
*
Xilli jiilaal ah, oo uu barafku u soo dhacayay sida baalal samada ka yimid, boqorada ayaa ku hamisay inay gabadh hesho. Muddo aan dheerayn ka dib, rabitaankeedii ayaa u rumoobay. canuggii waxaa loo bixiyay Snow White sababtoo ah maqaarkeeda ayaa u caddaa sida baraf oo kale. Dhabannadeedu waxa ay u guduudnaayeen sida dhiigga oo kale. Timaheeduna waxay u madoobaayeen sida xabuunka oo kale.
Wax yar ka dib markii ay dhalatay Snow White, hooyadeed ayaa dhimatay.
Sanad ka dib, boqorkii dalkaas ayaa mar labaad guursaday. Boqoradda cusub aad bay u qurux badnayd. Waxay lahayd muraayad mucjiso ah. Markay muraayadda eegto, waxay waydiin jirtay:
'Muraayad, muraayada gidaarka suran,
Yaa ugu qurux badan dhammaan?'
Muraayaddii ayaa ugu jawaabtay:
'Waxaad tahay qofka ugu wada quruxda badan.'
Boqoraddii waa ay faraxday. Waxay ogayd in muraayaddu mar walba runta sheegto.
Si kastaba ha ahaatee, maalin kasta, Snow White ayaa sii koraysay. Waxay ahayd ilmo qurux badan, waxayna noqotay canug qurux badan. Amiiraddi waxay noqotay mid ka qurux badan boqoradda.
Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah, markii boqoraddii ay muraayadda waydiisay su’aashii, waxay ku jawaabtay:
'Marwadayda, waad qurux badan tahay, waa run, laakiin Snow White ayaa kaa qurux badan.'
Boqoraddi ayaa wajigabax ku dhacay. Laga bilaabo wakhtigaas, waxay Snow White u nacday sida sunta. Maalin walba way sii xanaaqeysay. Inaad qof ka masayrto waa sida inaad shaydaan xun qalbigaaga guri ka siiso. Ugu dambeyntii, aad bay u xoog badnaanayaan weyna ku ceejinayaan.
Ugu dambayntii, boqoraddu way u adkeysan weyday aragtida Snow White ee maalin kasta. Markaas ayey ku amartay nin dilaa ah inuu wax xun ku sameeyo.
'Snow White waa inaad geysaa kaynta. Ma rabo inaan wejigeeda arko mar dambe. Waa inaad dishaa. Iisoo celi sambabaheeda iyo beerkeeda, si ad ii tusto inay dhimatay.
Ninkii dilaaga ahaa ayaa isku dayay inuu sameeyo sidii lagu amray. Snow White ayuu keynta u kaxeeyey. Xitaa mindidiisa ayuu la soo baxay si uu u dilo.
Snow White ayaa qaylisay, 'Ah! Fadlan ha i dhaawacin. Waxaan ballan qaadayaa haddii aad i sii deyso, inaan u carari doono kaynta oo aanan dib ugu laaban doonin guriga.
'Hagaag, orod marka,' ayuu yidhi, isagoo u naxariistay. Qalbigiisii ayaa u xasilay sababtoo ah ma uusan samayn waxii xumaa.
Markii uu dilaagi kaynta kasoo baxayey, ayaa waxaa agtiisa soo maray doofaar yar. Wuu toogtay sambabada iyo beerkana waxuu u qaaday boqoradda si uu u caddeeyo in ay Snow White dhimatay. Boqoraddii sharka ahaydna way karsatay, wayna cuntay. Waxay u malaynaysay inay mar dambe arkaynin Snow White.
Markii ay Snow White keligeed ku noqotay kaynta, geedahii agteeda ahaa ayaa qaab kale la yeeshay. Waxay dareentay cabsi aad u daran oo ay garan wayday waxay samayso. Intay argagaxday ayay bilawday inay ku dul cararto dhagxaanta afka leh oo ay duurka dhex marto.
Dugaagga duurka ayaa ku soo yaacay, laakiin waxba ma yeelin. Snow White ayaa ku dhex oraday kaynta ilaa iyo inta ay ordi kartay. Markii cirku madoobaaday, ayay aragtay guri yar, wayna soo gashay.
Wax kasta oo gudaha ku jiray way yaraayeen. Waxaa meesha yaalay miis ka kooban todobo saxan oo yaryar oo mid walba fargeeto yar iyo mindi iyo qaaddo uu leeyahay. Waxaa jiray toddoba koob oo yaryar. Xitaa waxaa derbiga ag yaalay toddoba sariirood oo yaryar.
Snow White aad ayey u gaajeysnayd oo u haraadsanayd , cunto ayeyna ka cuntay saxan walba, koob walbana dhibic ayay ka cabtay. Markaasay mid ka mid ah sariiraha ku jiifsatay oo ay seexatay.
Markii uu habeenku aad u madoobaaday, ayaa dadkii guriga yar lahaa soo guryo noqdeen. Waxay ahaayeen toddobo dadka gaagaaban ama coonka ah, oo maalintii oo dhan si adag u shaqaynayey. Waxay ka shaqaynayeen macdan qodidda bartamaha buurta.
Kuwii coonka ahaa ama gaagaabanaa waxa ay shideen todoba laambadood kadib qolkii ayay eegeen. Waxay arkeen in uu qof ku jiray gurigooda.
Kii ugu horreeyey ayaa yidhi, ‘Yaa kursigayga ku fadhiyey?
Kii labaad ayaa yidhi, Yaa cunay rootigeygi?
Kii saddexaad ayaa yidhi, 'Yaa boorashkayga cabbay?
Kii afraad ayaa yidhi, 'Yaa khudraddaydii cunay?
Kii shanaad wuxuu yidhi, Yaa fargeetadeyda isticmaalay?
Kii lixaad baa yidhi, Yaa mindidayda wax ku goostay?
Kii toddobaad ayaa yidhi, Yaa koobkayga qayb ka cabbay?
Dabadeed coonkii ugu horreeyey ayaa eegay. Markii uu gaadhay sariirtiisii, waxuu arkay Snow White, oo huruda. Wuxuu u yeedhay kuwii kale, oo ku soo ururay iyaga oo yaab la ooyay.
'Ah!' ayay ku qayliyeen. ' Alla maxay gabadh qurxoon tahay!’
Ma ay kicin, waxay u daayeen inay habeenkii oo dhan ku hurado sariirta yar.
Markii la gaaray subaxdii, Snow White ayaa toostay. Markii hore way cabsatay markay aragtay toddobada coon, laakiin aad bay soo dhaweyn u lahaayeen. Waxay waydiiyeen magaceeda. 'Snow White,' ayay ku jawaabtay.
‘Maxaad gurigayaga noogu timid?’ ayey weydiyeen kuwii coonka ahaa.
Snow White ayaa u sheegtay in eedadeed, boqoradda, ay u dirtay kaynta si loo dilo. Waxay u sharaxday sida uu dilaagi u fasaxay iyo inay kaynta dhex martay ka hor intaanay helin gurigooda.
Kuwii coonka waxay ku heshiiyeen inay la joogto. Taa bedelkeeda, Snow White waxay sheegtay inay cunto u karin doonto oo u nadiifin doonto gurigooda yar.
Sidaa darteed Snow White waxay nolosheeda cusub ka bilowday kaynta. Subax walba kuwii coonka waxay geli jireen buurta si ay dahab u qodaan. Markii ay guriga ku soo noqdeen fiidkii, Snow White ayaa cashadooda u diyaarisay.
Maalintii oo dhan, inantii keligeed ayey ahayd, markaasay kuwii coonka ahaa u digeen, iyagoo ku leh: Iska jir eedadaa. Waxay dhawaan ogaan doontaa inaad halkan joogto. Wax kasta oo aad samayso, qofna ha u oggolaan inuu guriga soo galo.
Hadda, boqoraddu waxay rumaysatay inay cuntay sambabada iyo beerka Snow White. Weligeed kuma ay riyoon in aanay ahayn, mar labaad, haweenayda ugu quruxda badan adduunka. Markaa bay maalin muraayadeeda eegtay oo ay tidhi:
'Muraayad, muraayada gidaarka suran,
Waa kee qofka ugu quruxda badan?'
Muraayaddii ayaa ugu jawaabtay:
'Marwaday, waad qurxoontahay, waa run,
Laakin Snow White ayaa kaa qurux badan.
Buuraha dushooda waxaa ahaaday toddoba nin oo yaryar.
La nool Snow White, qofka ugu quruxda badan mar kale.'
Boqoradii way argagaxday. Waxay ogaatay markaas in dilaagi uu been u sheegay iyada iyo in Snow White ay nooshahay. Muraayada mucjisada ayaa had iyo jeer runta sheegi jirtay.
Boqoraddii sharka lahayd waxay habeen iyo maalinba ka fakareysay sida ay ku burburin lahayd Snow White. Qalbigeeda masayrka badan uma oggolaanin inay nasato iyadoo qof kale uu ka qurux badan yahay.
Markii ay qorsheysay wixii ay samayn lahayd, ayay shanlo samaysay oo sun madow marmarisay. Wejigeeda ayay midab marisay oo u labbisatay sidii qof dumar ah oo da’ ah. Si aad ayey isu qarisay heer ay cidina garan karin. Iyada oo sidaas u ekaatay, ayey boqoraddii sharka ahayd waxay u soo jeesatay gurigii ay Snow White kula noolayd kuwii coonka ahaa. Albaabka ayay garaacday.
Snow White ayaa daaqadda ka eegay.
‘Subax wanaagsan!’ ayay ku dhawaaqday. 'Waan ka xumahay. Ma ogolaan karo inaad gudaha soo gasho.
‘Laakin waa laguu oggol yahay inaad dibadda eegto?’ ayay tiri islaantii duqda ahayd. Shanladii quruxda badnayd ayay kor u taagtay si ay gabadhu u aragto.
Snow White aad ayey u jeclayd shanlada waa ayna ogolaatay in ay soo gasho. albaabka ayay ka furtay.
'Kaalay halkan, gacaliso. Timahaaga si fiican ayaan kuugu shanleyn doonaa, ayay tidhi islaantii.
Snow White ma ogayn inay khatar ku jirto. Shanlada ayaa si dirqi ah u taabatay timaheeda, suntiina waa shaqeysay. Way suuxday.
'Hadda waa ay kuu dhamaatay,' ayay ku dhoola cadaysay boqoraddii sharka ahayd. Si degdeg ah ayey guriga uga carartay.
Nasiib wanaag, fiid ayaa soo dhawaa. Muddo aan dheerayn ayay toddobadii coon ku soo noqdeen guryahoodii. Markii ay arkeen Snow White oo meyd ah oo dhulka daadsan, waxay garteen in eedadii sharka ahayd ay shaqadan ku jirtay.
Way baadheen ilaa ay ka heleen shanladii sunta ahayd. Isla markii ay ka soo saareen timaha Snow White , gabadhu way soo toostay. Isla markiiba waxay u sheegtay wixii dhacay. Kuwii coonka ahaa ayaa mar kale uga digay inay is ilaaliso oo aanay cidna albaabka ka furin.
Isla markii ay boqoraddii guriga timid, waxay tagtay muraayadeeda, waxayna waydiisay:
'Muraayad, muraayada gidaarka suran,
Waa kee qofka ugu quruxda badan badan?'
Muraayaddii ayaa ugu jawaabtay:
'Marwaday, waad qurux badan tahay, waa run,
Laakin Snow White ayaa kaa qurux badan.
Buuraha dushooda waxaa ahaaday toddoba nin oo yaryar.
La nool Snow White, qofka ugu quruxda badan mar kale.'
Hadalladaas markay maqashay ayay boqoraddii cadho la gariirtay. Waxay ogaatay in Snow White ay mar kale badbaaday.
‘Snow White waa ay dhiman doontaa!’ ayay ku qaylisay. 'Xitaa haddii ay nafteyda ku go’ayso!'
Dabadeed waxay tagtay qol qarsoodi ah, markaasay sunteedi adeegsatay si ay u samayso tufaax sun ah. Waxay u egtahay qurux, oo leh dhabanno cadcad iyo casaan qurxoon. Qofkii arkaba wuu jeclaan lahaa inuu cuno, laakiin qofkii cuna meeshiisa ayuu ku dhiman doonaa.
Boqoraddii ayaa haddana is-qarisay. Waxay dhex martay kaynta ilaa aqalkii yaraa ee todobada coon kadib waxay garaacday albaabka.
Snow White ayaa daaqadda ka eegtay.
‘Subax wanaagsan!’ ayay ku dhawaaqday. 'Waan ka xumahay. Ma ogolaan karo inaad gudaha soo gasho.
'Waxaan kuu hayaa tufaax qurxoon, gacaliso,' ayay tiri naagtii duqda ahayd.
'Maya,' ayey tidhi Snow White. 'Ma qaadan karo.'
‘Gabaryahay doqonta ah!’ ayay boqoraddii ugu jawaabtay. ‘Maxaad ka baqaysaa? Ma waxaad u malaynaysaa inay sumaysan tahay? Bal eeg, tufaaxa ayaan kala badh ukala gooyn doonaa. Anigu waxaan cuni doonaa qaybta cad, adiguna casaanka ayaad cuni kartaa.
Tufaaxa ayaa loo sameeyay si dhinac ka mid ah uu u yahay mid badqaba oo la cuni karo, dhinaca kalena waa sumeysanyahay.
Snow White aad buu hami ugalay. Tufaaxu wuxuu u muuqday mid aad u wanaagsan. Markii ay aragtay islaantii duqda ahayd oo cuntay badhkii kale, way is celin kari wayday. Waxay qaadatay hal qaniinyo oo tufaax ah kadib dulka ayey ku dhacday.
U cad Sida baraf oo kale, u cas sida dhiigga oo kale, una madow sida xabuunka oo kale. Markan, wax ku badbaadinayo ma lahan, ayay ku qososhay boqoraddii. Indhaheeda madoobaa ayaa farxad la dhalaalay. Waxay u carartay gurigeedii iyadoo ku aaday muraayadeeda, ugu dambayntiina, waxa lagu yidhi:
'Waxaad tahay qofka ugu quruxda badan.'
Ugu dambayntii, qalbigii xumaa ee boqoradda ayaa farxay. Ugu yaraan, waxay ahayd mid u faraxsan sida uu qalbi xun u farxo.
Markay kuwii coonka guriga yimaaddeen fiidkii, waxay arkeen Snow White oo jiifta oo aan dhaqdhaqaaq lahayn. Intay kor u qaadeen ayay meel walba ka eegeen bal inay wax sun ah ka heli karaan iyo in kale. Waxay sameeyeen wax kasta oo ay ka fikiri karaan, laakiin Snow White waa ay dhimatay, mana ka kicin.
Toddobadii coon ayaa saddex maalmood oo dhan isla ooyayey. Ugu dambeyntii, waxay go'aansadeen inay aasaan Snow White, laakiin aad ayey u quruxbadnayd xitaa dhimashada kadib heer ay isdhaheen:
'Ma dhexgelin karno dhulkan qabow.'
Waxay sameeyeen naxash quraarad ah, wayna dhex dhigeen. Waxay daboolka ku qoreen xarfo dahab ah inay ahayd amiirad. Dabadeedna naxashkii ayey buurta dul dhigeen. Mid iyaga ka mid ah ayaa had iyo jeer ag taagnaa si uu u ilaaliyo Snow White.
Xitaa shimbiruhu waxay u yimaadeen inay muujiyaan murugadooda in Snow White ay dhimatay. Markii hore waxaa yimid guumays, dabadeedna waxaa yimid tuke, dabadeedna waxaa yimid qoolley yar.
Snow White ayaa naxashka ku jirtay wakhti dheer. Had iyo jeer waxay u ekayd mid an isbedelin, sidii iyadoo hurdaysa. Maqaarkeedu wuxuu u caddaa sida baraf oo kale. Dhabannadeedu waxa ay u guduudnaayeen sida dhiigga oo kale. Timaheeduna waxay u madoobaayeen sida xabuunka oo kale.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa buurta yimid amiir. Wuxuu arkay naxashka, ay ku dhex jirtoo Snow White. Markii uu akhriyay waxa ku qoran xarfaha dahabka ah, ayuu ku yidhi kuwii coonka ahaa.
‘Naxashka I siiya. Waxaan idiin siinayaa wax kasta oo aad jeceshahiin.
'Maya,' ayey yidhahdeen kuwii coonka ahaa. 'Snow White kuma bedelaneyno dhammaan waxa dahabka aduunka yaalla.'
"Hagaag, markaas," amiirkii ayaa ku jawaabay. 'Fadlan i siiya, sababtoo ah ma noolaan karo Snow White la'aanteed. Wax walba waan ka jeclahay iyada.
Si murugo leh ayuu u hadlay, heer ay kuwii coonka u naxariisteen. Waa ay siiyeen naxashkii. Amiirkii ayaa addoommadiisii ka codsaday inay garbaha ku qaadaan.
Arrin aan caadi ahayn ayaa dhacday. Adoomadi intay buurta ka soo degayeen ayay turunturoodeen. Waxay si xun u gilgileen naxashkii heer gabalkii tufaaxa sunta ahaa ee ay Snow White liqday uu ka soo dhacay dhuunteeda. Intay yara libiqsatay ayay haddana indhaha kala qaadday.
Snow White ayaa kor isaga qaaday daboolkii naxashka waa ayna soo fadhiisatay iyadoo nool.
‘Ah! Xageen joogaa?’ ayay ku ooyday.
amiirki aad buu u farxay.
‘Aniga ayaad ila joogtaa,' ayuu ku qayliyey. Wixii dhacay oo dhan ayuu u sheegay, ka dibna wuxuu ku yidhi, ‘Waan kaa jeclahay qof kasta oo adduunka jooga. Ma i raacaysaa oo xaas ma ii noqonaysaa?
Snow White ayaa ogolaatay, oo waxay raacday amiirkii.
Way is guursadeen muddo aan dheerayn ka dib. Arooskoodu wuxuu ahaa mid qurux badan.
Eedadii xumayd ee Snow White ayaa ahayd mid ka mid ah martida lagu martiqaaday xafladda arooska. Markii ay si qurux badan ugu soo labbistay munaasabadda, ayay tagtay muraayadeeda, oo ay ku tidhi:
'Muraayad, muraayada gidaarka suran,
Waa kee qofka ugu quruxda badan?'
Muraayaddii ayaa ugu jawaabtay:
'Marwaday, waad qurxoontahay tahay, waa run,
Laakiin aroosadda ayaa kaa qurux badan.'
Markay sidaas maqashay naagtii sharka ahayd aad ayey u cadhootay. Qalbigeedii masayrka badnaa ayaa laabteeda ka garaacmay, wayna ogayd in aanay weligeedna farxi doonin ilaa ay aragto boqoradda da’da yar.
Markii ay timid xafladda, waxay aragtay in Snow White ay tahay aroosadda. Inantii ay dishay may dhiman. Waan ka xumahay boqoraddii xumayd xanaaqeeda ayaa ceejiyey; Waxay isu rogtay guduud, ka dibna iyadoo meyd ah ayay dhulka ku dhacday.
Snow White iyo amiirkeeda ayaa si farxad leh u xukumaayeen sannado badan. Mararka qaarkood, waxay fuuli jireen buuraha oo ay booqan jireen kuwii coonka ahaa. Waxay had iyo jeer xusuustaan asxaabtii si naxariis leh ugu roonaaday Snow White waqtigii ay ubaahnayd.
Enjoyed this story?