxaa yaallay buur dhagaax qaali ah oo dheer oo taabanayey daafaha sare ee godka weyn. Geesiyiintii ayaa fajac ku eegay hareerahoodii; weligood ma arag maal sidaas u badan. 

‘Ma u malaysaan in ay tani tahay guriga daraaganka? Haddii uu yahay bahal sidaas u fool xun, sidee ayuu u dhisay meel sidan u wacan?’ Ayuu Mudane Thomas weydiiyey. 

Waxay ku wareegeen dhagaaxdii meesha ku urursanayd waxayna heleen meel yar oo dabka lagu shito oo laga jaray derbiga dhexdiisa oo ka dambaysay miis iyo kuraas. Qalab, muraayad lala yaabo iyo dhagaax qaali ah ayaa ku dul daadsanaa miiska korkiisa. 

Cod kaloo weyn ayaa ka soo kacay buurta dhagaaxda qaaliga ah. Haddana, markan waxuu ku dhammaaday khuuro la hubo. 

‘Kollay meelahan ayuu joogaa,’ ayay Marwo Sofia tiri. 

Saddexdii geesi ayaa u dhawaaday buurta dhaldhalaalaysay wayna ku wareegeen. 

‘Laga yaabo in uu halkan ku dhex jiro?’ Ayuu Mudane Adi weydiiyey. 

‘Haddaba bilaaba qodista,’ ayay Marwo Sofia tiri. Waxay gacmaha ku qaadday dhagaaxdii qaaliga ahayd wayna tuurtay. Mudane Adi iyo Mudane Thomas ayaa ku biiray, oo dhagaaxdii qaaliga ahayd kolba meel ugu diray qolka. Dhagaaxdii qiimaha badnayd ayaa u duulay saabaanka oo tooshyadii ka soo riday derbiyada. Dahabkii rasadii dul saarnaa ayaa hoos u dhacay oo duqeeyey dhagaaxdii ka hooseeyey, oo meesha ka riday. 

Geesiyiintii ayaa gudaha ku arki waayey daraagan. 

‘Kollay halkan ayuu ku jiraa,’ ayuu Mudane Thomas yiri. ‘Waan maqlayaa.’ 

Waqtigaas, Marwo Sofia ayaa aragtay wax qolof leh oo cas. Way soo jiidday, waxaana ka rogmaday dhagaaxdii qaaliga ahayd, waxaana ka soo baxay daraagan leeg ey weyn. Waxaa ka buuxday qolof lahayd casaanka madow iyo dhalaalka macdanta rubi. 

Waxaa kala ballaartay indhihii Marwo Sofia. 

‘Daraagan?’ ayay iskugu dartay. 

Daraagankii ayaa hal jeer toosay. 

‘Cidma ayaad tihiin? Fadlan i sii daaya ...’ ayuu daraagankii la naxay. Indhaheedii cagaarnaa ayaa kala ballaartay iyagoo kolba meel kaga dhacayey qolka. ‘Gurigaygii? Maxaad samayseen?’ 

Mudane Adi iyo Mudane Thomas ayaa u dhawaaday daraaganka isku rogrogayey gacmaha Marwo Sofia. 

‘Miyaanad ahayn daraaganka argagaxa ku hayey tuulada?’ Ayuu Mudane Thomas weydiiyey nafleydii. 

‘Tuulada? Marna halkaas uma dego, aad ayay u naxariis daran yihiin. Halkan sare ayaan iska joogaa oo waxaan sameeyaa dahab.’ 

Daraagankii ayaa eegtay dhankii miiskii oo iska furtay gacantii Marwo Sofia. Miiskii ayaa dhowr qaybood u jajabay markii ay ku dul daateen dhagaaxdii qaaliga ahayd. Daraagankii ayaa hareeraha guurguuratay oo qaadday muraayaddii indhaha. Waxay iyada suratay afka iyo sanka waxayna isku dayday in ay wax ka eegto muraayadda laakiin waxay aragtay in ay dillaacday oo aanan la hagaajin karin. 

Daraagankii ayaa naxdiin la qaylisay. Waxay tuurtay muraayaddii, waxayna madaxeedii ku qarisay ciddiyaheedii. Hoos ayay u dhacday wayna is duubtay, iyadoo barooranaysa oo dhinbiillo yar yar ee dab ka boodsiinaysa dhulka. 

‘Maxaad samayseen? Muraayaddayda la'aanteed wax ma arki karo. Wax walba ayaad burburiseen! Taga, aadameyahow nacaska ahi!’ ayay ku ooyday.

Geesiyiintii ayaa is wada eegay.

‘Nafleydani uma muuqato in ay cid waxyeelayso,’ ayuu mudane Adi yiri. ‘Uma maleeyo in ay qaadi karto wax ka weyn digaag oo uma muuqato in ay niyad u hayso.’ Waxuu isha ku tuuray daraagankii qalbigu jabay waxuuna sare u qaaday codkiisii si uu uga dhawaaq dheereeyo baroorta. ‘Kollay tuulo joogyadii ayaa been noo sheegay, maxaan samayn karnaa?’ 

‘Waa in aan tuuladii ku noqonno oo dadku naga caawiyaan in aan tan xallinno,’ ayay Marwo Sofia tiri, iyadoo wajiga u jeedisay nafleydii barooranaysay. ‘Ha walwalin. Waan kugu soo noqon doonnaa.’ 

Saddexdii geesi ayaa ka cararay godkii oo ka degay buurtii ilaa iyo dhankii tuuladii. Subax ayay noqotay intii ay degayeen. Tuulo joogyadii ayaa guryahoodii ka soo baxay oo warwareegayey dariiqyada. 

Geesiyadii ayaa isku soo ururiyey intii ay heleen waxayna u sharxeen wixii ay arkeen iyo wixii ay sameeyeen. 

‘Hadal qurun ah!’ ayuu hal tuulo joog ku qayliyey. 

‘Daraagankaasi aad ayuu u weyn yahay waana khatar!’ ayuu mid kale ku dhawaaqay. 

‘Haddii aanad na rumaysanayn haddaba, annagoo ah geesiyadii gayiga, waxaan idinku amraynaa in aad na raacdaan oo aad indhihiina ku soo aragtaan,’ ayay ku dhawaaqday Marwo Sofia, iyadoo seefteedii cirka u taagtay. 

Tuulo joogyadii ayaa guux guuxay, laakiin waxay ogaayeen in aanay diidin karin amarrada geesiyiinta. Geesiyiintii ayaa iyaga ka saaray tuulada, koriyey buurta dhinaceeda oo u dejiyey godka. Waxay gaareen godkii weynaa ee daraaganka waxayna ugu tageen qas leeg midkii ay kaga tageen. Daraagankii yarayd ayaa weli ku barooranaysay burburkii gurigeeda. 

‘Ma kaas ayaa dhab ahaan ah daraaganka?’ ayuu ninkii garka lahaa weydiiyey. 

‘Halkan ma joogo daraagan kale,’ ayuu Mudane Adi yiri.

Tuulo joogyadii ayaa is wada eegay. Carruurta midkood ayaa liicliicasho ugu tagay daraagankii ooyayey, gacmihiisa ku duubay oo isaguna oohin bilaabay. 

‘Miskiin daraagan. Miskiin, miskiin daraagan,’ ayuu ilmihii ku baroortay. 

‘Maxaan samaynay?’ ayuu tuulo joog weydiiyey. 

‘Waxan miskiinka ah. Waa in aan tan xallinno,’ ayuu mid kale yiri. 

‘Anigu waxaan ahay nijaar,’ ayuu hal tuulo joog ku dhawaaqay. ‘Waxaan kuu samayn karaa miis iyo kuraas cusub.’ 

‘Anigu waxaan ahay xirfadlaha indhaha, waxaan kuu hagaajin karaa muraayaddaada,’ ayuu mid kale yiri. 

Daraagankii ayaa madaxii sare u qaadday oo ilka caddaysay. ‘Waad mahadsan tihiin.’ 

Geesiyiintii ayaa is wada eegay oo godkii ka tagay, iyagoo u dhaqaaqay tacaburro cusub. Markii ay nabadda iyo caddaaladda u keeneen tuulada, waxay ka tageen iyagoo ku kalsooni qaba isbeddelka ku yimid dadkii halkaas ku noolaa. Weligood iyagoon hubsanin dib uma rumaysan doonaan xanaanta oo qof fikrad hore kama qaadan doonaan. 

Enjoyed this story?
Find out more here