KidsOut World Stories

Deero iyo Shabeel David Heathfield    
Previous page
Next page

 

 

 

 

Deero iyo Shabeel

Sheeko Baraasiili ah

 

 

 

 

 

 *

Deero ayaa webi weyn soo ag martay oo duurka soo gashay: ‘Ah, nolol noocee ayaan soo galay? Guri ma haysto. Malaha guri baan dhisanayaa. Halkan waa meel aad u fiican.'

Deeradi waa ay sii wadatay hawshii.

Waxaa ag yimi Shabeel oo isagana webiga weyn agtiisa yimid, kaynta ayuuna sii galay. Isla goobtii ayuu yimi: ‘Ah, waa maxay noloshayda sida ay tahay? Maalin maalmaha kamid ah waan degi doonaa gurina waan dhisan doonaa. Halkan waa meel aad u fiican.

Shabeelki waa uu sii watay hawshiisa.

Deeradi ayaa soo noqotay, oo geesaheedii qurxoonaa ayey isaga jartay dhirtii yar yarayd, geedihii waaweynaana waa ay  jartay, dhulkiina waa ay sintay si ay guri u dhisato, dabadeedna duurka ayey sii gashay.

Hadda shabeelki ayaa yimid: ‘Halkani waa meeshii aan gurigayga ka dhisi lahaa, laakiin dhulka waa la banneeyey oo la simay. Sida cad, Ilaaha Tupan ayaa barakeeyey tan. Halkan ayaan gurigeyga ka dhisanayaa.’ Si xamaasadeysan ayuu shabeel dhulka u simay oo dhulka jilciyey oo sagxad uga dhigay – adag oo dhaldhalaalaysa isaga oo ilkahiisa adeegsanaya – ka dibna duurka ayuu usii gudbay.

Deeradii baa soo noqotay: ‘Sagxad baa la sameeyay, adag oo dhalaalaysa. Waxaa cad in Ilaah Tupan uu i caawinayo.’ Deeradi tamar cusub ayey heshay oo ay  guriga gidaar ugu dhisato. Markii ay dhameysay, Deeradi duurka  ayey u sii gudubtay.

Hadda waxaa yimid shabeel: 'Ilaaha Tupan gurigayga wuxuu u dhisay gidaarro. Hadda waxaan samayn doonaa saqaf.’ shabeelkii xooganaa wuxuu sameeyay saqaf, markuu dhammeeyeyna wuxuu u baxay kaynta.

Deeradi waxay aragtay in saqafka la sameeyay: 'Tupan waa i barakeeyay runtii.

Guriga dhexdiisa, Deeradi waxay ka samaysay laba qol: Mid nafteeda iyo mid ay u sameeysay Tupan. Waxa ay gashay hal qol, waa ay nasatay oo seexatay markii ay mugdi noqotay.

Hadda shabeelki ayaa soo noqday oo wuxuu arkay in guriga ay ku yaalaan laba qol: 'Tupan wuxuu naftiisa u sameeyay qol uu guriga igula wadaago.’

Qolkii kale ayuu galay oo iska seexday.

Deeradi iyo shabeelki hal guri ayey seexdeen habeenkii oo dhan. Markii waagu beryay, labaduba way tooseen.

Deeradi waxay aragtay shabeelki. Shabeelkina wuxuu eegay Deeradi: 'Ma gacan baad ka gaysatay dhismaha gurigayga?’

‘Haa waan ka gaystay. Ma gacan baad ka gaysatay dhismaha gurigayga?’

‘Haa waan ka gaystay.’

Marka waxaa dhacday in shabeelka iyo Deeradu ay guriga ku wada noolaadaan si nabad ah... muddo yar.

Shabeelki wuu gaajooday: ‘Dab inoo shid. Saar dheri aan wax ku karsanno. Ugaadhsi baan u socdaaye.’ Shabeelki gurigii ayuu ka baxay, Deerna waxay diyaarisay dabkii iyo digsigii biyaha kulaylka ahaa.

Shabeelki ayaa helay oo qabtay oo dilay deero. Gurigii buu ku soo celiyay. Wuxuu bilaabay inuu kariyo deeradii. Deeradi markii ay aragtay waxa uu shabeelka karinayo, way murugootay.

Shabeelki ayaa bilaabay inuu wax cuno. Deeradii way cabsatay oo waxba ma cunin. Deeradi ayaa qolkeeda aaday oo damacday inay seexato.

Shabeelki wuxuu aaday qolkiisii.

Habeenkii oo dhan, Deeradi ayuu indhaheeda furnaa, iyada oo ka cabsanaysa inuu shabeelka yimaado oo cuno.

*

Subaxdii, Deeradi ayaa Shabeelki ku tidhi: ‘Dab inoo shid. Diyaari digsiga. Karkari biyaha. Waxaan aadayaa ugaarsi.

Deeradi duurka ayey aadday. Halkaasi, waxaa ciddiyihiisa qolof geed ku afeeysanaayey shabeel.

Deeradi waa ay sii socotay ilaa ay ka aragtay Tamandua aboor cunihi.

‘Shabeelkaasi ayaa xumaan kaa sheegay.’

Tamandua wuu xanaaqay. Wuu tegey oo waxuu ku weeraray shabeelki cidiyihiisa fiiqanaa ee xoogga badnaa. Markii shabeelki la dilay, Tamandua wuu baxay. Deeradi ayaa shabeelki dhintay usoo qaadday gurigi.

Shabeelki markuu arkay waxa ay Deeradu karinayso ayuu cabsaday. Deeradii oo cuntada cunaysa ayuu daawan waayay, qolkiisii ayuu aaday. Laakiin runtii, sida aad ogtahay, deerada ma cunaan hilibka shabeel.

Deeradi baa hadda qolkeeda aadday. Deeradu waa ay seexan weyday. Deeradu waxay ka baqaysay in shabeelku uu habeenka yimaado oo uu cuno.

Shabeelki wuu seexan waayay. Waxa uu ka baqay in habeenka ay Deero imanayso oo ay cunayso. Shabeelki ayaa ugu dambeyntii bilaabay inuu lulmo oo uu seexdo.

Deeradii ayaa ugu danbayn bilawday in ay lilmooto oo ay seexato. Inta ay madaxa lulaysay, ayey geesaheedi derbiga ku garaacday iyagoo dhawaaq xoogan sameeyey. shabeelki ayaa hurdada ka kacay isagoo ka cabsanaya in Deeradi ay soo weerarto. Qaylo dheer ayuu sameeyey.

Deeradi waxay rumaysatay in shabeelki uu u soo socdo inuu dilo.

Deeradi baa gurigii ka carartay! shabeelki gurigii wuu ka cararay! Labadii ayaa jiho iska soo horjeeda u orday. Tan iyo waagaas, shabeelka iyo Deerada ma wada noolayn.

Enjoyed this story?
Find out more here