KidsOut World Stories

Diinka iyo Bakaylaha KidsOut    
Previous page
Next page

Diinka iyo Bakaylaha

A free resource from

Begin reading

This story is available in:

 

 

 

 

Diinka iyo Bakaylaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

*

Waxaa jiri jiray, oo ku noolaa beer aanan adiga kaa fogayn, bakayle itaal badan oo faraxsanaa iyo diin hurdo badnaa. 

Bakaylaha faraxsanaa magaciisu waxuu ahaa Noel oo diinka hurdo badnaa magaciisu waxuu ahaa Archibald. Archibald diinku waxuu jeclaa in uu fadhiyo oo uu aayar u calaliyo cuntadiisa, halka Noel bakayluhu uu wada liqi jiray cuntadiisa oo uu or ordi jiray hareeraha Archibald ilaa uu dawakho. 

Maalin, ayay wada murmeen.

‘Waxaan ahay xayawaanka ugu orod dheer dunidaas ballaaran oo dhan,’ ayuu yiri Noel. ‘Waxaan orodka ka dheereeyaa haramcad khayaani ah, kangaroo laad badan iyo bakaylaha baratama,’ ayuu ku faanay. 

‘Allah iga aamus,’ ayuu neefta ugu tuuray Archibald. ‘Aad ayaad isku jeceshahay! Haddii aad is ilaalin weydo meel xun ayaad ku dambayn doontaa.’

‘Waa halkee haddaba meesha xun?’ ayuu weydiiyey Noel. ‘Halkan ma ka fog tahay?’ 

Archibald ayaa indhaha sare u rogay oo sii waday calalinta caleemo saladh oo macaanaa. 

‘Allah, labadiinu joojiya muranka,’ ayay tiri shimbir madoobi markii ay agtooda duulitaan ku martay. 

‘Maya, tani waa wax dhab ah,’ ayuu yiri Noel bakayluhu. ‘Waxaan dhammaantiin idiin caddayn doonaa in aan ahay xayawaanka ugu orod dheer dunidaas ballaaran oo dhan!’ 

‘Waa yahay,’ ayuu yiri Archibald diinku. ‘Waan kula baratami doonaa haddaba!’ 

Noel bakaylaha ayaa qosol la dhacay. 

‘Bal sug oo arag,’ ayuu yiri Archibald. ‘Waxaan weydiin doonaa Wallace guumayska gaboobay ee xikmadda badan in uu noo qabto baratan.’ 

Wallace guumayska gaboobay ee xikmadda badan ayaa baratanka ka dhigay maalintii ku xigtay. Dhammaan xayawaankii beerta ayaa soo xirtay dharkoodii ugu fiicnaa, soo feertay dhogortoodii, soo qaatay calan ay lulaan oo isku diyaariyey in ay taageeraan diinka iyo bakaylaha. 

‘Is taaga! Is diyaariya! Dhaqaaqa!’ ayuu ugu yeeray Wallace. Baratanka ayaana bilaabmay! 

Aayar, aayar, ayuu Archibald diinkii u dhaqaaqay oo dhakhso, dhakhso ayuu Noel bakaylihii u booday oo dhawaan waa la arki waayey.  Runtii, waxuu gaaray meel hore oo aad u fog oo, markii uu dib u eegay, Archibald diinkii ayuu arki waayey. 

‘Cajiib,’ ayuu Noel is yiri. ‘Waxaa la moodaa in aaban badiyey! Waxaan u arkaa in aan xoogaa seexan doono geedkan hoostiis, maanta aad ayay u kulushahay.’ Noel bakaylihii ayaa dhawaan hurdo culus galay. 

Intaasna, Archibald diinkii ayaa aayar u laafyoonayey, isagoo ku xiise qaadanayey cadceedda ku dhacaysa qoloftiisa. Hore iyo hore iyo hore iyo hore iyo hore ayuu u sii luudayey waxuuna kolba mar yara goosanayey caws. Waxuu luud ku dhaafay geedka jirrid weynaha, waxuu luud ku dhaafay kaabadda, waxuu luud ku dhaafay cariishka lo'da, waxuu xataa luud ku dhaafay Noel bakaylihii oo weli ku khuurinayey geedka hoostiis. Archibald waxuu sii luuday ilaa uu gaaray bartii dhammaadka oo ay iskugu yimaaddeen Wallace guumayskii gaboobay ee xikmadda badnaa iyo dhammaan xayawaankii kale ee beerta ku jiray. 

Xayawaankii oo dhan ayaa iskugu soo ururay hareeraha Archibald oo mashxaradayey oo qaylinayey. 

‘Guul wanaagsan! Guul wanaagsan! Adiga ayaa badiyey!’ 

Shanqartaas oo dhan ayaa hurdadii ka soo boodsiisay Noel bakaylihii. 

‘Allah! Allah! Maxaa dhacay? Waa maxay shanqartan oo dhan? Iska dhaaf. Waa in aan baratanka dhammeeyo ka dibna waxaan doonan karaa cuntadayda,’ ayuu is yiri. 

Noel bakaylihii ayaa orod kaga degay buurta yar dhanka barta dhammaadka. Laakiin markii uu halkaas gaaray, isagoo ka argagaxay, waxuu arkay Archibald diinkii oo qoorta loo suray billadda dahabka ee guulaystaha. 

‘Tani ma dhici karto! Kollay wuu i khiyaameeyey,’ ayuu ku ooyey Noel bakaylihii. ‘Dadkoo dhan ayaa og in aan isaga ka orog dheer ahay!’ 

‘Archibald diinku kuma khiyaamayn,’ ayuu yiri Wallace guumayskii gaboobay ee xikmadda badnaa. ‘Si daacad ah ayuu kaaga badiyey. Aayar hubaal leh, isagoo aanan marna quusanin, ayuu Archibald ku dhaafay barta dhammaadka oo uu kaaga horreeyey.’ 

Noel bakaylihii ayaa u muuqday in uu aad u caraysnaa oo uu afka buurayey. Archibald diinkii ayaa taas isaga uga xumaa waxuuna isku dayey in uu ka farxiyo. 

‘Waxba ha caroon Noel, baratan ayay ahayd uun,’ ayuu Archibald yiri. ‘Waxaan hubaa in aad badin doonto midka xiga. Waxaanan ka jecel ahay in aan weli saaxiibbo ahaanno halkii aan ka badin lahaa baratan walba oo dunida ka dhaca.’ 

Oo maalintaas ka dib, waxay ahaayeen saaxiibbada ugu fiican oo Noel bakaylihii weligiis dib uma faanin. 

Enjoyed this story?
Find out more here