Dherigii Boorashka ee Mucjisada ahaa
A free resource from
KidsOut - the fun and happiness charity
This story is available in:
This story is available in:
Gabar faqiirad ah ayaa hoyadeed kula noolayd magaalo. Waa ay gaajaysnaayeen, laakiin ma aysan haysan wax ay cunaan.
Gabadhii ayaa tiri ‘waxaan aadayaa duurka si aan uga soo raadiyo likaha iyo miro.’
Waxay meeshii kula kulantay islaan da’ ah waxayna ku tiri, ‘Qaado dherigaan. Marka aad dheriga ku dhahdo: ‘dheriyow kari!’ wuxuu kuuu karinayaa boorash macaan.
Marka aad ku dhahdo ‘Dheriyow jooji!’ wuu joojinayaa wax karinta.’
‘Mahadsanid, aad baad u mahadsantahay,’ ayay tiri gabadhii, waxayna guriga u qaadatay hadiyaddii.
Markii ay guriga timid gabadhii waxay tiri ‘Dheriyow kari!’
Boorashku wuxuu ahaa mid macaan oo dhadhan leh ugu danbaynna hooyadii iyo gabadhiiba waa ay ka dhargeen.
‘Dheriyow jooji!’ ayay tiri gabadhii, dherigiina wuxuu joojiyay boorashkii.
Maalin maalmaha kamid ah gabadhii ayaa bookhatay saaxiibadeed. Xoogaa kadib, hooyadeed ayaa gaajootay, sidaa darted waxay tiri ‘Dheriyow kari!’
Hooyadii ayaa cuntay, laakiin markii ay ka dharagtay boorashkii, waxay ilowday ereygii saxda ahaa ee ay ku joojin lahayd dheriga.
Dherigii wuu karay…oo wuu karay… oo wuu karay! Waxaa jikadii islamarkiiba ka buuxsamay boorashkii! Waddadii iyo guriyihii dariska waxaa ka buuxsamay boorash!
Ugu danabayn gabadhii ayaa guriga kusoo laaabatay.
‘Dheriyow jooji!. Ayaay ku qaylisay gabadhii.
Dherigii wuxuu joojiyay karinta boorashkii, laakiin dadkii aya aku khasbanaaday inay boorash fara badan cunaan si ay guryahooda dib ugu soo noqdaan!
Enjoyed this story?