KidsOut World Stories

Habaarkii Vasconcelos Monteiro    
Previous page
Next page

 

 

 

 

Habaarkii

Sheeko Burtaqiis ah

 

 

 

 

 

*

Waqti hore oo aad u fog, waxaa jirtay tuulo yar oo ku taala cidhifka kaynta weyn. Tani waxay ahayd tuulo nabdoon inta badan, laakiin dadka tuuladu waxay ku noolaayeen cabsida ay ka qabeen Lobisonka, kuwaas oo la sheegay inay si qoto dheer u deggan yihiin gudaha kaynta. Lobisonku waxay ahaayeen makhluuq madow, badh nin iyo badh yeey ah, dayax buuxa kastana waxaa la sheegaa makhluuqan inuu ka soo gurguuran jiray kaynta iyagoo raadinaya hilib dad.

Laakiin sidee buu makhluuqan oo kale ku yimaaday? Taasi  way sahlan tahay: Habaarka ku dhaca  wiilka toddobaad ee qoys kasta u dhasha. Inkaartan gabdhaha kuma dhici jirin, laakiin haddii hooyadu ay toddoba wiil dhasho, markaas wiilashan midka ugu dambeeya waxuu hubaal noqon doonaa Lobison.

Markii Filipe uu dhashay hooyadii waa baqday. Waxay rajaynaysay gabadh, maysan rajeyneynin wiil toddobaad, laakiin Filipe hooyadiisa waxay ahayd mid naxariis badan oo jecel, ma ay doonaynin inay dhabarka u jeediso ilmaheeda, iyada oo aan u eegin waxa dadka tuulada ku nool ay ka sheegeen habaarka.

Sannado badan ayaa nabad ku dhamaaday. Filipe waxa uu noqday wiil adag oo ay aad u jeclaayeen hooyadii iyo aabihiis iyo lix walaalo ah. Laakiin Filipe waxba kama qaban karin markuu ogaaday in loola dhaqmay si ka duwan sidii walaalihiis. Iskool ma aadin waayo macalinku ma ogola. Tani ma ahayn cadaalad sababtoo ah wiilka yari wuxuu jeclaa barashada waxyaabo cusub wuxuuna aad u rabay inuu la saaxiibo carruurta kale.

Haddii Filipe loo soo diro in uu rooti u soo gado hooyadii, dadka tuuladu weligood kama hor imaneynin wiilkan mar walba waxay ku eegi jireen cabsi iyo ciil isku jira kuwaasi oo naxdin ku beeray wiilka dhalinyarada ah. Caruurta kale lama ciyaari jirin, waligiisna looma ogolayn in uu beerta soo galo marka ay tahay dayax buuxdo.

Qodobkan ugu dambeeya ayaa laga yaabaa inuu ahaa kii ugu xumaa dhammaantood sababtoo ah Filipe aad buu u jeclaa dayaxa iyo wax ku saabsan dayaxa- gaar ahaan markii ay bisha cadda tahay oo oo wareegeeda buuxsamo- Filipe ayaa waxaa kacay ruuxaantiisa kana dhigay inuu rabo inuu heeso oo dheelo oona ordo.

In kasta oo noloshiisu nabad ahayd, haddana farxad bay ka fogayd. Filipe ayaa isu arkay inuu aad iyo aad u sii go'doonsan yahay sannad kasta. Ma uusan lahayn saaxiibo, marna laguma casuumin inuu la ciyaaro carruurta kale. Mararka qaarkood waxa uu maqli jiray qosolkooda oo uu qiyaasi jiray ciyaaraha ay ciyaarayaan iyo sida ay u baashaalayaan.

Filipe wuxuu kaloo ogaaday in xitaa hooyadiis iyo walaalihiis ay bilaabeen inay si yaab leh u eegaan.

‘Maxaa iga qaldan?’ Filipe ayaa marar badan is waydiiyay. ‘Ma ihi wiil xun. Waxaan qabsadaa shaqadayda, waligayna si xun uma dhaqmin. Maxaa la iila dhaqmaa si ka duwan carruurta kale?

Markii ay soo dhawaatay dhalashadiisii shan iyo tobnaad, Filipe murug an abidkii qaban ayaa qabatay.

Hooyadii marar dhif ah ayay u ogolaan jirtay inuu ka baxo guriga, waxayna inta badan u ekayd mid an jeclayn la socodkiisa. Carruurta xun waxay ku tuuri jireen dhagax haddii ay arkaan isaga oo kaligiis ku ciyaaraya guriga agtiisa, laakiin markii uu u soo jeesto inuu iska celiyo waa ay ka carari jireen iyagoo ku qaylinaya sidii qof bahal uu soo cayrsaday. Mararka qaarkood Filipe waxa uu hamiyey in uu u baxsado kaynta weyn oo aanu dib ugu soo noqon.

Maalin maalmaha ka mid ah hooyadii ayaa soo fadhiisatay, waxayna u sheegtay sababta keentay dhibaatooyinkiisa. ' Waxaad tahay wiilkayga toddobaad,' ayay tidhi, 'oo waxaa kugu dhacaya habaar, wiilkeygiyoow.’

Filipe aad buu u wareeray. ‘Waa maxay Habaarku?’ ayuu weydiiyey.

'Dhalashadaada shan iyo tobnaad waxaad isu beddeli doontaa Lobison, makhluuq ah badh nin iyo badh yeey. Ama qori ismaris'

Filipe wax walba oo ku saabsan Lobisonka wuxuu ka ogaaday buugaagtiisa iyo sheekooyinka walaalihiis ay wadaagaan habeenkii mar kasta oo ay u maleynayaan inuu ku seexday sariirtiisa.

Laakiin weligood uma ay sheegin Filipe in sidaas uu u habaaranyahay. Ma uusan rabin inuu noqdo Lobison. Ma uusan rabin inuu noqdo mid xun ama naxariis daran, mana uusan hubin fikradda ah in uu yeelanaayo ciddiyo dhaadheer iyo dhogor weyn oo jidhkiisa oo dhan ah.

Habeenkii dhalashadiisii shan iyo tobnaad, Filipe gii da'da yaraa aad buu u murugooday si uusan horay ugu murugoonin noloshiisa oo dhan. Intuu sariirta fadhiistay mugdi dhexdiisa ayuu iska ooyay kaligiisa. 'Weligay keligay baan ahaa,' ayuu ka fakaray. ‘Mar walba si ka duwan dadka kale ayaa la iila dhaqmi jiray. Haddana waxaa la igu habaaray inaan noqdo Lobison. Maxaan sameeyaa? Waxa kaliya ee aan waligay rabay waxay ahayd in liila dhaqmo si la mid ah dadka kale. Waxa kaliya ee aan rabay waxa ay ahayd in aan saaxiibo kula ciyaaro kaynta oo aan u bogo ama jeclaado bisha quruxda badan ee habeenkii.

Isla markaas Filipe ayaa eegay daaqada qolka jiifka wuxuuna arkay in dayaxu uu ka soo baxayo cir madow oo buluug ah oo ay ka buuxaan xiddigo. Waxa ay ahayd dayax aad u qurux badan oo buuxa oo qalbigiisa farxad ka buuxiyey. Dabadeed waxaa dhacday arrin aad la yaab u leh: Filipe waxa uu ka dareemay calooshiisa kacsanaan iyo cuncun maqaarkiisa oo dhan ah. Laabtiisa ayaa waxa ka soo baxay dhawaaq qaylo ah oo madaxa kor ugu qaaday dayaxa oo u yeedhay si aanu hore u yeelin.

Jidhkiisa oo dhan ayey si lama filaan ah uga soo baxday dhogor, ciddiyaha gacmaha iyo cagahana waxay isu beddeleen ciddiyo midab-maroodi ah oo dhaadheer. Dharkiisii ayaa googo'ay oo dhulka ku dhacay cagihiisa agtooda. Markii Filipe uu muraayadda eegay, waxa uu arkay milicsiga wiil yeey-dadeed oo soo eegaya isaga oo dhogor dhumuc weyn leh oo jidhkiisa oo dhan ka muuqda iyo indho cas sida duurjoog oo ad mooddo in ay gudcur ka dhex dhalaalayaan.

‘Marka waxaan ahay Lobison!’ Ayuu ku dhawaaqay.

Filipe waxa uu dareemay yeedhidda dayaxa iyo kaynta waxana uu ogaa in la gaadhay wakhtigii uu dhabarka u jeedin lahaa noloshiisii hore oo uu soo dhaweyn lahaa nolosha cusub.

Wiilkii yaraa ee yeyga ayaa furay daaqaddii qolka jiifka. Wax yar ka hor inta aanu habeenkii ku boodin ayuu istaagay oo eegay qolkiisii hore ee jiifka ahaa oo uu ka fikiray hooyadii iyo aabbihii iyo lixdii walaalihiis. "Mar walba waan idiin xasuusan doonaa, qoyskayga aan jeclaa, laakiin hadda waa inaan aqbalo qofka aan ahay oo aan bilaabo nolol cusub."

Dabadeedna waxa uu ka booday daaqaddii qolka jiifka oo uu orod ku galay kaynta, isaga oo mar kasta dayaxa ku qaylinaya, qalbigiisana waxa ka buuxa rajo cusub oo la yaab leh oo mustaqbalka ah.

Markii Filipe uu ku dheeraaday gudaha kaynta weyn, wuxuu ku istaagay meel bannaan oo qurux badan wuxuuna eegay dhirtii hore iyo dayaxa quruxda badan ee cirka sare. Wuu qayliyey oo qayliyey oo booday oo qoob-ka-ciyaaray oo qoslay... markii ugu dambaysayna uu qaylida iyo qoob-ka-cayaarka joojiyey, waxa uu eegay hareeraha oo uu arkay in Lobison kale ay ku soo uruureen bannaanka. Qaar waxay ahaayeen da'yar sida Filipe, qaarna waa ay ka weynaayeen.

Waxay u tageen Filipe oo ay soo dhaweeyeen.

‘Hadda waxaad joogtaa gurigaada, kaynta weyn iyo asxaabta dhexdooda,’ ayuu mid ku yidhi cod naxariis leh. Waxayna ahayd markaas markii Filipe uu gartay inuusan habaarnayn.

‘Anigu waxaan ahay Lobison oo waxaan joogaa gurigayga!’ Wuxuu yidhi isagoo dhoola cadeynaya markii uu madaxa kor u fiiriyey dayax buuxa oo aad u qaylinaya. Lobison-kii kale ayaa ku soo biiray oo ku biiriyey qaylo xoog badan oo habeenkii samada si ay u sharfaan dayaxa.

Meel dhowr mayl u jirta, Filipe hooyadii waxay istaagtay beerteeda iyadoo ku labisan go'eeda habeenkii waxayna dhegeysatay buuqa Lobisonka oo ku dul wareegaya neecaw qabow oo ka imanaysa kaynta weyn dhexdeeda. Islaantii way dhoola cadaysay, waayo waxay ogayd in wiilkeedii toddobaad uu ugu dambayntii helay guri lagu soo dhawaynayo oo uu saaxiibbo badan ku yeelan doono, nolol dheer oo farxad lehna ku noolaan doono..

Enjoyed this story?
Find out more here