KidsOut World Stories

Dick Whittington iyo Bisaddiisa    
Previous page
Next page

Dick Whittington iyo Bisaddiisa

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Dick Whittington iyo Bisaddiisa

Sheeko Ingiriisi

 

 

 

 

 

*

Bari hore waxaa jiri jiray wiil sabool ahaa oo la oran jiray Dick Whittington oo aanan lahayn hooyo iyo aabbe isaga daryeela markaa badi aad ayuu u gaajaysnaa. Waxuu ku noolaa tuulo yar ee baadiye. Waxuu badi sheekooyin ku maqli jiray meel fog oo la oran jiray London oo ay dadkoo dhan qani ku ahaayeen oo uu dahab dariiqyada yaallay.

Dick Whittington waxuu go'aansaday in uu halkaas tagi doono oo uu dariiqyada ka soo qodi doono dahab ku filan si uu ugu taajiro. Maalin waxuu la kulmay gaarifarasle saaxiibtinimo lahaa oo u socday London oo u sheegay in uu isaga halkaas u qaadi doono, markaana way dhaqaaqeen.

Markii ay gaareen magaalada weyn Dick waxuu rumaysan waayey indhihiisa, waxuu arkayey farasyo, gaarifarasyaal, boqollaal qof, dhismeyaal waaweyn oo dhaadheer, dhoobo badan, laakiin dahab meelna kuma arkin. Maxaa wax laga xanaaqo ah, sidee ayuu u taajiri doonaa? Sidee ayuu xataa u iibsan doonaa cunto? 

Xoogaa maalmood ka dib, aad ayuu u gaajaysnaa waxuuna iskugu dul dhacay albaabka aqalka ganacsade qani ahaa. 

Waxaa aqalka ka soo baxday dabbaakhad: 'Meesha ka dhaqaaq!' ayay ku qaylisay. 'Dibadjoogyahow wasakhda ah!' Waxayna isku dayday in ay isaga ku xaadho mafiiq oo ay kaga dejiso jaranjarada. 

Waqtigaas ganacsadaha ayaa aqalkiisa ku soo noqday oo, maadaama uu ahaa nin naxariis leh, waxuu ka naxay miskiinka Dick.

'U qaad aqalka,' ayuu ku amray fardo hayihiisii. 

*

Markii uu cunteeyey ee uu nastay, waxaa Dick shaqo laga siiyey jikada. Waxuu aad ugu maqsuuday ganacsadaha laakiin, nasiib darro, dabbaakhadda ayaa marwalba dabeecad xumayd oo, marka uusan qofna eegayn, isaga ayay garaaci jirtay oo ay qanjiirin jirtay. 

Waxaa kaloo Dick qiiro geliyey in uu seexan jiray qol aad u yar oo halka ugu sarraysa kaga yaallay aqalka waxaana ka buuxay doolli iyo jiir wada dul ordayey wajigiisa oo isku dayayey in ay qaniinaan sankiisa.

Aad ayay xaaladdiisu u xumayd waxuuna dhigtay dhammaan qaddaadiicdiisii waxuuna soo iibsaday bisad. Bisaddu way cajiib badnayd, waxay ahayd bisadda dhammaan London ugu fiican in ay qabato jiirka iyo doollida. Xoogaa toddobaad ka dib, nolosha ayaa Dick aad ugu fududaatay sababtoo ah bisaddiisa caqliga lahayd oo cuntay dhammaan doollidii iyo jiirkii waxuuna awooday in uu nabad ku seexdo. 

Waqti gaaban ka dib, Dick ayaa maqlay ganacsadihii oo dhammaan dadka aqalka joogay weydiinayey haddii ay rabaan in ay isaga u dhiibaan waxyaabo ay u maleeyaan in uu iibin karo. Markabka ayaa u baxayey safar dheer oo ku tagayey dunida dhinaceeda kale waxuuna wadaha markabku iibin doonaa wax walboo markabka saaran si ay dhammaantood lacag u helaan. Miskiinka Dick, maxuu iibin karaa? 

Markaaba, fikrad ayaa isaga ku soo dhacday. 

'Mudane fadlan, bisaddayda ma qaadi kartaa?' 

Qof walba ayaa qosol la qarxay, laakiin ganacsadihii wuu ilka caddeeyey waxuuna yiri: 'Haa Dick, waan qaadi, oo adiga ayaa qaadan doona dhammaan lacagta aan ka helo marka aan iibiyo.'

Ka dib markii uu ganacsadihii ka tagay magaalada, Dick ayaa mar kale kelidiis ahaa iyadoo jiirka iyo doollidu ay isaga dul ordayeen habeenkii oo dabbaakhadda ayaa ugaba sii xumayd maalintii maxaa yeelay ma joogin qof iyada ka celin kara. Dick ayaa go'aansaday in uu iska cararo. 

Intii uu sii socday, jalasyada dhammaan kaniisadaha ayaa dhawaaqay oo u muuqday in ay leeyihiin: 

Mar kale dib u laabo Dick Whittington
Saddex jeer Duqa Sayidka London

'Allah, yaa ilaahi, cajiib!' ayuu ku fikiray Dick, isagoo yaabay. 'Haddii aan noqon doono Duqa Sayid waxaa ka fiican in aan iska joogo. Waxaan u adkaysan doonaa dabbaakhadda iyo jiirka iyo doollida ordaya, oo marka aan Duqa noqdo wax ayaan iyada tusi doona!' 

Markaa dib u noqay. 

*

Dunida dhinaceeda kalena, ganacsadihii iyo markabkiisii ayaa gaaray halkii ay u socdeen. Dadku aad ayay ugu farxeen in ay iyaga arkaan oo si fiican ayay u soo dhaweeyeen waxuuna ganacsaduhu go'aansaday in uu hadyado u diro boqorkooda iyo boqoraddooda.

Boqorka iyo boqoradda ayaa aad ugu riyaaqay waxayna dhammaantood ku casuumeen xaflad cunto. Laakiin, haddii la rumaysan karo, islamarkii cuntada la keenay ayay soo baxeen boqollaal jiir sidii wax sixir ah wayna wada liqeen ka hor inti aanay dadku fursad u helin in ay cunaan.

Allah yaab, 'ayuu yiri boqorkii,' tani marwalba ayay dhacdaa – marna fursad uma helo in aan cuno keeggayga tufaaxa. Maxaan samayn karaa?

'Fikrad ayaan hayaa,' ayuu yiri ganacsadihii. 'Waxaan hayaa bisad cajiib badan oo aniga iga soo raacday ilaa iyo London, waxayna jiirkaaga u wada liqi doontaa si ka dhakhso badan sida ay iyagu u wada liqeen cuntadaada.' 

Si hubaal ah, iyadoo ay ku farxeen boqorkii iyo boqoraddii, markii xigay ee cuntada la soo diyaariyey ee ay jiirku soo baxeen, bisaddii ayaa soo boodday oo wada dishay jiirka sidii hillaac.

Boqorkii iyo boqoraddii ayaa farxad ku ciyaaray oo ganacsadihii siiyey markab dahab ka buuxo oo ay ka siiyeen bisadda cajiibka badan. 

Markii uu markabkii ku noqday London, Dick ayaa la dhacay qiyaasta dahabka ee uu ganacsidihii u siiyey bisaddiisii. Sanadihii ka dambeeyey si caqli leh ayuu lacagtiisii u isticmaalay, waxuuna wax badan oo fiican u qabtay dhammaan dadkii isaga ag joogay ee u shaqaynayey, waxaana markaa loo doortay Duqa Sayidka ee Magaalada London saddex jeer. Laakiin weligiis ma illaawin saaxiibkiisii naxariista lahaa ganacsadihii, ee si daacad badan isaga u siiyey dhammaan lacagtii ay bisaddii u keentay ee aanan waxba ka reebanin. 

Markii uu Dick koray waxuu jeclaaday Alice, gabartii quruxda badnayd ee ganacsadihii, wuuna guursaday. Weligood ayayna ka dib farxad ugu wada noolaayeen, sida ay yihiin dadka sheekooyinka ku jira. 

Mar kale dib u laabo Dick Whittington
Saddex jeer Duqa Sayidka London 

Sax ayay ahaayeen ma aragtaa.

Enjoyed this story?
Find out more here