Dawacii iyo Cantalyaagii
A free resource from
KidsOut - the fun and happiness charity
This story is available in:
This story is available in:

Dawaca iyo cantalyaagu waxay ku noolaayeen duurka.
Maalin maalmaha kamid ah, dawacii ayaa cunto ku martiqaaday cantalyaagii.
‘Marwo Cantalyaa, berri laba iyo tobanka duhurnimo imow,’ ayuu yiri.
Cantalyaagii aad bay u faraxday waxayna maalinkii xigtay aadday godkii dawaca.
Dawacii ayaa siiyay suugo aad u macaan. Wuxuu ku siiyay saxan fidsan.
‘Udgoon wacanaa!’ ayay tiri cantalyaagii.
Cantalyaagii waxay isku dayday inay wax cunto laakiin dhibaato ayaa jirtay. Afka dheer ee cantalyaagu xaataa masoo qaadi karin waxyar oo ay qaniinto. Saxanku wuxuu ahaa mid aad u fidsan.
‘Alla! Ceeb badanaa!’ dawacii ayaa ku qayliyay. ‘waxaa loo baahan yahay inaan cuntada anigu kuu cuno.’
Dawacii wuxuu cunay suugadii oo dhan.
Cantalyaagii guriga ayay aadday. Ayada oo gaajaysan.
‘Hmm,’ waxay is tiri. ‘Dawacu waa mid dhaqan xun. Maxaan sameeyaa si aan cashar u baro?’
Muddo xoogaa ah ayay fakartay. ‘Ha!’ ayay ku qaylisay. Fikrad ayaan helay.’
Waxay ku laabatay dawacii waxayna ku casuuntay inuu gurigeeda wax kula cuno.
‘Imow berri duhurkii, Mudane Dawac,’ ayay ku tiri.
Kaddibna gurigii ayaay aaday si ay u diyaariso maraq macaan.
Dawacii waa uu farxay. Wuxuu yimid gurigii cantalyaaga laba iyo tabanka duhurnimo maalintii xigtay.
Maraqii waxaa lagu siiyay weel dhuun dheer oo toosan leh. Dawacu maraqa ma gaari karin aad ayuuna u gaajaysnaa.
‘Alla! Ceeb badanaa!’ cantalyaagii ayaa ku qaylisay. ‘waxaan isku dayayaa inaan anigu cuntadaada kuu dhamaysto.’
Cantalyaagii waxay afkedii dheeraa galisay weelkii kaddibna waxay cabtay maraqii oo dhan.
‘Ninba waa markiisa!’ ayay cantalyaagii ku qaylisay.
Dawacii wuxuu guriga aaday asaga oo waji gabax la kulmay.
Enjoyed this story?