KidsOut World Stories

Robin Hood Mary Smith    
Previous page
Next page

Robin Hood

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Robin Hood

Sheeko dhaqameed Ingiriisi ah

 

 

In ka badan todoba boqol oo sano ka hor waxaa jiray nin dhalinyaro ah oo la oran jiray Robert kii Locksley. Saaxiibbadiis waxay ugu yeeri jireen Robin.

Robin waxa uu hooyadii kula noolaa Guryaha Locksley, laakiin aabbihii waxaa uu ahaa askari waxaana uu ku maqnaa dagaal dibadda ah. Dagaalku wuxuu ka jiray waddan uu boqorka, Richard kii qalbilibaax, kula dagaallamayay cadow.

Intii uu dagaalka dibadda ku jiray, Boqor Richard wuxuu uga tagay walaalkiis ka yar si uu u xukumo England. Richard walaalkii waxa la odhan jiray John laakiin ma ahayn nin wanaagsan, run ahaantii waxaa uu ahaa mid hunguri weyn. John wuxuu rabay inuu helo dhul badan iyo guryo ka badan kuwa Richard. Markaa, iyadoo mulkiilayaasha dhulka, sida Robin aabbihii, ay boqorka dibadda kula maqnaayeen, Amiir John oo hunguri weyni wuxuu boobay guryahoodi iyo dhulkoodii.

Maalin maalmaha ka mid ah Amiir John wuxuu u diray raggiisii si ay u soo boobaan Guryaha Locksley. Robin, hooyadiis iyo dhammaan shaqaalahooda ayaa ku guuleystay inay ka baxsadaan. Robin wuxuu u kaxeeyey hooyadii inay si nabad ah ula noolaato waalidkeed.

Robin waxaa uu aad uga cadhooday in gurigii iyo dhulkii aabbihii laga boobay, marka waxaa uu wacad ku maray in uu ka aargoosan doono. Waa uu ka murugooday inuu ka tago gacalisadiisii Marian, oo ku noolayd meel u dhow, laakiin wuxuu ku dhuuntay meel u dhaw Nottingham oo uu si qoto dheer ugu noolaa kaynta Sherwood.

Niman kale ayaa u yimid inay ku biiraan Robin, isla markiiba waxaay noqdeen koox saaxiibbo ah oo dhammaantood wada dhuumanaya. Waxaa loo yaqiin Raggii farxadda, waxaana ay xirnaayeen dhar midabkiisu cagaar yahay si ay ugu dhuuntaan caleemaha cagaarka ee kaynta.

Dhammaantood waxay xidhnaayeen cagaar marka laga reebo Robin saaxiibkii Will. Waxa uu soo xidhay dhar cas cas si uu ugu ekaado caleenta dayrta markuu is qarinayo. Robin wuxuu ugu yeeray 'Will kii casaa' sababtoo ah dharkiisa ayaa casaa. Will ayaa ugu yeedhi jiray Robin 'Robin Hood' sababtoo ah jaakaddiisu waxay lahayd dabool xagga sare.

Dhammaan raggii ku soo biiray Robin waxay ahaayeen qaansoley aad u wanaagsan - waxay si qumman u ridi kareen fallaadha iyaga oo si toos ah badhtamaha ugu dhufan karay bartilmaameed fog.

Mar kasta oo mid ka mid ah nimanka hunguriga badnaa ee amiir John uu yimaado waddada soo marta kaynta Sherwood, Robin Hood iyo kooxdiisii Raggii Farxadda waxay ka soo bixi jireen dhuumashada waa ayna qabanayeen ninka.

‘Kaalay cunto nala cun,’ ayay ku odhan jireen oo waxay siin jireen cunto macaan. Markii uu cuntada dhamaystana Robin Hood waxa uu ninka weydiin jiray in uu bixiyo lacagtii uu cuntada ku cunay ka dib nimankii Robin waxa ay ninka ka qaadan jireen dahabka iyo lacagta ku jirtay shandadaha ninka ka hor inta aanay mar kale dib u celin.

Madaxa fulinta Nottingham aad ayuu uga cadhooday tuuganimada ka dhacaysay kayntiisa, laakiin waligii ma uu helin Robin Hood iyo Ragiisii maadaama ay aad u dhuunteen.

Robin iyo raggiisii hal dinaar kamay reebanin hantidii ay ka ururiyeen nimankii hunguriga badnaa. Taa beddelkeeda waxay uqaybiyeen dhammaan dadka saboolka ah ee ay garanayeen - dadkii ay wax walba ka lumeen markii ay amiir John iyo raggiisii boobeen.

Waqti kadib, rag kale ayaa doonayey inay ku soo biiraan Robin Hood oo ay u dagaalamaan cadaaladda. Mid ka mid ah raggaas wuxuu ahaa John Little. Dhererkiisu waxaa uu ka badnaa laba mitir waxana uu si cajiib ah ugu dagaallami karayey tiir dheer.

'Magacaagu waa inuu ahaado John kii weynaa sababtoo ah aad baad u dheer tahay,' ayuu ku qoslay Robin Hood. ‘Waxaan kuugu yeeri doonaa John Yare si kaftan ah!’ Qof kasta oo kalena waxuu ugu yeeri jiray John Yare.

Qofka kale oo ku biiray Raggii faraxadda ayaa ahaa Alan A’Dale. Waxa uu ahaa muusikiiste sidaa darteed waxa uu tumayey muusikadiisii waxuuna u heesayey si uu u maweeliyo Robin iyo raggiisa.

Maalin maalmaha ka mid ah nin raahib ah oo loogu yeero Friar Tuck ayaa yimid kaynta Sherwood  isaga oo raadinaya Robin kii Locksley. Waxaa la socotay naag dhalinyaro ah.

‘Marian!’ ayuu yidhi Robin kolkii uu arkay.

Friar Tuck ayaa yiri:

‘Marian aabaheed waxa uu rabay in gabadhiisa uu u guuriyo oday taajir ah. Laakin Marian intay ilmeysay ayay sheegtay in aysan ninkan guursan karin maadaama ay qof kale jeceshahay. Jacaylkeeda dhabta ah waa Robin kii Locksley. Waan ogaa in Robin uu ku dhuumanayo kaynta Sherwood sidaa darteed waan soo badbaadiyay Marian oo aan keenay halkan si ay u guursato jacaylkeeda dhabta ah.

Marion iyo Robin ayaa isku duubsamay iyagoo faraxsan kadib markii ay Friar Tuck iyo Marian ku soo biireen Raggii Farxadda.

Hoogay, maalin baa war xun loo keenay Robin Hood:

“Boqor Richard ayaa lagu qabtay dhul fog. Afduubihiisuna wuxuu sii dayn doonaa boqorka keliya haddii la bixiyo madaxfurasho dahab iyo qalin ah, qofkii lasoo diray ayaa sidaa yidhi, 'laakin, Amiir John ayaa sheegay inuusan bixineynin hal diinaar si uu nafta walaalkii u badbaadiyo waxaana hubaal ah inuusan bixinayn dahab ama lacag si uu walaalkii u xureeyo.

‘Taasi waxaa ugu wacan isaga laftiisa ayaa raba in uu boqor ka noqdo Ingriiska!’ Robin Hood ayaa si cadho leh sidaa u yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, Raggii farxadda waxay lahaayeen fikrad aad u fiican. "Dhammaan dadka saboolka ah ee aan ognahay waxaa la siiyay lacag ugu filan wax kasta oo ay u baahan yihiin, markaa lacagta weli noogu jirto khasnaddayada waxaan kusoo furan karaan xorriyadda Boqor Richard."

Marka iyaga oo aan qorshahooda u sheegin amiir John, Robin iyo raggiisii waxay bixiyeen madax furashadi qaab dahab iyo qalin.

Dhawr toddobaad ka dib, nin aan la garanayn ayaa soo galay kaynta Sherwood. Waxa uu xidhnaa dhar madow isagoo leh waxaan raadinayaa Robin Hood.

‘Adiga kumaa tahay?’ Robin ayaa weydiiyey

‘Waxaan ahay Halyey Madow,’ ayuu ku jawaabay.

Laakiin markii uu halyeygu koofiyadda iska qaaday, Robin waa uu gartay ninki.

‘Boqor Richard! Robin wuu u foorarsaday si uu u sharfo boqorkiisa. Nimankii badnaa iyana way u foorarsadeen, gabadhii Marian ayaa iyaduna u foorarsatay.

‘Waxaan u imid inaan kaaga mahadceliyo bixinta madax-furashada aan ku helay xorriyaddayda,’ ayuu yidhi boqorki. ‘Waxaan maqlay sida walaalkay John uu ugu guul daraystay inuu boqortooyadayda si caddaalad ah ugu xukumo. Waxaan ogaaday hungurigiisa iyo in uu dhul iyo guryo dad ka boobay. Isagana waan la macaamili doonaa oo waan ciqaabi doonaa, laakiinse dhammaantiin intii guryahoodii iyo dhulkoodii la boobay, waxaan idiin soo celinayaa guryihiina iyo dhulkiina si aad mar kale idinka iyo reerihiinnuba ugu noolaataan halkaas.

Robin, Marian iyo dhammaan raggii farxadda waxay boqorkooda u ballan qaadeen daacadnimadooda, oo ah xaakimkii loo yaqaan Richard kii Qalbilibaaxa.

Sheekada ku saabsan sida Robin iyo raggiisii farxadda lahaa ay daacad ugu ahaayeen boqorkooda waxaa laga sheekayn jiray oo lasoo gudbin jiray qarniyo badan. Tani waa sida, toddoba qarni ka dib, aan weli u ognahay sheekada Robin kii Guryahii Locksley.

Enjoyed this story?
Find out more here