Sheeko Bengali ah

*
Aharsi, shabeelkii weynaa ee Bengal, ayaa ku jiray xaalad wanaagsan. Waxay ahayd jiilaal oo wuxuu weli ku jiray inuu la qabsado dareenka barafka ee cidiyaha lugahiisa. Wuu yara gariiray, isagoo tabay dhiiqadii diirranayd ee kayntii kulaylaha.
Aharsi wax badan ayuu tabayey. Waxaa uu tabay sida ay qorraxdu dhogortiisa ugu dhalaalin jirtay midab oranji ah, ama sida iftiinka duhurnimo uu uga dhigay barobarihiisii madoobaa kuwo u muuqda sida hillaaca madow. Waxaa uu tabay jiifkii uu seexan jiray kulaylka fiidka iyo iftiinkii cadceedda ee kaynta dhexjeexayey. Wuxuu is-weydiiyay bal inuu mar kale maqli doono shimbirahii ka ciyi jiray geedaha dhexdooda, ama uu heli doono neecawdii udgoonayd ee canbaha bislaaday. Waqtiyadan gaaban, balse dareenka leh ayuu shabeelkii Bengal aad ugu dadaalayay inuu maskaxdiisa ku sawiro. Aharsi waa uu u xiisay hoygiisii.
Dhogortiisii wajiga ayaa dhaqaaqday neef weyn ayuu sii daayay, isaga oo shimbirihii yaraa ee barafka dul saarnaa cirka udiray.
Saddex saacadood ayaa ka soo wareegtay, in kasta oo uu aad u fikiray, haddana shabeelku waxa keliya oo xasuustay waxaa ay ahaayeen sawirro an jirin oo cambe iyo canab ah. Waxaa uu ka welwelsanaa in uu gabi ahaanba ilaaway gurigiisii hore.
Markii ugu horeysay ee Aharsi uu yimid beerta xayawaanka ee England isaga iyo hooyadiis iyo aabihiis, wax walba waxay ahaayeen kuwo aad u xiiso badan. Wuu la dhacay wax weliba; indhihiisa jaallaha ah ayaa si xiiso leh u doonayey in ay wax weliba ogaadaan. Geedba geed ayuu uga booday ama ubax kasta ayuu ursaday waxuuna iskudayay inuu qabsado cayayaan kasta oo yar.
‘Hadda is deji, Aharsi,’ ayay hooyadii tidhi. ‘Waxaad soo martay waddo dheer. Waxaad haysataa waqti badan oo lagu sahamiyo; hadda waa inaad nasato.
Laakin shabeelkii yaraa aad buu u ga mashquulsanaa inuu nasto. Waxaa jiray xayawaanno cusub oo uu la kulmayay, geedo cusub oo uu fuulayay. Waxaa jiray wax badan oo ay ahayd inuu ka barto gurigiisa cusub. Inta aanay qorraxdu dhicin maalintaas koowaad, Aharsi waxa uu ku soo wareegay dhammaan qafisyada xayawaanka, isaga oo su’aallo weydiinayay, isaga oo la qabsanaya midabada qalaad ee shimbiraha aadka u qurxoon, urinayana urta macaan ee caws aan hore loo baran oo yaallay cooshadaha wiyisha.
Laakiin inta uu indha indhaynta ku jiray, ayuu Aharsi ogaaday sida uu gurigiisa cusub uga duwan yahay meesha uu ka yimid. Hadda shabeelkii da'da yaraa wuxuu ka walwalsanaa inuu lumiyo dhammaan xusuusta qaaliga ah ee uu ka lahaa waddankiisii hooyo. Wuxuu ka walwalsanaa inuu ilaaway wax walba oo ku saabsan inuu ahaa shabeel Bengali.
*
Aharsi intuu indhaha isku xidhay ayuu saynta si ula kac ah kolba dhinac u rogay. ‘Xusuuso,’ ayuu naftiisa ku yidhi. 'Isku day inaad aad uga fikirto!’
Saacado ayaa ka soo wareegay, maalintii ayaa sii yaraatay, xayawaanki intiisii kalena waxay bilaabeen in ay makhribkii xeroodaan. Muddo ka dib, Aharsi ayaa dareemay qof eegaya. Waxa uu furay hal il, isaga oo aad u jecel in uu diiradda saaro inta uu awoodo; isku dayayana inuu xasuusto, Waxuu ahaa Zody Haramcadkii.
‘Maxaad qabanaysaa?’ ayaa lagu yiri cod fasiix ah.
‘Waan xusuusanayaa,’ ayuu ku jawaabay Aharsi. “Haddii aanad waxba ka qabin…” Aharsi indhaha ayuu mar kale xidhay oo uu isku dayay in uu si xoogan dirada usaaro.
‘Xasuusanayaa miyaad tidhi?’ ayuu waydiiyay Zody.
‘Haa. Waxaan ilaaway wax walba oo ku saabsan inaan ahaa shabeel Bengali, iyo meesha aan ka imid, sidaa darteed waxaan isku dayayaa inaan xasuusto ka hor inta an dhammaan hilmaamin. haddii aadan waxba ka qaban…'
Mar kale Aharsi intuu indhaha isku qabtay ayuu damcay inuu soo xasuusto sawirro waddankiisii.
“Meel dheer ma gaareysid iyadoo indhahaagu xiran yihiin," ayuu yidhi Zody.
Aharsi indhaha ayuu kala qaaday isaga oo aad u cadheysan. ‘Meelna ma gaadhayo ilaa aad iga tagto si aan u fikiro!’ ayuu yidhi. 'Si kastaba ima fahmi kartid, xitaa shabeel ma tihid, iskaba daa shabeel Bengal! haramcad baad tahay!’
‘Xayawaanyahow doqonka ah!’ ayuu yidhi Zody, isagoo qoslaya. ‘bal eeg! Waxuu farta ku taagay baraf dhulka yaal oo dhalaalaya.
Aharsi waxa uu dib u eegay Zody isaga oo wareersan. "Waxaan u malaynayaa in aad yara doqomowday, Zody," ayuu yidhi, ka dibna, wuxuu ku dhawaaday inuu naftiisa ku qoslo.
‘Haddii aad rabto in aad dib u xasuusato sida loo noqdo shabeel,’ ayuu Zody ku yidhi cod naxariis leh, ‘bal eeg!’
'Hagaag, haddii aad ideyso markaas waan eegi doonaa.'
*
Aharsi inta uu luquntiisa yara qalloociyey, ayuu eegay barafka sida muraayadda ee dhulka yaalla. Zody ayaa garabkiisa ka dhawaaqay.
‘Bardhimahaada qurxoonaa,' ayuu yidhi. 'Markaan muraayadda eego waxaan arkaa dhibcahayga. Ma jirto cid kale oo leh dhibco la mid ah kuwayga.
Hooyaday ayaa lahayd dhibco, hooyaday hooyadeed, iyo ayeydey labaad… ilaa iyo markii ay ayeeyadaydii weynayd dhexwareegaysay cawska Koonfur Afrika!'
Aharsi waxuu dareemay in indhaha Zody sii ifayaan iyaduna ay sawir ka bixineysay dhulkii kuleylaha ahaa iyo kaymahii cagaarnaa ee gurigeeda. "Markaan arko dhibcahayga," hadalka ayey sii wadatay, "Waxaan arkaa dhammaan taariikhdayda. Mar walbana dhibcahayga waan wadanayaa.’ Aharsi ayey u iljabisay. ‘Si kastaba,' ayay tidhi, 'haramcadku barihiisa ma beddelo!'
‘Laakin waligaa miyaydaan uxiisin gurigaada oo ma murugu ku qaban?’ Shabeelkii yaraa ayaa si tartiib u weydiiyey. 'Wax walba halkan aad bay uga duwan yihiin.'
"Dhammaanteen waanu u hiloownay gurigeena," Zody ayaa ku jawaabtay iyadoo garaacaysa barafka, "laakin eeg fikradaheena. Aad uma kala duwana. Adigu waxaad ka timid Bengal aniguna waxaan ka imid Afrika, laakiin arag sida aan u leenahay dhogor isku mid ah. Halkanna arag…’ Zody ayaa barafka cidiyaheeda fiiqan jeex uga gooysay ka dibna cidiyaheeda kor u qaaday si ay ugu ifiso iftiinka sii dhacaya ee qorraxda. 'Labadayaduba waanu leenahay cidiyahan,’ ayay tidhi iyada oo dhoola cadeynaysa.
Isla markiiba qaylo weyn ayaa kasoo yeertay xerada maroodiyaasha ee geeska bari ee beerta xayawaanka.
"Hagaag taasi maaha wax la yaab leh," ayuu yidhi Aharsi. ‘Labadeenuba waxaanu nahay bisado. Laakiin ma ihi wax la mid ah maroodiga halkaas jooga, miyaan ahay?
Zody way qososhay. "Waxa laga yaabaa inay u egyahiin kuwo naga duwan oo dhawaqoodu naga duwanyahay, laakiin waxaan shaki kujirin in xitaa maroodigu u hiloobay gurigiisa. Taasi waa wax aad wadaagtaan.
Aharsi waxa uu u muuqday mid aan hubin, maroodigu waa xayawaan aad u weyn ma murugoodaan. "Waxaan hubaa inay weli tabayaan halka ay ka yimaadeen," ayuu yidhi. ‘Hooyaday waxa ay ii sheegtay in maroodigu aanu waligii waxba ilaawin.
Zody way neefsatay oo qososhay oo ku wareegtay dhulka adag. ‘Taasi waa run!’ ayay qiratay. ‘Maroodi ma iloobo abid!’
"Oo waxaan hubaa dameer farowgu inaysan cabsan," Aharsi wuu sii watay, isagoo weli yara caajis ah laakiin bilaabay inuu u dhoola cadeeyo saaxiibkiis.
‘Miyeydaan arag iyaga oo ka yaacaya cagaf-cagafta waardiyaha?’ ayuu waydiiyay Zody.
‘… yaxaaskana? Iyaguna miyay baqaan oo ma murugoodaan?’ Aharsi ayaa weydiiyey.
‘Miyaadan arag iyaga oo biyaha hoostooda ku dhuumanaya?’ Zody ayaa ku jawaabtay iyadoo saaxiibkeed ku dhufanaysa sanka qaab ciyaar ah. ‘Waxaan dhammaanteen marmar u xiisnaa gurigeena, Aharsi. Laakiin taasi waa sababta aan dhammaanteen ukala duwanahay. Waxa an u kala duwannahay waa in aan u xasuusannaa. Aniga i fiiri. Waxaan leeyahay sayntan quruxda badan oo i xasuusinaysa in annagu haramcadka an nahay kuwa ugu fiican koridda geedaha.
Aharsi waa uu soo wanaagsanaaday, isla markiiba waxa uu bilaabay in uu si aad u neefsado. "Aniguna had iyo jeer waxaan yeelan doonaa xariijimahayga si aan ugu dhuunto cawska dhaadheer. Anaga shabeelka waxan nahay ugaarsatada ugu wanaagsan dhammaan Bengal!’
"Xariijimahaaga waxay tagayaan meel kasta oo aad tagto, Aharsi," Zody ayaa yidhi isagoo dhoola cadeynaya.
"Maroodigu marka ay murugoodaan waxay eegi karaan foolkooda si ay u xusuustaan inay ugu fiican yihiin biya ku garaacidda,” ayuu yidhi Aharsi. "Marka ay yaxaasyadu dareemaan murugo ama cabsi waxay eegi karaan cagahooda iskudhegan waxayna xusuusan karaan inay yihiin kuwa ugu dheereeya wabiga dhexdiisa…”
Shabeelkii yaraa dib ayuu u yara baxay, indhihiisu aad bay hurda u haysay, wuuna hamaansaday isagoon is ogayn. Hadda waa fiid, beerta xawayaankana waxay ahayd mid jawi wacan oo ay ka qaylinayeen xayawaanno aan tiro lahayn. Qaar waxay lahaayeen xariijimo, qaar waxay lahaayeen dhibacyo. Midkoodna la mid ma ahayn kan kale. Habeenkii markii uu dhacay oo malaayiin xiddigood ay cirka isku shareereen, Aharsi wuxuu bilaabay inuu fahmo in kasta oo xayawaanku ay kala duwan yihiin, haddana ay dhammaantood isku mid yahiin mararka qaarkood. Taasi waa markii uu ogaaday inuusan waligiis kaligiis ahaan doonin, waana markii uu ogaaday inuu waligiis gurigiisa ku haysan doono qalbigiisa.
Enjoyed this story?