KidsOut World Stories

Maraq Dhagax Anam Peeram    
Previous page
Next page

Maraq Dhagax

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Maraq Dhagax

a pot of soup

 

 

 

 

 

 

Bari hore, tuulo aanan in badan ka fogayn durdur, askari qalbi fiicnaa ayaa dhex luudayey dariiq boor lahaa. Aayar ayuu u dhaqdhaaqayey maxaa yeelay maalintoo dhan ayuu lugaynayey. Waxuu aad u jeclaan lahaa oo ugu darnayd in uu cuno cunto macaan, oo kulul. Markii uu gaaray aqal yar oo quruxsan oo gees kaga yaallay waddada, waxuu is yiri, ‘Qofka halkan ku nool kollay waxuu haystaa cunto siyaado ah oo uu la wadaagi karo dalmar gaajaysan oo sidayda ah; waxaan u maleeyaa in aan u tagi doono oo aan weydiin doono.’ 

Markaana askarigii ayaa lug ku maray jidkii dhagaaxda lahaa ee u socday albaabka qoriga ah, waxuunaa dhaafay beerta ay ka buuxeen ee ay ka baxayeen kaabaj, baradho, basal iyo dabacase. Markii uu gaaray aqalka hortiisa, gacantiisa ayuu sare u qaaday si uu u garaaco goortaasoo albaabka markiiba la furay. Dhinaca kale waxaa ka taagnaa nin da' weyn. Gacmihiisa ayaa saarnaa misigtiisa waxaana wajigiisa ka muuqday huruuf. 

‘Maxaad rabtaa?’ ayuu ninkii da'da ahaa yiri, si edeb xun. Haddana askarigii ayaa u ilka caddeeyey.

‘Waan ku salaamay, waxaan ahay askari ka yimid tuulo aanan halkan in badan ka fogayn. Waxaan rabay in aan ku weydiiyo haddii aad hayso cunto aad aniga i siin karto.’ 

Ninkii da'da ahaa ayaa askarigii kor iyo hoos u eegay oo si aad u adag ugu jawaabay. ‘Maya. Haddaba iska tag.’ 

Askarigii tan kuma quusanin – mar kale ayuu ilka caddeeyey waxuuna hoos iyo sare u ruxay madaxiisii. ‘Waa yahay, waxaan kuu weydiiyey uun si aan u helo waxyaabo kaloo aan ku daro maraqayga dhagaxa, laakiin waxay ila tahay in aan saafi uun ku cabbi doono. Haddana waa iska dhadhan badan yahay!’ 

Ninkii da'da ahaa ayaa sunniyaha sare iskugu ururiyey. ‘Maraq dhagax?’ ayuu weydiiyey. 

‘Haa mudane,’ ayuu askarigii ku jawaabay, ‘haddaba iga raalli noqo…’ 

Askarigii ayaa u socday ilaa bartamaha jidka oo alaabtiisii ka soo saartay dheri bir ah. Markii uu biyo ka buuxiyey waxuu bilaabay in uu dab ka shido hoostiisa. Ka dib isagoo xaflad weyn ka dhigay, dhagax caadi u eeg ayuu ka soo saaray boorso xariir ah waxuuna aayar ugu riday biyaha.

Ninkii da'da ahaa ayaa waxan oo dhan ka daawanayey daaqaddiisii, isagoo la fajacsanaa. 

‘Maraq dhagax?’ ayuu is weydiiyey. ‘Waxaan hubaa in aanan waxaasi jirin!’ 

Oo ka dib markii uu waqti daawaday askarigii oo biyaha ku walaaqayey qori yar, ninkii da'da ahaa ayaa dibadda u baxay oo askarigii weydiiyey, ‘Maxaad samaynaysaa?’ 

Askarigii ayaa uriyey uumigii ka soo baxayey dherigii oo dabnihiisa leefay intii uu sugayey, ‘Haa, ma jiro wax aniga igala fiican in yar oo maraq dhagax ah oo dhadhan badan.’ Waxuu ka dib sare u eegay ninkii da'da ahaa, waxuuna taas ku daray ‘Dhab ahaan, lama heli karo wax ka fiican maraq dhagax oo lagu daray milix iyo basbaas yar.’ 

Isagoo shaki qaba, ayuu ninkii da'da ahaa gudaha galay waxuuna la soo laabtay milix iyo basbaas, uu aayar ugu dhiibay askarigii. 

‘Sax!’ ayuu askarigii ku qayliyey intii uu kuwaas ku rushaynayey dherigii. Mar kale ayuu walaaqay ka dibna mar kale ayuu eegay ninkii da'da ahaa, ‘Laakiin ma og tahay, waxaan mar dhadhamiyey maraq dhagax cajiib ahaa oo lahaa kaabaj.’ 

Ninkii da'da ahaa ayaa markaa u dhawaaday dhirtiisii kaabajka waxuuna ka soo jaray kaabajkii ugu bislaa, waxuuna u dhiibay askarigii. 

‘Allah, wax wacan!’ ayuu askarigii ku dhawaaqay intii uu kaabajka jarjarayey waxuuna ku riday dherigii.

Waxuu si dheer u uriyey dherigii waxuuna ninkii da'da ahaa ku yiri, ‘Ma og tahay, maraqani waxuu noqon doonaa mid boqor ku fiican marka xoogaa dabacase lagu daro.’ 

Ninkii da'da ahaa ayaa is yiri, ‘Waxaan u maleeyaa in aan xoogaa dabacase heli karo,’ waxuuna tagay meeshii uu dabacasuhu ugu yaallay waxuuna ka soo qaaday qiyaasta gacanta. 

Askarigii ayaa u riyaaqay markii loo keenay dabacasaha; wuu jarjaray waxuuna mar kale walaaqay dherigii. 

Sidaas ayayna u socotay. Ninkii da'da ahaa ayaa bilaabay in uu u riyaaqo urta ka soo baxaysay dherigii markii uu u keenay basal, baradho, iyo hilib lo' iyo wixii ka dambeeyey. Askarigii laftigiisa ayaa weliba ku daray waxyaabo sida boqoshaa iyo geedka heedda oo uu ka soo saaray boorsadiisii, ilaa uu ku dhawaaqay in maraqu uu diyaar yahay. 

Ninkii da'da ahaa ayaa u ilka caddeeyey askarigii markii uu isaga ugu baaqay maraqa nuskiis.

‘Maad soo gashid? Waxaan hayaa rooti daray ah oo saaka toos looga keenay rooti dubaha oo macaan in lagu daro maraqa dhagaxa,’ ayuu si naxariis leh ugu yiri. 

Markaana ninkii da'da ahaa iyo askarigii ayaa wada qaatay cunto aad u wacan. Askarigii ayaa boorsadiisii ka soo saaray kartoon caano taasna way wadaageen. Ninkii da'da ahaa ayaa askariga ku raacay in aanu hore u dhadhaminin wax u dhigma maraqa.

Markii uu askarigii isaga u dhiibay boorsadii xariirta ahayd ee uu dhagaxu ku jiray ayuu ninkii da'da ahaa gartay uun runtii. Dhagaxu marna ma ahayn waxa maraqa dhadhan badan sameeyey. Taas halkeeda, markii ay wada shaqeeyeen ee ay deeq badan isku muujiyeen, labadooda isaga iyo askariga ayaa awooday in ay sameeyaan cunto macaan oo ay wadaagaan oo ay wada qaataan. 

Enjoyed this story?
Find out more here