Hansel iyo Gretel
A free resource from
KidsOut - the fun and happiness charity
This story is available in:
This story is available in:
Beri baa waxaa jiray nin liita oo miskiin ah oo geedo-jare ah. Waxa uu ku noolaa tuulo yar oo u dhaw kayn isaga iyo labadiisa caruur iyo xaaskiisa labaad. Carruurta waxa la odhan jiray Hansel iyo Gretel. Hansel wuxuu ahaa Gretel walaalkeeda weyn.
Maalin maalmaha ka mid ah, ma aysan helin cunto ay cunaan. Xaaskii ninkii geeda- qoraha ayaa ku tidhi waa inaynu carruurta u dirnaa kaynta. Waxay rabtay inay waligood lumaan. Markaas iyada iyo geedo-jaraha waxay heli lahaayeen cunto badan oo ay cunaan.
Hansel wuxuu maqlay hadalka edadiisa aan fiicneyn . Banaanka ayuu u baxay oo jeebadaha ayuu ka buuxsaday quruurax yar yar oo cadcad.
Maalintii danbe ayaa ninkii geeda-qoraha ahaa iyo xaaskiisii caruurtii u kaxeeyeen kaynta. ninkii geeda-qoraha kuma faraxsanayn inuu ka tago caruurtiisa, laakiin xaaskiisa ayaa ku khasabtay.
Sidaa darteed Hansel iyo Gretel keligood ayaa laga tagay.
Habeen baa galay oo qabow ayey noqotay. Gretel waxay bilowday inay ooyso.
"Ha werwerin," ayuu yidhi Hansel, "gacanta i qabso, waxaan ina geynayaa guriga."
Markii ay subaxii hore kaynta soo galayeen, ayuu Hansel ku daadsaday raad dhagaxyo cadcad ah. Nasiib wanaag, dayaxa ayaa dhalaalayay oo wuxuu iftiimiyay dhagxaantii cadcadaa. Carruurtu waxay u raaceen jidka guriga.
Xaaskii geeda-qoraha ayaa xanaaqday markay aragtay carruurta. Waxay ku qaylisay ninkeedii oo u sheegtay inuu carruurta ku celiyo kaynta oo uu lumiyo.
Geeda-qorahii waa uu xanaaqay laakiin wuxuu ka baqay xaaskiisa. Wuu aqbalay waxa ay ku amartay. Markii albaabka laga soo saaray, Hansel wuxuu qabsaday xabbad rooti ah. Markii ay dib ugu soo laabteen kaynta, Hansel waxa uu daadiyey jajabyo rooti ah. Waxa uu rajaynayay in uu mar kale raadkaasi dib u raaco.
Markii ay soo galeen kaynta bartankeeda, aabbaha carruurta ayaa cudur daar u sheegay oo u sheegay inay tahay inuu ka tago.
Haddana, habeen baa soo galay oo markan dayax ma jiro. Carruurtu waxay ku soo urureen geed weyn hoostiisa, wayna seexdeen ilaa subaxdii.
"Ha werwerin," ayuu yidhi Hansel maalintii xigtay. "Waxaan raaci doonnaa raadkii rootiga gurigana waan tagi doonnaa.”
Laakiin raadkii rootiga ma jirin. Hansel kama fikirin shimbiraha cuni doona jajabyada rootiga. Markan runtii carruurtu way lumeen.
Carruurtu waxay dhex-wareegeen kaynta. Muddo dheer ka dib, waxay heleen guri yar oo kaa qosliyo oo ku dhex yaala geedaha dhexdooda. Waxa ay u ekayd in laga sameeyey rooti sinjibiil ah oo lagu dhammeystiray dhalaal.
Hansel qayb ayuu ka jabsaday gidaarka. Wuu cunay - waxay lahayd dhadhan fiican! Kadib Gretel ayaa qayb ka jabsatay daaqadda. Aad bay u dhadhameysay! Waxay jabsadeen qaybo badan: buskut, doolsho iyo nacnac.
Isla markiiba, albaabkii ayaa furmay, waxaana ka soo baxday islaan waayeel ah. Ma ahayn islaan da' ah oo naxariis leh… ah maya! Saaxirad bay ahayd!
"Wax badan oo aad cuntaan qaata," saaxiraddii ayaa tiri. "Soo gala!”
Hansel iyo Gretel waxay ku faraxsanaayeen inay helaan wax badan oo ay cunaan. Saaxiraddu waxay siisay Hansel iyo Gretel cunto badan. Waxay siisay wax badan, badan oo ay cunaan! Waxay siisay wax aad u badan oo ay cunaan!
Saaxiraddi sharka ahayd waxay qorsheeysay in ay labada carruur foornada ku dubato oo ay cunto! Si kastaba ha ahaatee, waxay isdhahday way ka dadhan fiicnaanayaan haddii ay buurnaan lahaayeen . Waxay rabtay inay quudiso oo ay cunto markay buurtaan. Maalin kasta toddobaadyo, saaxiraddu waxay carruurta siin jirtay cunto badan.
Waxay Gretel ka dhigtay in ay nadiifiso guriga, waxayna Hansel ku xidhay qafis. Habeen kasta waxay waydiisan jirtay inay farta Hansel tuujiso si ay u hubiso in uu buurtay.
Saaxiraddu si fiican wax uma arki karin. Waxay u baahnayd inay dareento farta Hansel halkii ay isaga kaliya eegi lahayd. laakiin, Hansel wuxuu ahaa mid caqli badan. Lafo digaag oo hore ayuu jeebkiisa ku haystay. Habeen kasta, wuxuu u dhiibaa saaxiraddi in ay tuujiso lafahaasi halkii ay tuujin lahayd fartiisa. Saaxiraddu way ka cadhootay in Hansel aanu weligii u muuqan mid buuran doona.
Maalin maalmaha ka mid ah saaxiraddi ayaa ku daashay sugitaanka Hansel si uu u buurto. Foornadii ayay shidatay si ay wiilka u dubato oo ay u hesho cunto dhadhan fiican.
Albaabka foornada ayay furtay oo gudaha u eegtay si ay u hubiso in uu kulul yahay. Markii ay saaxiraddu hoos u foorarsatay, Gretel waxay ku orday qolka, saaxiraddi ayeyna ku riday gudaha foornada. Inantii yarayd waxay xirtay albaabka foornada! QAWW! Saaxiraddii baa dabin ku dhacday!
Gretel ayaa baadhay guriga rootiga sinjibiisha. Waxaa ka buuxay doolsho iyo macmacaan. Qol ka mid ah, waxay ka heshay sanduuqyo dahab ka buuxo. Gretel waxay heshay furaha qafiska Hansel.
Walaalkeed ayay kasoo fakisay qafiska. Dahab intii ay qaadi kareen ayay caruurtii jeebka ka buuxsadeen, wayna dhaqaaqeen.
Laba maalmood oo dhan, carruurtu waxay baadhayeen kaynta. Ugu dambayntii, waxay heleen gurigoodii waxayna arkeen aabbahood! Wuu ku farxay markuu arkay, wuxuuna u sheegay in eedadood ay tagtay.
Hansel iyo Gretel waxay heleen gurigoodii. Waligood gaajo iyo faqiirnimo midna ma helin.