Sobabta uu maroodiga aanu uduuli karin
A free resource from
KidsOut - the fun and happiness charity
This story is available in:
This story is available in:
Sheeko Hindi ah

*
Waqti dheer ka hor, in ka badan inta ay dadka badankiisu xasuusan karaan, maroodiga ayaa duuli karay! Waxay lahaayeen afar baal oo aad u waaweyn, cirka ayay si xawli ah u mari kareen, taasoo ka yaabisay xayawaanada kale. Laakiin xayawaankan weyn ayaa mararka qaarkood doqon ahaa. Laakin shhhh... xayawaanka kale way ka aamusi jireen oo weligood kama hadlin.
Maadaama uu maroodigu aad u xoog badnaa oo uu aad u dheereeyey, ayuu ilaahay go'aansaday inuu kaalmeeysto. Xayawaankan waaweyn ayuu fuuli jiray iyaga oo ka caawinayey inuu dhameystiro sameynta adduunka. Daqiiqad gudaheed waxaa uu tagi karay Shiinaha, il biriqsi kadibna, waxaa uu joogay Iceland! Maroodiyaashani aad ayey u xoog badnaayeen oo waxay riixeen oo ay dhaqaajinayeen buuro iyo barafyo waaweyn, iyaga oo durkiiyey ilaa wax kasta oo adduunku kaamil ka noqday. Tusaale ahaan, waxay ka caawiyeen Ilaah inuu geeyo Himalayas Hindiya - Tansaaniyana, waxuu geeyey Buurta Kilimanjaro.
Markii uu fuulay maroodiyaashan, ilaahay ayaa isumaray adduunka oo dhan oo ka dhigay mid dhammaystiran.
Markii shaqadaas weyn la dhammeeyey, ayuu ilaahay u sheegay maroodiyaasha in ay helayaan fasax joogto ah. Ah… taasi waxay ahayd, ilaa uu uga helaayo hawl kale oo ay qabtaan.
Hadda maroodigu wax badan oo ay qabtaan ma jirin. Marka ma ogtahay waxa dhacay? Maroodigii waxa ay noqdeen shaqo la’aan si ay waqtiga isku dhaafiyaan, waxaa ay ka sheekeysan jireen waayihii hore. Waxay ka sheekaysteen sida ay u xoog badnaayeen. Waxay ka sheekeysteen sida ay u degdeg badnaayeen iyo sida ilaah u mannaystay iyaga. Sheekadii intay ku jireen waxay is tuseen inay aad uga qiimo badan yihiin dhammaan xayawaanka kale ee dhulka.
Dhab ahaanti waxay ahaayeen kuwa ugu muhiimsan!
Maroodigii ayaa si aan qarsoodi ahayn isugu sheekeynayey. ‘Bal eeg daa’uuskaas,’ ayay si aan naxariis lahayn u dhaheen. ‘Bal u fiirso sida baalashiisa yaryari ay u fool xun yihiin marka loo eego kuwayada!’ Waxayna mar walba hubinayeen in ay kor u qaadaan codkooda si uu daa’uuska yari u maqlo erayadooda xun.
Daa'uuskii miskiinka ahaa, oo qalbigiisa naxariista iyo is-hoosaysiinta lahaa, ayaan ku khilaafin Maroodiga. Wuxuu is yidhi, ‘Maroodigu waa sax. waan yarahay Baalashayduna uma qurux badna sida kuwooda oo kale, mana u xoog badni sida Maroodiga.
Waqti kadib, maroodigu waxay bilaabeen inay faanaan. Waxay bilaabeen inay ku fikiraan inay waxay doonaan samayn karaan. Maroodigii hunguriga badnaa ayaa qaadan jiray dhammaan muuska ku yaalla geedaha muuska, iyaga oo aan waxna uga tagin xayawaanka kale. Xayawaankii kale way murugoodeen sababtoo ah ma helin xataa hal moos oo ay cunaan. Waadna ogtahay waxa uu maroodigu ku sameeyey mooskan faantooda kujira?
Maroodiga ayaa iska imaan jiray tuulo, tuuladii ay ahaataba - waxayna baalashooda u kala fidsan jireen sida roogaa oo kale wayna u fadhiisan jireen qaab dalxiis. Tuulada oo dhami waxaa burburinayey xogga maroodiga. Guryaha dhulka ayey la simi jireen, beerihiina waa baaba'een, dadka tuulada degganaa aad bay uga xumaadeen.
Dadkii danyarta ahaa ayaa aad uga cadhooday burburka loo gaystay guryahoodi, sidoo kale xayawaanki calooshooda madhan ayey aad uga cadhoodeen. Sidaas daraadeed ilaah wuxuu go'aansaday in intan ka badan an loo dulqaadan karin maroodiga. Maroodiyaashan waa ay kibreen oo hunguri weynaadeen waxaa ay noqdeen kuwo ismahadiya, una baahan in cashar loo dhigo!
Ilaah ayaa ku casuumay dhammaan maroodiyaasha xaflad. Wuxuu ku yidhi, ‘Maroodiyada waaweynow, i maqla. Aad baan idiinka mahadcelinayaa inaad iga caawiseen inaan adduunka ka dhigo mid qumman. Marka waxaan rabaa inaan xaflad sameeyo. Usameeyo Maroodiga oo kaliya.’
Dhammaan maroodiyaashii aad bay u farxeen. Maroodi ayaa mid kale ku yidhi, ‘Bal eeg! Xataa ilaah wuu arki karaa sida aan u xoog badannahay iyo geesinimada aan leenahay - iyo sinta aan isaga u qabanay. Waa xaq inuu xaflad noo sameeyo!’
Haddaba maroodiyaashii hunguriga badnaa dhamaantood iyagoo kibir iyo kalsooni ka buuxdo ayey mid mid u yimaadeen xafladda. Sidii ballanku ahaa, ilaah wuxuu siiyay cunnada ugu wanaagsan, waxay ahayd wax aad ubadan! Moos jaale ah oo dhalaalaya, rummaan guduudan oo macaan, seytuun, cambe casiir leh… midho kasta oo aad qiyaasi karto, way yaaleen.
Maroodiyaashii hunguriga badnaa way farxeen. Wayna wada cuneen. Wax kasta oo yaalay.
Markii ay dhammaatay cuntadii ayey maroodiyaashii aad u dhergeen oo mid mid u seexdeen, waxaana hareeraha ka yaallay qolofka mooska oo la tuuray iyo hargaha cambaha. Tani waxay ahayd daqiiqaddii uu ilaah sugayay. Maroodigii u dambeeyay markuu indhaha isku qabtay ayuu ilaahay soo baxsaday mindi aad u weyn. Isagoo aamusan, ayuu u tagay maroodi kasta oo uu baalasha ka gooyay. Waxuuna baalashaas quruxda badan siiyey daa'uusyadii yaryaraa. Daa’uuskii yaryaraa aad bay u farxeen oo waxay u yaaceen kaynta si ay u heesaan oo u dheelaan.

Ma aragtay qoob-ka-ciyaarka daa’uuska, qoob-ka-ciyaarka daa’uuska, qoob-ka-ciyaarka daa’uuska?
Miyaad aragtay qoob-ka-ciyaarka daa'uuska, dhammaan geedaha hareerahooda?
Haa, waan arkay qoob-ka-ciyaarka daa’uuska, Daa’uusku waa qoob-ka-ciyaaraa Daa’uusku waa qoob-ka-ciyaaraa.
Haa, waan arkay qoob-ka-ciyaarka daa'uuska, dhammaan geedaha hareerahooda.
*
Hadda ka fikir maroodiga.
Markii ay ugu dambayntii maroodiyaashii ka soo tooseen hurdadii dheerayd ee ay ku jireen, waxa ay aad uga naxeen markii ay arkeen daa’uuskii quruxda badnaa oo baalashiisa cajaa’ibka leh iyaga ku babinaya. Runtii aad bay u xanaaqeen. Laakiin ilaah ma uhaynin wakhti uu ku maqlo cabashadooda. Taa beddelkeeda waxa uu yidhi, ‘Waxaan rabaa in aad maroodiyaal noqotaan kuwo wanaagsan. Waxaan rabaa inaad xooggiina ka faa'iidaysataan oo aad ku caawisaan dadka tuulada inay dib u dhistaan guryahooda.
Maroodiga ayaa aad uga xishooday waxa ay sameeyeen. Waxay go'aansadeen inay caawiyaan dadka tuulada intii karaankooda ah. Marka ilaa maanta tuulo kasta waxa ku sugan maroodi yimaada oo hadana taga oo dadka caawinaya marka ay dhinac maraan.