KidsOut World Stories

Baska Dugsiga Anonymous    
Previous page
Next page

Baska Dugsiga

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

 

 

Baska Dugsiga
 

 

 

 

 

 

 

 *

Waxa uu Joaquin England ugu jeclaa ayaa ahaa baska. Isaga iyo hooyadiis ayaa baska maalin walba u qaadan jiray dugsiga cusub ee Joaquin. Waxuu jeclaa in uu rakaabka kaladuwan eeg eego.

Kuraasta intooda ugu badan waxaa ku fadhiyey dad shaqada u socda. Waxay xirnaayeen dhar quruxsan waxayna siteen boorsooyin iyo shandado. Kuraasta kale waxaa ku fadhiyey carruurta dugsiga sida Joaquin. Kuwaas intooda ugu badan ayaa ka weynaa oo xirnaa yuunifoomyo isku siman. 

Rakaabka uu Joaquin ugu jeclaa waxaa ka mid ahayd haweeney timo caddayd. Ey yar oo bunni ah ayay ku sidatay boorsadeeda. Haweeneyda ayaa u sheegtay in eygu uu walwal qabo. Joaquin ayaa marwalba hubinayey in uu kaas aayar u taabto. 

Joaquin Ingiriisiga kuma fiicnayn, laakiin hooyadiis ayaa in badan taqaannay. Marka ay baska fuulaan, waxay weydiinaysay noolka. Darawalka baska ayaa tigidhadooda u daabacayey. 

Subax walba waxay dhihi jirtay, ‘Labo soo noqod leh ilaa Blackfriars.’ Marka ay baska ka degaan, waxay hubinaysay in Joaquin uu yiraahdo ‘mahadsanid in badan.’ Ereyada ayaa si kale ula eekaa, laakiin waxuu bartay in uu iyaga ku dhawaaqo, markii uu ku celceliyey. 

Inta ugu badan ardayda joogay dugsiga Joaquin waxay ahaayeen Ingiriis. Waxuu badi keligiis dhinac ka fadhiyey qolka fasalka. Macallimaddiisa ayaa saaxiibtinimo lahayd, laakiin Joaquin xishood ayuu lahaa. Waxuu ku jawaabayey hal erey oo gacanta ma taagayn. Waxuu ka walwal qabay in uu wax qalad ah ku yiraahdo af Ingiriisi. Waxuu necbaa in uu isku qaso naxwaha ama wax si qalad ah ugu dhawaaqo. Joaquin waxuu rabay in uu si wada fiican u barto af Ingiriisiga ka hor inta aanu ku hadlin, laakiin weligiis fursad uma qaadanin in uu ku celceliyo. 

Bilowgii bishii Diisembar, Joaquin hooyadiis ayaa hargab qaadday. Dhar adag ayay xiratay waxayna u xirtay Joaquin. Waxay qoorteeda ku duubtay iskaaf dheer. Joaquin qabow wuu soo maray, laakiin jiilaalka Ingiriiska ayaa qabow badnaa oo madoobay. 

Dabayshu waxay goosanaysay caarada farihiisa. Intii ay istaagga baska u lugaynayeen, hooyadiis ayaa qarqaraysay oo qufacaysay. Joaquin ayaa qabtay faraheeda qaboobay. 

Baskii ayaa yimid, waxayna sugeen inta ay rakaabka kale fuulayaan. Joaquin hooyadiis ayaa mar kale qufacday oo ku tiri, ‘Noolka weydii, Joaquin.’ 

Joaquin ayaa neef dheer qaatay. Waxuu u tallaabsaday baska waxuuna eegay hareeraha. Sida caadiga ahayd, dad badan ayaa saarnaa. Waxay ku jeedeen telefoonnadooda ama buugaagtooda. Haweeneydii da'da ahayd iyo eygeedii oo keliya ayaa soo eegayey. Haweeneydii waxay u ilka caddaysay Joaquin. 

Isagoo kalsooni isku yara kiciyey, waxuu Joaquin eegay darawalka baska waxuuna codkiisii ugu edeb badnaa ku yiri, ‘Labo tigidh ilaa Blackfries.’

Darawalkii baska ayaa isaga hoos u soo eegay, isagoo jahwareersan, ‘Blackfries?’

Joaquin wajigiisii ayaa casaan isku rogay, ‘Ilaa Blackfries. Dugsigayga ayaa ku yaalla Blackfries.’ 

‘Miyaad u jeeddaa Blackfriars?’ 

‘Haa,’ ayuu Joaquin madaxa kor iyo hoos ugu ruxay. 

Rakaabka kale qaarkood ayaa indhaha ka soo toosiyey telefoonnadoodii. Waxay u muuqdeen in ay dhibsanayeen dib u dhaca uu Joaquin keenay. Markii Joaquin hooyadiis ay bixisay lacagtii tigidhadooda, waxuu qabsaday gacanteeda waxuuna qariyey wajigiisii. 

Joaquin ceeb ayuu dareemay. Waxuu isku dayey in uu hooyadiis caawiyo, laakiin wuu ku fashilmay. Isagoo sanka neefta ku jiidaya, waxuu Joaquin dhulka eegayey intii ka hartay socdaalka. Markii ay baska ka degeen, Joaquin ‘mahadsanid’ kuma dhihin darawalkii baska sidii caadiga u ahayd. Hooyadiis ayay khasab ku noqotay in ay laftiigeedu u mahadceliso darawalka.

Intii maalintaas ka hartay, Joaquin waxuu ka aamusnaan badnaaba sida caadiga ahayd. Iskuma dayin in uu la hadlo macallimaddiisa, inkastoo ay isaga taas ku dhiirrigelisay. Isagu niyad uma haynin in uu hadlo maxaa yeelay waxuu ka baqayey in uu qalad kale sameeyo. 

Markii ay Joaquin hooyadiis isaga ka soo qaadday dugsiga, waxay ka roonayd sidii ay subaxdaas ahayd. 

Waxay u ilka caddaysay Joaquin markii uu iyada hab siiyey, ‘Maalintaadu ma fiicnayd?’ 

Joaquin uma jawaabin. 

Hooyadiis ayaa agtiisa jilbaha dhigtay waxayna aayar ugu salaaxday timaha, ‘Joaquin, maxaa dhacay?’ 

‘Waxaan maalintoo dhan ka xishoonayey oo aan ka walwalayey af Ingiriisiga. Waxaan isku dayey in aan adiga ku caawiyo, laakiin waan kari waayey. Waxaan rabaa in aan si wada fiican ugu hadlo af Ingiriisiga, laakiin waxaan ka baqaa in aan hadlo. Waxaa fududaan lahayd in qof walboo England jooga uu ku hadlo af Isbaanish ama wax aan anigu fahmi karo. Aad ayay u adag tahay. Waxaan rabaa in aan iska hooydo.’ 

Joaquin hooyadiis ayaa si fiican u dhegeysatay. 

Markii Joaquin uu hakaday si uu ilmada iskaga masaxo, waxay tiri, ‘Dhib ma leh, macaane. Waqti ayay qaadataa si waxyaabo cusub loo barto. Taas waan fahmayaa. Waxaad tahay wiil fiican haddii aad rabto in aad aniga i caawiso. Mahadsanid.’ 

Foodda ayay isaga ka dhunkatay, ‘Uma baahnid in aad qof wada fiican noqoto. Ma jiro qof wada fiican. Waxaad u baahan tahay uun in aad isku kalsooni qabto.’ Way ilka caddaysay, ‘Si fiican ayaad wax u waddaa, oo anigu sharaf ayaan adiga kugu qabaa. Ha quusanin, Joaquin.’

Joaquin ayaa madaxa kor iyo hoos u ruxay. 

Intii ay istaagga baska u socdeen, waxuu isagu ka fikiray ereyadii hooyadiis waxuuna fahmay in ay sax ku joogto. Xataa dadka ugu fiican ayaa mararka qaar wax qasa oo qaladaad sameeya. Joaquin waxuu u maleeyey in sababta ay ugu fiican yihiin ay tahay in ay sara kacaan oo ay dib iskugu dayaan maalinta ku xigta. Haddii uu u dhawaaqo si kalsooni leh oo uu madaxiisa kor u taago, markaa wax kaste ayuu samayn karaa. 

Baskii ayaa yimid si uu iyaga guriga u geeyo. Baska ayaa mar kale buuxay, waxuuna Joaquin arkay dad suudhadh xirnaa, carruurta dugsiga, iyo haween sitay ey, dhammaantood ayaa wada hadlayey ama ku hadlayey telefoonnadooda. Waxay ku hadlayeen kalsooni, oo haddii ay qalad sameeyaan, way iska qoslayeen uun. 

Markii uu basku gaaray istaaggoodii, Joaquin iyo hooyadiis ayaa baska ka degay, oo Joaquin ayaa u jeestay dhankii darawalka baska oo si cad, oo kalsooni leh u yiri ‘Mahadsanid!’ 

Darawalkii baska ayaa u ilka caddeeyey oo mahadcelin ku soo celiyey. Intii ay Joaquin iyo hooyadiis guriga u lugaynayeen, waxuu go'aansaday in qaladaadku aanay sidaasba u xumayn. 

Enjoyed this story?
Find out more here