KidsOut World Stories

Saddexda Orgac Qallaf    
Previous page
Next page

Saddexda Orgac Qallaf

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Saddexda Orgac Qallaf

Sheeko Norwiijiyan

 

 

 

 

 

 

*

Waxaa jiri jiray saddex Orgac Qallaf; Orgaca Yar, Orgaca Qiyaas Dhexe iyo Orgaca Aad u Weyn, oo ku noolaa beer ku taallay ban cagaaran. 

Waxay jeclaayeen in ay cunaan cawska macaanka, laakiin nasiib darro beertooda ayaa iminka noqotay meel cawlan oo aanay wax ka bixin maxaa yeelay waxay ahaayeen orgac hunguri weyn waxayna cuneen laan kastoo uu cawsku lahaa. 

Laakiin weli gaajo ayaa haysay. 

Meel ka fog, waxay ka arkayeen beer uu ka buuxo caws quruxsan oo macaan oo dhadhan badan, laakiin nasiib darro waxaa jiray dariiq keliya oo lagu gaaro – marka la maro kaabad dhacdhacaysa oo lagu dhaafo durdur. 

Laakiin kaabadda hoosteeda waxaa ku noolaa duurjoog aad u xun oo si xun looga baqo oo lagu magacaabo Trevor – isaguna marwalba wuu gaajoonayey. Waxuuna ugu jeclaa in uu cuno orgac fiican oo dheecaan badan. 

Orgaca Yar ayaa marka hore gaaray kaabadda. Si deggan, ayuu cag ka dibna cag kale u saaray kaabadda. 

Laakiin maadaama ay dhacdhac badnayd, si kastoo uu iskugu dayaba, cagtiisa ayaa haddana qac qic, qac qic ka wadday looxaanta dhaadheer. 

Markaaba waxaa la maqlay cod aad u weyn.

‘Waa ayo qofkaas qacda iyo qicda ka wada kaabaddayda?’ 

Waxaana kaabadda hoosteeda ka soo muuqday Duurjooggii. 

Isagoo cagihiisu ruxmayaan, ayuu Orgaca Yar Qallaf awooday in uu cod yar ku yiraahdo, ‘Waa aniga uun. Waxaan raadsan doonaa oo keliya caws yar oo aan cuno.’ 

‘Waa maya ma samayn kartid! Waan ku cuni doonaa oo waxaan kaa dhigan doonaa quraac, qado iyo casho!’ 

‘Allah maya!’ ayuu yiri Orgaca Yar Qallaf oo argagaxsan. ‘Waxaan ahay uun Orgaca Yar Qallaf. Maad sugtid walaalkay? Wuu iga weyn yahay oo wuu iga dhadhan badan yahay.’ 

*

Markaa Duurjooggii hunguriga weynaa ayaa go'aansaday in uu sugo oo Orgaca Yar Qallaf ayaa boodbood ku dhaafay kaabadda oo bilaabay in uu cuno cawska cagaaran ee darayga ah ee ku yaallay dhinaca kale. 

Orgacdii kale ayaa arkay Orgaca Yar Qallaf oo cunaya cawska cagaaran ee darayga ah wayna xaasideen maxaa yeelay iyaguna waxay rabeen in ay cunaan.

Markaa Orgaca Qiyaas Dhexe Qallaf ayaa u degay kaabadda oo bilaabay in uu durdurka ka gudbo.

Qac, qic, qac, qic ayuu ku garaacay cagihiisii qiyaas dhexe ahaa. Mar kale waxaa kaabadda hoosteeda ka soo muuqday Duurjooggii. 

‘Waa ayo qofkaas qacda iyo qicda ka wada kaabaddayda?’ ayuu codkiisii weynaa ku yiri. 

Isagoo cagihiisu ruxmayaan, ayuu Orgaca Qiyaas Dhexe Qallaf awooday in uu codkiisa ugu dabacsan ku yiraahdo, 

‘Waa aniga uun. Waxaan daba socdaa walaalkay, Orgaca Yar Qallaf, si aan u cuni karo cawska macaan.’

‘Waa maya ma samayn kartid! Waan ku cuni doonaa oo waxaan kaa dhigan doonaa quraac, qado iyo casho!’

‘Allah maya, Mudane Duurjoog, ma rabtid in aad aniga i cunto. Anigu aad uma weyni oo iguma dhargi kartid. Sug ilaa uu walaalkayga iga weyni imanayo – aad ayuu aniga iiga dhadhan badan yahay.’ 

‘Waa yahay haddaba,’ ayuu yiri Duurjooggii oo Orgaca Qiyaasta Dhexe Qallaf ayaa orod ku maray kaabadda oo bilaabay in uu cawska cagaaran ee macaan la cuno Orgaca Yar Qallaf. 

Orgaca Weyn ee dhiirran Qallaf ayaa xaasid noqday oo masayr galay waxuuna sugi kari waayey in uu kaabadda dhaafo oo uu u tago walaalihiis. 

Markaa si dhiirran, ayuu cagihiisa u saaray kaabadda. 

Qac, qic, qac, qic. 

Markaaba waxaa kaabadda hoosteeda ka soo muuqday Duurjooggii. 

‘Waa ayo qofkaas qacda iyo qicda ka wada kaabaddayda?’ ayuu cod weyn ugu yiri. 

‘Waa aniga. Orgaca Weyn Qallaf. Ayaad isku haysataa?’ 

‘Waxaan ahay Duurjoog oo waan ku cuni doonaa oo waxaan kaa dhigan doonaa quraac, qado iyo casho!’ 

‘Waa maya ma samayn kartid!’ 

‘Waa haa waan samayn karaa – waad arki doontaa!’ 

Markaas ayuu Duurjooggii ku orday Orgaca Weyn Qallaf oo madaxa foorariyey oo si geesinimo leh ugu cararay Duurjoogga, waxuuna ku qabtay oo uu ku qaaday geesihiisa waxuuna ku tuuray durdurkii hoose. 

Duurjooggii ayaa ku libdhay biyihii ordayey hoostood, oo weligiis dib looma arkin. 

Waqtigaas ka dib, qof kaste ayaa kaabadda dhaafi karayey oo cawska cagaaran ee macaan kula raaxaysan karayey Saddexda Orgac Qallaf. 

Enjoyed this story?
Find out more here