KidsOut World Stories

Maska Qaansada roobka    
Previous page
Next page

Maska Qaansada roobka

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Maska Qaansada roobka

Sheeko Aborijiin oo ka timid Austaraaliya

 

 

  

 

*

Bari hore Waqtigii riyada koox Aborijiin ah ayaa ugaarsi u baxay. Saacado badan ka dib, way daaleen waxayna go'aansadeen in ay nastaan oo intii ay meel wada fadhiyeen, oo ay sheekooyin tirinayeen oo ay gacmahooda ku diirsanayeen dabka, mid ka mid ah ayaa kor eegay. 

Halkaas meel ili ku wareertay ah waxaa ka muuqatay qaanso qurux badan oo midabyo badan – qaanso roob. Laakiin Aborijiinka ayaa u maleeyey in uu ahaa mas u kala gudbayey kolba god biyo leh wayna ka argagaxeen maxaa yeelay ma rabin in maskaas aad u weyn ee midabyo dhalaalaya uu soo galo god biyo leh oo u dhow xeradooda. Laakiin waxay ku maqsuudeen in uusan u muuqanin in uu aad ugu soo dhawaanayo godka biyaha leh ee ay iyagu joogeen. 

Hal nin oo da' yar, ayaa rabay in uu wax kale ka ogaado Maska Qaansada roobka oo markii uu guriga dib ugu noqday, raggii duqayda ahaa ee qabiilkiisa ayuu weydiiyey sababta ay ugaarsadeyaashu uga baqeen Maska Qaansada roobka.

Raggii duqayda ahaa ayaa isaga u sheegay in Maska Qaansada roobku uu ka mid yahay nafleyda lagu abuuray Waqtigii riyada ee qaabka u yeelay Dhulka. 

Bilowgii Dhulku wuu fidsanaa. Markii uu Maska Qaansada roobku isku duubay ee uu wada maray dhulka, dhaqdhaqaaqa jirkiisa ayaa dhisay buuraha iyo bananka ay wabiyadu ku noolaayeen. Waxuu ugu weynaa Nooleyaasha Waqtigii riyada oo quwaddiisa ayaa xataa cabsi gelisay Nafleydii kale ee Waqtigii riyada.

Ugu dambayntii, markii uu ka daalay dadaalkii uu qaabka ugu yeelay Dhulka, Maskii Qaansada roobka ayaa guurguurad ku galay god biyo leh halkaasoo uu dhex jiifay biyaha qabow ee isaga qaboojiyey ee jilciyey midabyadii dhalaalayey ee jirkiisa. 

Mar kastoo ay xayawaanku booqdaan godka biyaha leh, waxay iska ilaalinayeen in ay biyaha qasaan, maxaa yeelay inkastoo aanay isaga arki karayn haddana halkaas ayuu joogay. 

Waxuu soo bixi jiray oo keliiya ka dib dabaylaha roobka badan marka godkiisa biyaha leh la qaso iyo marka ay cadceeddu taabato jirkiisa midabyo leh. Markaana waxuu ka kici jiray godka biyaha leh waxuuna dul mari jiray korka geedaha, waxuu u kici jiray daruuraha waxuuna ka gudbi jiray banka si uu u tago god kaloo biyo leh.

Dadka ayaa ka baqayey in uu caraysan yahay oo uu dhulka mar kale rogi doono markaana way aamusnaayeen oo ma dhaqaaqayn ilaa uu isagu u guuro gurigiisa cusub. Marka uu halkaas gaaro waxuu dib ugu libdhayey biyaha hoostooda oo lama arkayn. 

Taas awgeed ayay Aborijiinku iskaga ilaaliyaan in aanay qasin Maska Qaansada roobka, marka ay arkaan isagoo maraya cirka, oo u gudbaya kolba god biyo leh. 

Enjoyed this story?
Find out more here