KidsOut World Stories

Quraanjada iyo Maroodiga Emal Jabarkhail    
Previous page
Next page

 

 

 

 

Quraanjada iyo Maroodiga

Sheeko Afqaani

 

 

 

 

 

 

*

Mahabis waa ciyaar labo kooxood ay ciyaaraan. Hal koox ayaa gacantooda hoos geliya buste oo fargal ku qariya baabacada gacanta saaxiib kooxeed. Ka dib waxay kooxda kale tusaan gacmahooda oo duuban. Kooxda kale ayaa u baahan in ay gartaan gacanta lagu qariyey fargalka. 

Quraanjada iyo maroodigu waxay ahaayeen saaxiibbo aad u fiican dhab ahaan wayna wada ciyaari jireen mar kastoo ay fursad u helaan. 

Dhibku waxuu ahaa, maroodiga aabbihiis ayaa ahaa aabbe aad u adag oo ma jeclayn in wiilkiisu uu ciyaaro marka uu casharka gurigu u yaallay, ama haddii ay hooyadiis u baahnayd in hawlaha guriga loo qabto. Oo isagu ma jeclayn in wiilkiisu uu la ciyaaro saaxiibaddiis quraanjada marka ay habboon tahay in uu la ciyaaro maroodiyaasha kale ee ay wada socdaan.

Maroodiga yar aad ayuu uga baqayey aabbihiis oo ma jeclayn marka uu caraysan yahay. Laakiin quraanjada ayaa ahayd quraanjo geesinimo badnayd oo kama baqayn aabbaha gaboobay ee xanaaq badnaa. 

Maalin, labada saaxiib ayaa wada ciyaarayey ciyaarta mahabis markii ay maqleen aabbihii caraysnaa oo u soo socday. Dhulka ayaa si xun u gariirayey oo geedaha ayaa kolba dhinac u lulmayey.

‘Allah, maya waa aabbahay!’ ayuu ku ooyey maroodigii yaraa, wajigiisa oo cabsi ka muuqatay. ‘Maxaan samayn karaa?’ 

Quraanjadii yarayd ayaa shafka buuxsatay oo isku taagtay dhererkeeda oo dhan. ‘Ha walwalin, saaxiib, dabadayda ayaad isku qarin kartaa oo aabbahaa kuma heli doono!’ 

Enjoyed this story?
Find out more here