KidsOut World Stories

Joha iyo Dameerkiisa    
Previous page
Next page

Joha iyo Dameerkiisa

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Joha iyo Dameerkiisa 

 

 

 

 

 

 

*

Maalin ayaa, Joha wuxuu waday dameerkiisa ee wadada suuqa. Wiilka Joha wuxuu dhinac lugeeyay dameerka, isaga oo hayo xariga oo la hadlayo aabihiisa.

Markii aabaha iyo wiilka dhaafeen koox yar oo dad ah ee usugu yimid dhinaca taraaga, dadka way dhaleeceeyeen Joha.

Waxay ku dhaheen ninkii waayeelka ahaa, ‘Sidee ayaad u noqon kartaa qalbi adkaantaas, Joha?
Sidee u raaci kartaa dameerka iyada oo wiilkaaga ku qasbanyahay inuu dhinac lugeeyo?’

Markii Joha maqlay erayadaan wuu ka soo dagay oo wiilkiisa kor saaray dhabarka dameerka ee booskiisa.

Joha iyo wiilkiisa waxay sii wadeen safarkooda, oo Joha dhinac lugeynayo dameerka, isaga oo ku hayo xariga gacantiisa iyaga oo ku sii socdo dhinacyada suuqa.

Hal maayl ee wadada, Joha wuxuu dhaafay koox yar oo dad dumar ah ee isugu yimid dhinaca ceelka.

Markii naagta aragtay Joha aad ayay u naxsanaayeen. Waxay weydiiyeen isaga, ‘Waa sidee in nin waayeel ah lugeeyo iyada oo wiilkiisa yarna saaranyahay dameerka? Xaqiiqdii tani sax ma ahan!’

Marka Joha wuxuu la fuulay dhabarka dameerka wiilkiisa oo waxay sii wateen safarkooda.

Waxaa la sii galaayey galab dambe, quraxda waxay ka dhalaaleysay cirka oo aad ayay u kululeyd, laakin weli Joha iyo wiilkiisa way sii wateen safarkooda oo dhinacyada suuqa ah.

Dameerka wuxuu u socday si aad u tartiib ah sababtoo culesyka aabaha iyo wiilka ee dhabarka saaran, laakin qofna ma dhaleeceyn illaa ay u soo dhawaadaan koox dad ee isugu yimid geeska magaalada halkaas oo suuqa ku yaalay. Dadka waxay ku tilmaameen diidmada markii ay arkeen Joha iyo wiilkiisa oo labada saaran dhabarka dameerkii yaraa kaas oo si tartiib ah u socday sida ay sababtay culeyska aabaha iyo wiilka.

‘Maxaad labadiinaba u raacdeen dameer sidaas u yar?’ waxay ku dhaheen Joha. ‘Miyaadan arkin inaad aad u culustahay oo iyo dameerkaaga uusan taageeri karin culeyska?’

‘Waxay illa tahay waxaa wanaagsan haddii aan labadeenaba ka degno dameerka iyo socodka,’ Joha ayaa ku yiri wiilkiisa. ‘Qaabkaas ma jiro qof wax nagu dhihi karo markale.’

Marka Joha iyo wiilkiisa way ka dageen dameerka. Joha ayaa qabtay xariga si markaas u hogaamiyo dameerka oo ula lugeeyay wiilkiisa dhinacyada goobta suuqa ee xarunta tuulada.

Laakin markii Joha yimid goobta suuqa, dad badan ayaa ku qoslay oo dhaleeceeyay oo ku madadaalay ninka waayeelka ahaa.

‘Muxuu nacas yahay!’ ayay ku dhawaaqeen. ‘Nin noocee ayaa leh dameer oo weli la lugeeyo wiilkiisa markii ay aheyd inay raacaan?’

Joha kuma xanaaqin dadka sababtoo ah wuxuu ogaaday inaysan suurtogal aheyn in la qanciyo qof walba marwalba, oo laga yaabo inay u wanaagsaneyd qof walba inuu go'aansado sida ku noolaado noloshiisa.

Enjoyed this story?
Find out more here